Waa muhiim inaad aragto dhakhaatiirta mashruuca bixiyaha qorshahaaga caafimaad haddii aad rabto inaad ka hesho heerka ugu sarreeya ee caymiska qorshahaaga.
Sida loo raadiyo mashruuca saxda ah
Maxaan ugu baahanahay inaan gelo nidaamka kombuyuutarka si aan dhakhtar u raadiyo?
Iyadoo mashruucyayadu ay aad u weyn yihiin, dhakhaatiir gaar ah iyo bixiyeyaasha kale ee daryeelka caafimaadka ee ku qoran qalabkan waxaa laga yaabaa inaanay ku jirin mashruuca qorshahaaga caafimaadka. Waa muhiim inaad gasho oo aad raadiso mashruuca saxda ah si aad u hubiso inaad arkayso dhakhaatiir, rugaha caafimaadka iyo cusbitaalada uu caymiyay heerka ugu sareeya ee qorshahaaga caafimaadka. Haddii aad booqato bixiyeyaasha aan ku jirin mashruucada, kharashyadaada jeebka ayaa laga yaabaa inay aad u bataan.
Sideen ku garanayaa mashruuca aan dooranayo?
Habka ugu fiican ee aad ku hubin karto inaad raadinayso mashruuca saxda ah waa adigoo gelo. Markaad bixiso macluumaadka kaadhkaaga aqoonsiga, waxaanu ogaan doonaa mashruucaaga oo kaliya waxaanu muujin doonaa natiijooyinka mashruucaaga ka dib markaad gasho. Waxaad sidoo kale:
- Tixraac agabka qorshahaaga, sida Sharaxaada Qorshahaaga Kooban, Qorshaha qandaraaska ama agabka iibka, ee magaca mashruuca bixiyahaaga.
- Ka wac adeegga macaamiisha lambarka ku yaal dhabarka dambe ee kaadhkaaga aqoonsiga xubinta.
Talooyinka ku saabsan isticmaalka qalabka
Sideen ku heli karaa bixiyeyasha daryeelka caafimaadka oo badan?
Haddii aad arkayso natiijooyin xaddidan, isku day inaad hagaajiso raadintaada:
- Isticmaal ereyo guud oo yar ama badan
- Hagaajin macluumaadka goobta ama masaafada
- Ku baar khabiir ahaan (tusaale, dhakhtarka carruurta)
- Isku day inaad isticmaasho magaalo iyo gobol haddii ay magaaladu leedahay in ka badan hal sib koodh
- Haddii aad soo koobtay raadintaada adiga oo habaynaya natiijooyinkaaga (tusaale ahaan, adiga oo dooranaya jinsiga), ka noqo habaynta
- Isku day inaad raacdo raadinta qaybta la hagayo
Sideen u eegi karaa kharashyada habraaca?
Kuwa leh loo shaqeeyaha la bixiyay ama qorshayaasha qoyska iyo shaqsiga aya isticmaali karaan qalabkan si ay u arkaan kharashyada lagu qiyaasay 1,700+ nidaamyada iyo adeegyada. Tani hadda ma khusayso xubnaha Medicare.
Talaabada 1Gal ama iska diiwaan geli mareegta xubinta ama akoon abbka ee xubinta
Tallaabada 2: baar si aad u hesho Dhakhtar
Talaabada 3: Geli magaca habraaca goobta raadinta ee "Find a doctor".
Talaabada 4: Sug ilbidhiqsi ilaa ay ka soo muuqato liiska hoos kuso dhici doono
Tallaabada 5 Dooro habraaca aad rabto
Tallaabada 6 Dib u eeg qiyaasaha kharashka guud oo dooro bixiyaha si aad u aragto tafaasiil dheeraad ah
Waxa kale oo aad dooran kartaa "Qiyaasaha Kharashka Daryeelka" oo aad raaci karta dariiqa uu kugu hagayo si aad ugu gudubtid qiyaasta kharashka.
Waa maxay macnaha filtarrada shuruudaha goobidda iyo cidda macluumaadka siisa?
Inta badan Xogta Dhakhtarka Hel waxa bixiya bixiyaha walba oo daryeelka cafimaadka ama xarun oo dib loogu cusbooneysiiyay hadba sida loogu baahdo iyada oo loo marayo habka qandaraaska ee Blue Cross.
Takhasusle - Kani waa takhasuska caafimaad ee uu xirfadlaha daryeelka caafimaadku u aqoonsan yahay inuu bixiyo adeegyada caafimaadka xubnahayaga.
Xiriirka cusbitaalka - Kuwani waa cosbitaalo ka tirsan mashruuca qorshaha caafimaadka kaaso bixiyaha uu leeyahay ogolaanshaha ama ka mudnaanta qaybgalka. Fadlan ogow in haddii isbitaal uusan qandaraas la gelin qorshaha caafimaadka, kuma jiro liiska buug-tusahaan.
Xidhiidhinta kooxda caafimaadka - Liiska dhammaan kooxaha caafimaadka ee uu dhakhtarka daryeelka caafimaadku xidhiidh la leeyahay (marka ay khusayso). Haddii takhtarku aanu bixin macluumaadkan, laguma darin buug-hagahan.
shahaadaynta guddiga - Marka dhakhtarku si guul leh u dhamaystiro barnaamijka iyo tijaabinta takhasuska gaarka leh, waxay ku guulaystaan shahaadada guddiga. Shahaadada guddigu waxay tusinaysaa khibradda dakhtarka ee takhasuska gaarka ah iyo/ama takhasuskooda hooseya ee caafimaadka. Heerka caddaynta guddiga ee shahaadada dhakhtarka, oo ay ku jirto taariikhda dhicitaanka (haddii ay khuseyso), waxaa si toos ah loogu caddeeyey Guddiga Khaaska ah ee Caafimaadka Maraykanka (ABMS).
Takhasusyada uu dhakhtarku ku guulayste shahaado, takhasuskaa waxa loo liisgareeya sida "Board Certified.(shahaadeynta Guddiga) Heerka shahaadada guddiga waxaa lagu cusboonaysiiyaa ABMS marka ay dhacayso, laakiinsa waxaa jiri kara xaaladaha qaarkood marka xogtu aysan hadda ahayn sababtoo ah waqtiga la cusbooneysiiyay website-ka.
Dhakhaatiirta intooda badan, waxaad ku xaqiijin kartaa heerka shahaadaynta guddiga ee dakhtarka adiga oo u maraya Guddiga Maraykanka ee takhasuska caafimaadka. Shahaadada guddiga waa mid hadda jirta haddii dakhtarku uu ku qoran yahay bogga ABMS sida shahaado "Guud" ama "Takhasus".
Aqbalaada bukaanada cusub - Waxay tuseysaa in bixiyaha uu hadda aqbalayo bukaano cusub iyo in kale. Macluumaadkan waa la cusboonaysiiyay sida uu sheegay dhakhtarku.
Luqadaha ay ku hadlaan bixiyaha daryeelka caafimaadka ama shaqaalaha daawaynta - Waxay tusinaysaa luqad kasta (oo aan ahayn Ingiriisi) oo ay ku hadlaan dhakhtarka ama shaqaalaha caafimaadka ee xafiiska. Macluumaadkan waxaa lagu cusboonaysiiyaa si xilliyo ah iyada oo loo marayo wacyigelinta mashruucaa bixiyaha.
Goobta - Cinwaanka xafiiska dhakhtarka ama isbitaalka. Waxa loo cusboonaysiiyaa sida uu sheegay dhaqtarka ama cisbitaalka marka la raro.
Aqoonsiga cusbitaalka - Aqoonsigu waa hannaan tabarucaad ah oo qiimeeya in cisbitaalku buuxiyo heerarka loo qoondeeyay ee caafimaadka iyo badbaadada. Heerka aqoonsiga cisbitaalka waxa si toos ah loogu xaqiijiyaa Guddiga Wadajirka ah.
In kasta oo aqoonsiga la xaqiijiyo saddexdii sannadoodba mar, isbeddel kasta oo ku yimaadda xaaladda uu cusbitaalku sheegay waxa lagu cusboonaysiiyaa buuggan sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah. Inta jeer ee cusbooneysiintu way ku kala duwanaan kartaa bixiyeyaasha ka baxsan Minnesota.
Waa maxay Blue Distinction Center (Xarunta Kala soocida Bule) (BDC)?
Blue Distinction Centers (Xarumaha Kala-soocidda Bule) waa isbitaallo loo aqoonsan yahay khibraddooda bixinta daryeelka gaarka ah.
Ma heli karaa liiska daabacan ee dhammaan dhakhaatiirta, isbitaallada iyo rugaha caafimaadka ee mashaaricdayada?
Mashaaricdayada waxaa ku jiran dhakhaatiir badan, rugaha caafimaadka iyo isbitaallada. Sababtoo ah dhakhaatiirtu waxay soo galaan oo ka baxaan shabakadayada, liiska daabacan ee bixiyeyaasha ayaa noqon doona mid aad u weyn oo si dhakhso ah u noqda kuwo duug ah. Si aad u daabacdo natiijooyinka raadinta, adeegso isku xirka "Save as PDF" ee ku yaal xagga hoose ee bogga natiijooyinka raadinta.
Ku saabsan macluumaadka ku jira qalabkan
Sideed ku heshaa macluumaadka ku saabsan bixiyayaasha daryeelka caafimaadka?
Bixiyeyaasha daryeelka caafimaadka (sida takhaatiirta) iyo cisbitaallada aan qandaraaska la galno aya na siiyaan macluumaadkan habka aqoonsiga. Aqoonsigu waa hubinta saxnaanta shahaadooyinka la sheegay ee xirfadlayaasha caafimaadka ama ururada shatiyaysan. Waxa kale oo ay ku lug leedahay dib u eegista asalka bixiyaha, sida waxbarashada iyo tababarka, si loo hubiyo in ay buuxiyeen shuruudaha xirfadeed.
Aqoonsigu waxay dhacdaa marka bixiye daryeel caafimaad ama cisbitaal uu marka hore codsado inuu bixiyo adeegyada xubnaha ee mashruuca kujira. Bixiyeyaasha Minnesota, dib-u-aqoonsigu waxay dhacdaa ugu yaraan saddexdii sannadoodba mar taas ka dib. Tani way ku kala duwanaan kartaa gobolada kale.
Waxaan sidoo kale ka helnaa macluumaadka ku saabsan bixiyayaashayada habka qandaraaska. Qandaraasku waa marka bixiyaha daryeelka caafimaadka ama cisbitaalku ogolaado inuu bixiyo adeegyada xubnahayaga oo la sameeyo saddexdii sanoba mar.
Sideed u xaqiijisaa macluumaadka?
Macluumaadka waxaa lagu xaqiijiyaa habka aqoonsiga iyo/ama qandaraaska ee kor ku xusan.
Intee jeer ayaad xaqiijisaa macluumaadka?
Macluumaadka waxaa lagu xaqiijiyaa aqoonsiga iyo/ama qandaraasyada iyo saddexdii sanoba mar marka dib-u-aqoonsiga bixiyeyaasha Minnesota. Tani way ku kala duwanaan kartaa bixiyayaasha meelaha kale. Halka lagu xuso su'aasha xigta, waa la cusboonaysiiyaa oo waa la xaqiijiyaa wakhtiyo dheeraad ah.
Macluumaadka sharciga
Hubi in dhakhtarkaaga iyo adeegaagu ay caymisan yihiin
Shatiyada Blue Cross iyo Blue Shield waxay sameeyeen dadaallo macquul ah si ay u hubiyaan in liiska bixiyayaasha la soo bandhigay uu yahay mid cusub oo sax ah. Fadlan wac bixiyaha ka hor inta aanad ballan samayn si aad u xaqiijiso in bixiyaha uu qayb kasii ahaanayo mashruuca. Xubnuhu waa inay tixraacaan qandaraaskooda dheefta ama la xiriir waaxda adeegga macaamiisha ee qorshahooda si ay u go'aamiyaan haddii nooca bixiyaha la caymiyay. Xubnuhu waa inay sidoo kale weydiiyaan adeegga macaamiisha haddii daawaynta laga codsado bixiyayaasha mashruuca ay tahay mid la caymiyay.
Shuruudaha Nakhshadda mashruuca MNsure ee Dhakhaatiirta iyo Cisbitaallada
Dhammaan mashruucaha qorshaha MNsure waxay ka kooban yihiin dhakhaatiirta daryeelka aasaasiga ah ee ka qaybqaata iyo khabiiro takhasus leh. Marka la asaasayo mashruuc, tixgalinta ayaa la sameeyaa meesha ay joogaan dhakhaatiirta iyo cisbitaallada la xiriira halka xubnaha ay ku nool yihiin. Hadafkayagu waa in xubnaha oo dhami ay helaan masaafo macquul ah oo ay ku helaan dhammaan noocyada dhakhaatiirta iyo isbitaallada. Go'aamada ku saabsan in dhakhtar ama cisbitaal lagu daro ama aan lagu darin mashruuca waxay ku saleysan tahay awooda ay u leeyihiin inay daryeel siiyaan xubnaha oo aanay isticmaalaan tayada, khibrada xubinta ama qiyaasaha la xiriira qiimaha.