Ku maaree kharashaadkaaga bilaha adoo u marayo qorshaha Lacag bixinta warqada dawada ee dhakhtar qoray.
Baro wax badan oo isdiiwaangeli
Ama wac 1-833-696-2087, TTY 711
Waxaad sidoo kale ka isdiiwaangelin karta adiga buuxinaya foomka codsiga
Waa maxay qorshaha Lacag bixinta warqada dawada ee dhakhtar qoray ee Medicare?
Qorshaha lacag bixinta warqada dawada ee dhakhtar qoray waa barnaamij bilaabanaya 2025 kaas oo ka caawinaya inaad maareyso kharashaadka daawada ee ka baxasan jeebkaaga Part D adiga faafinaya sanadka oo dhan (Janaayo - Desember). Tani waxay noqon karta faa'iido haddii heysato kharashaadka sare ee daawada, gaar ahaan sanadka hore.
Haddii aad ku faraxsan tahay sida hadda aad ku bixiso lacagta daawada ee Medicare ee Part D, kharashaadka daawaada way yar yihiin ama bil walba waa isku mid, haddii aad hesho caawinta lacag bixinta daawooyinkaaga iyadda loo marayo barnaamijyo kale sida Extra Help, doorashada lacag bixintan waxay noqon kartaa dookha kugu fiican adiga.
Tani waa doorashada lacag bixinta tabarucida ee la siiyo dhammaan qorshayaasha Medicare ee Part D. Ma jirto kharashaka ka qeybgalista. Barnaamijkan wuxuu ka caawinaya inaad maareyso kharashaadka bilaha ah, laakiin ma ku badbaadinayo laca ama kharashaadka yar daawooyinkan.
Sharciga daawada dhakhtar qoray ee kharashaadka jeebka ka baxsan ee la soo celin $2,000 in 2025. Tani waxay ka dhigan tahay inaad bixin doonin in ka badan $2,000 oo ka baxsan jeebkaaga oo ah kharashaadka daawooyinka Medicare Part D 2025. Tani waa run qof walba oo leh caymiska daawada Medicare Part D, xitaa haddii aadan laheyn dookha aad ugu qeybgasho dookha lacag bixintan.
Sida ay u shaqayso qorshaha Lacag bixinta warqada dawada ee dhakhtar qoray ee Medicare
- Waxaad sii wadi doontaa inaad bixiso lacagta khidmada caymiska qorshaha Medicare Part D (haddii aad leedahay hal) maadama aad hadda leedahay hal. Mar walba bixi khidmada caymiska ee bilaha ah marka koowaad (haddii aad leedahay hal), marka ma weyn doontid caymiska daawada.
- Haddii aad iska diiwaangeliso Qorshaha Lacag bixinta warqada dawada ee dhakhtar qoray ee Medicare 2024, ka qeybgalidaada waxay bilaabaneysa Jaanayo 12025. Janaayo kadib 12025, waxaad iska diiwaanelin kartaa wakhti walba inta sanadka lagu jiro.
- Haddii ka qeybgalidaada la ansixiyo, waxaad heli doontaa warqad ay ku qoran tahay macluumaadka sida loo bixiyo lacagtaada. Marka farmashiistaha uu soo gudbiyo sheegashada warqada dawada ee dhakhtar qoray, waxaan u sheegi doonaa farmashiye inaad ka qeybgalayso dookhan lacag bixinta.
- Marka aad buuxiso warqada dawada ee dhakhtar qoray ee daawada ay daboosho Medicare Part D, waxaad heli doontaa bil walba halkkii aad ku bixin laheyd farmashiye (oo ay ku jirto dalabka boostada ama farmashiyaasha gaarka ah).
- Biilkaaga bilaha ah waxaa lagu saleyn doonaa kharashaadka daawadaada,oo lagu daray haraadiga bilaha, loo qeybiyaay tirada bilaha ka haray sanadka.
- Waxaad weli masuul ka tahay dhammaan kharashaadka daawada ee ka baxsan jeebka Medicare Part D. Haddii aad rabto inaad ogaato kharashaka ay kugu keeni doonto warqada dawada ee dhakhtar qoray, wac qorshaha daawada Medicare Partd ama weydii farmashiistaha/dhakhtarka dawada baxsho.
Khayraad
Macluumaad dheeraad ah
Hel macluumaadka dheeriga ah iyo ilahah ee Qorshaha Lacag Bixinta warqada dawada ee dhakhtar qoray ee Medicare.
Warqadda xaqiiqda
Dib u eeg Qorshaha Lacag bixinta Medicare ee warqada dawada ee dhakhtar qoray warqadda xaqiiqda ee loogu talo galay macluumaadka dheeriga ah ku saabsan barnaamijka iyo sida ay u shaqayso lacag bixinta daawada.
Sidee si degdeg ah loogu maamulaa codsiyada warqada dawada ee dhakhtar qoray
Codsiyada lagu galo qorshaha lacag bixinta warqada dawada ee dhakhtar qoray ee Medicare waxaa lagu saameya` dhowr saacadood 24 gudahood. Haddii aad u baahan tahay inaad si degdeg ah u qaadato warqada dawada ee dhakhtar qoray, wac taageerada macmiilka 1-833-696-2087, TTY 711 si aad uga la hadasho dookhaaga.
haddii wakhtiga ay qaadanayso uu u keeno dib u dhac buuxinta daawada la qoray dib u dhacaas wuxuu waxyeelo u geysanayaa caafimaadkaaga, waxaad weydiin kartaa doorashada dib u noqashada 72 saac gudahood marka sheegashadaada daawada dhakhtar qoray la dhammeystiray.
Haddii codsgaaga la ansixiyey, waxaa lagu soo celin doonaa dhammaan kharashaadka la wadaagay ee ah wixii ah daawooyin lagu buuxiyey 45 dhowr maalmood gudahood dib loogu biirayo qorshaha Lacag Bixinta warqada dawada ee dhakhtar qoray ee Medicare.
Maxaa dhacaya marka aadan bixinin lacagta biilkaaga
Waxaad heli doontaa xusuusin haddii aad bixin lacagta. Haddii aad bixinin lacagta ugu dambayn taariikda laguu soo qoray xusuusiyaha, waxaa lagaa saari doonaa Qorshaha Lacag Bixinta warqada dawada ee dhakhtar qoray ee Medicare.
Waxaa laga codsanaya inaad bixiso inta lagugu leeyahay, laakiin ma bixin doontid wax dulsaar ah ama kharashyo ah, xitaa haddii ay dib u dhacdo lacag bixintaada. Waxaad bixin kartaa dhammaan lacagaha hal mar ama biilka bilaha ah.
Haddii laga saaro Qorshaha Lacag Bixinta warqada Dawada ee dhakhtar qoray ee Medicare Part D, waxaad weli ka diiwaangashan tahay qorshaha Medicare Part D.
Kaydso daawooyinka leh barnaamujka Extra Help
Extra Help waa barnaamijka kaalmada dhaqaalaha ee ay heli karaan dadka qaata Medicare ee leh ilaha xadidan iyo dakhliga. Barnaamijka wuxuu ka caawiya xubnaha bixinta kharashaadka Medicare Part D waxaa lagu ballariyay 2024 si u ballariyo faa'iidooyinka heli karo.
Extra Help ayaa ka caawin kartaa inaad bixiso lacagta bilaha ah ee khidmada caymiska qorshaha Medicare Part D, isla bixinta iyo lacagta wadaaga lacag bixinta caymiska. Haddii aad leedahay Extra Help, waxaad iska diiwaangelin kartaa Qorshaha Warqada dawada ee dhakhtar qoray Medicare, laakiin waxaa heli kartaa faa'iido ka weyn oo ka barnaamijka Ext.ra Help.
Baro wax badan oo ku saabsan Extra Help
Waxaad sidoo kale la xiriir kartaa Barnaamijka caymiska caafimaadka ee Gobolkaaga (SHIP) si aad u hesho isticmaalid bilaash ah.