Emily Piper, JD

Madaxa Sharciga, Sarkaalka U doodaha & u hogaansamida, Hazelden Betty Ford Foundation

Madaxa Sharciga ahaan, U doodaha & Sarkaalka u hogaansamida, Hazelden Betty Ford Foundation, Emily Piper waxay hogaamisa noocyada shaqooyinka kala duwan ee nidaamka samafalka ugu weyn ee qaranka ee daawaynta cudurka walxaha maandooriya, daryeelka caafimaadka dhimirka, ilaha soo kabashada iyo ka hortagga la xiriira iyo adeegyada waxabarashada.

Piper waxay xubin ka tahay Kooxa Hogaanka Fulinta ee Hazelden Betty Ford, ee haysa masuuliyadda ay ku jirto sharciga, u hogaansamida, xiriirada dowladda, u doodista, xiriirada warbaahinta iyo xiriirka. Waxay sidoo kale hogaamisa dhowr hindisooyin oo ah ururka-ballaran, waxay u shaqaysa sida xog heynta shirkada, iyo madaxa isku xirka dhowr guddi oo ah Hazelden Betty Ford.

Ka hor inta ay ku soo biirin Hazelden Betty Ford, Piper waxay soo noqotay guddomiyaha Waaxda Adeegyada Bani'aadamka ee Minnesota iyada soo hoos tagaysay Guddoomiyhii hore ee Mark Dayton laga bilaabo 2015-2019. Ka hor inta aan loo magacabin guddomiye, waxay soo noqotay garyaqaanka guud iyo madaxa ku xigeenka shaqaada ee Xafiiska Guddomiyaha Dayton iyo Guddomiye Xigeenka Tina Smith. Horey waxay ula soo shaqaysay Waaxda Ganacsiga Minnesota, sida garyaanka guud ee xooga saaraya sharci dejinta caymiska iyo fulinta dib u saxida caafimaadka iyo kadibna madaxa shaqaalaha iyo guddomiye ku xigeen. Piper waxay shaqadeeda qareenimo ka bilawday McGrann Shea Carnival Straughn & Lamb, Chtd. Minneapolis.

Intaa waxaa u dheer doorkeeda guddiga golaha Blue Corsse, Piper waxay xubin ka tahay guddiga agaasimayaasha Blue Shield Minnesota Foundation. Piper waxee kasoo qaybqadatay dadaallo badan oo lagu saameynayo siyaasadda federaalka si ay u taageerto hal-abuurka gobolka, oo ay ku jirto iyada oo loo marayo Shabakadda Waxbarashada Dib-u-habaynta Caafimaadka ee Ururka National Governor's Association's Bipartisan. Waxaa loo aqoonsaday dhowr jeer Minnesota Physician magazine mid mid ka ah kuwa ugu saameynta badan 100 hogaamiyaasha daryeelka caafimaadka ee gobolka.

Piper waxa uu Bachelor of Arts biology ka qaatay Jaamacadda St. Thomas ee St. Paul, Minn. iyo J.D. oo uu ka qaadatay Jaamacadda St. Thomas School of Law ee Minneapolis. Sidoo kale waxay ka qaliinjabisay Barnaamijka Minnesota Young American Leaders Program, kaas oo ay bilaabay 2019iskaashiga u dhaxeya Itasca Project, the University of Minnesota's Center Integrative Leadership iyo the Harvard Business School.

Guddiyada: Hanti dhawrka, Maamulka (gudoonka)