Siyaabaha loo yareyo kolesterolka

Baro waxaa sababa kolesterolka kacsan iyo tilmaamaha lagu yareeyo

Blue Cross waxay sharxaysaa kolestorolka iyo waxaa aad sameeyn karto inaad wadnahaaga caafimaad qab uga dhigto. Haddii aad leedahay arrimaha halista ah ee kolesterolka sare, jadwalayso ballanta si aad u yeelato baarista dhiiga.

RAADI DHAKHTAR

Maxaa sababa kolesterolka sare iyo sababta ay walac u tahay?

Kolesterolka waa walxo jiijiitamada oo raaca qulwulka dhiiga. Waxay ka timaada beerkaaga iyo cuntaada. Kolesterolka kacsan waa mid ka mid ah arrimaha ugu weyn ee saameya halista wadne xanuunka.

Marka heerka kolesterolkaagu uu kacsan yahay, waxay sababi kartaa inay halbowlayaashaadu inay adkaadan. Tani waxay dhacdaa marka ay xeerta ku dhisanto gudaha xididaada dhiiga, kuwaas oo xiri karaa qulqulka dhiiga. Xayrta waxay sidoo kale burburinaysa waxayna ku gelinaysa halista khatarta nolosha ee wadno xanuunka ama faliiga ah.

Sidee ayuu ugu badan yahay kolesterolka Minnesota?

Sida laga soo xigtay Waaxda Caafimaadka Minnestota, Kolesterolka kacsan wuxuu saameeya 15% dadka ree Minnesota iyo ku dhawaad kala bar dadka reer Minnesota ka weyn da'da 65.*

Sidee loo cabira heerka kolesterolka kacsan?

Heerka kolesterolka kacsan ee baarista dhiiga. Wadarta kolesterolkaaga waxaa ka mid ah sadexda cabir ee soo socda:

  • LDL: borotiinada libo ee cufka-hoos, ayaa sidoo kale loo yaqaana "kolesterolka xun".
  • HDL: borotiinada libo ee cufka-sare, ayaa sidoo kale loo yaqaana "kolesterolka fiican".
  • Dufinada, baruurta kale ee ku jirta dhiiga

Lambarka ugu muhiimsan waa LDL. Dhakhtarkaaga ayaa fiirin doonaa lambarka LDL si uu u qiimeyo halistaada oo u go'aamiyo haddii iyo sida lagu daweynayo:

  • Haddii aad horey u qabtay wadne xanuunka ama cudurka wadnaha ama faliig, LDL-kaaga ayaa inuu ka hooseya 70.
  • Haddii aad leedahay halista arrinta wadne xanuunka (sida macaanka), LDL-kaaga waa inuu ka hooseya 100.
  • Haddii aad ogeyn arrimo halista ah ee wadne xanuunka, LDL-kaaha waa inuu ka hooseya 130.

Waa maxay tilmaamaha caafimaad qabka ee kolesterolka?

Raga waaweyn iyo dumarka ka weyn 21 inay yeeshaan baarista dhiiga si ay u fiiriyaan heerkooda kolesterolka. Kolesterolka waa in la iska baara shan sano walba ama ka badan haddii aad leedahay arrimaha halis ah.

Arrimahaan ayaa ku gelin kara halista sare ee wadne xanuunka:

  • Taariikhda qoyska: haddii aad leedahay xubaha qoyska ee heerka koowaad kaas oo qaba wadno xanuun, faliig ama laga helay wadne xanuunka ka hor da'da 55(raga) ama da'da 65 (haweenka)
  • Taariikhda caafimaadka: haddii aad qabto macaan; cudurka kelyaha, dhiig karka sare, sokorta degdeg sare ama dufin sare; ama waxaad qadataa daawoyinka qaar
  • Arrimaha nolol qaabeedka; Haddii aad cabto sigaar; buuran tahay, maad nolol qaabeed fadhiid ah, oo aad cunto aan caafimaad qab aheyn ama aad u isticmaasho khamriga
  • Jinsiga: Haddii aad lab ama dhedidiga caadada kadib
  • Da'da: Halista wadne xanuunka waxaa kaordhiya da'da

Sidee loo daaweya kolesterolka kacsan?

Haddii aad qabto kolesterol kacsan ama arrimaha kale ee halista ee wadne xanuunka, dhakhtarkaaga waxaa laga yabaa inuu kugula taliyo mid ka mid ah ama ka badan kuwa soo socda:

  • Daawooyinka: daawooyinka kolesterolka ayaa loo yeera shaqada wanaagsan ee statins waxayna leedahay saameyn dhowr ah. Hel caawinta qaada daawada sida uu dhakhtar kugu qoray.
  • Beddelista cuntadaada: Yarey hilibka dufinta-badan iyo caanaha iyo dufinta socota inta badan waxaa laga helaa cuntooyinka warshadeysan
  • Fiiri kolesterolka kacsan: dhakhtarkaaga ayaa u bahaan karaa inuu fiiriyo si joogto ah heerkkaaga LDL si loo hubiyo inay kala badan yihiin

Maxaan sameeyn karaa si aan u yareeyo heerka kolesterolkeyga?

Waad iska dhaafi kartaa ama yareyn katrta kolesterolka kacsan iyo halista wadne xanuunka adiga oo sameeyna dookhyadaan caafimaad qabka ah:

  • Cun cunto isku dheeli tiran, oo ay ku jirto miro fresh iyo qudaar, oo ay ku jirto qamadi iyo dufinta caafimaad qabka ah
  • Sigaar ha cabin
  • Xadid cadada khamriga aad cabayso
  • Ku daaal miisaanka caafimaad qabka
  • Si joogto ah u jimicso
  • Si joogto ah u booqo dhakhtar

Ilo caafimeedyo dheeri ah

Baro wax badan oo ku saabsan daryeelka ka hortagga
Daryeelka ka hortagga haweenka
Daryeelka ka hortagga ee loogu talagalay raga
Daryeelka kahortagga maadaama aad gaboobayso
Baro Medicare wax ku saabsan

*Xigasho: Xaaladda dabadheeraada ee Minenesota, Waaxda Caafimaadka ee Minnesota, Jaanayo January 2016.