Barnamijyada daawada dhakhtar qoray

Blue Cross iyo Blue Shield ee Minnesota waxay bixiyaan barnaamijyada kala duwan ee daawada dhakhtar qoray Barnaamijyada la heli karo waxay ku xiran tahay qorshahaaga caafimaadka.

Waxay ka caawinaysa inaad si badqab ah u qaadato daawooyinka oo aad xakameyso kharashaadka

Tallaabada baxnaaninta

Step therapy waa hanaan u baahan isku dayista daawo kale taas oo aad u badqabi karto, caafimaad ahaan iuo waxtar ahaan, iyo mararka qaar, waa raqiis, ka hor inta aan la ansixin daawo qaali ah.

Xadida Tirada

Xadida tirada waxay xakameysa kharashaadka waxayna hubisa in daawooyinkaaga lagugu qora khidmooyin ku haboon.

Oggolaanshaha hore

Oggolaanshaha hore waa hanaanka lagu hubiyo in lagu qoro daawada haboon iyo isticmaalista ka hor daawada waa la dabooli doonaa. Caymiska ayaa la ansixin karaa kadib shuuradaha qaar markii la buuxiyo.

Daawooyinka gaarka ah

Cudurada qaar waxaa lagu daaweya daawooyin gaaar ah. Kuwaani waa xaaladdaha sida jeermisyada cuna neeferayaasha, homofiiliya, cagarshowga iyo lafo xanuunka. Waxaan dooranay faramshiyaal gaar ah oo lagu kalsoonyahay si ay kaga caawiso taageerada, guri keenid kugu haboon iyo kaydinta.

Waxay kaa caawinaysaa badbaadinta waqtiga

90 -maalin sahay

Haddii aad leedahay daawo dhakhtar kuu soo qoray oo socota, waxaad kaydsan kartaa adiga oo hela saadka maalinta 90 = oo hal mar ah. Waxaa ku heli karta in dawadaada lagugu keeno gurigaaga ama waxaad booqan kartaa farmashiyaha ku jira 90-maalin oo saadka shabakada.

Adeega guri keenista

Soo qaado daawada laguu qoray oo si toos ah lagugu so diray boostada gurigaaga ee leh adeega guri geynta. Waa fududahay wayna kugu haboontahay.

Barnaamijyo dheeraad ah

Ka qaado tallaaadda farmashiye

Farmashiye tafaariiqada ah, barnaamijka tallaalka, waxaa lagu dabooli doonaa marka aad u tagto farmashiyaha tallaalada guud ee kala duwan. Waxaa ku jira qorshaha ugu badan ee shaqaalaha.

Daawoyinka ka hortagga

Hel caymiska qaar ka mid ah dawooyinka dhakhtar qoray iyada oo jirin buuxinta baahida qorshaha caafimaadka ugu horeya ee lacag bixinta caymiska ee lagaa rabo. Barnaamijka dawada ka horta waa lagu daray qaar ka mid ah qorshayaasha loo shaqeeyaha.

  • Gal koontaada si aad u aragto liiska daawada ka hortagga, haddii la helayo

Daryeelka ka hortagga haweenka

Caymiska caafimaadka caadi ahaan waxaa daboola adeegyada daryeelka ka hortagga iyo noocyada kala fogeynta dhalmada. Baro marka la jadwalaysanayo baaritaanada baarista, sida baaritaanka rajada nasaha,baaritaanka pap, si uga caawiyo in la ogaado walacyada surtagalka ah ee caafimaadka. Waxaad sidoo kale dib u eegi kartaa soo koobida adeegyada daryeelka haweenka ee daboosho Blue Cross iyo Blue Shield ee Minnesota iyo Blue Plus plans.

 

Fiiro gaar ah:
Macluumaadkani ma khuseeyo qorshayaasha Medicare ama Minnesota Health Care Programs.
Barnaamijyada daawada dhakhtar qoray ee lagu daray qorshaha caafimaadka waxay ku xidhan yihiin nooca qorshaha. Si aad u aragto barnaamijyada aad heli karto, hubi agabka qorshahaaga ama wac lambarka ku yaal dhabarka dambe ee kaarkaaga aqoonsiga ee xubinta.