Yaynaan ereyada ku jarin. Sinnaan la'aanta caafimaadka waxaa sababa dowr fac oo cunsurinimo ah. Saamaynta cunsuriyada habaysan ayaa dhaawac xun u geystay caafimaadka dawlad-goboleedkayaga. Caafimaadka jireed iyo ka maskaxda iyo fayoobida kumanaan reer Minnesota ah.
Waxa muddo dheer meesha ka baxday in bulshooyinka dhammaan fursad ay u helay inay caafimaad qabaan oo isku si loo qiimeeyo, maadaama mudnaanta iyo awoodda ay abuureen isku-dheellitir la'aan iyo sinnaan la'aan. Waa anaga in aan hagaajino. In la iska indha tiro waa la dhibaa. Dhammaanteen waa inaan hadda wax ka qabannaa si aan u baabi'inno cunsuriyadda oo aan uga dhigno shaqadheena sinnaanta caafimaadka.
Ka dhig ganacsigaaga
Waxaan samaynay qalab si aan kaaga caawino inaad si fiican u barato, xusuusato oo aad u beddesho. In kasto haya'ad walba ay heerar kala duwan ka joogi doonto safarkooda ka hortagga cunsuriyadda, waxaan ku talinaynaa bilowga toolkit 101 iyo la shaqaynta joogtada ah.
Blue Cross iyo Blue Shield ee Minnesota
Waxaan muddo dheer taageernay sinnaanta caafimaadka iyo firfircoonida gobolkayaga, laakiin waxaan aad uga fognahay dhammaystirka. Mid mid, waxaanu wax uga qabanaynaa daldaloolada iyo indho-la'aanta ka dhex jira ururkayaga kuwaas oo gacan ka geystay qaab-dhismeedka iyo nidaamka aan loo simanayn. Waxaan shaqadheena ka diganayna sinnaanta jinsiyadda iyo caafimaadka.
Safarka Blue Cross
Sida Blue Cross ay uga dhigayso sinnaanta jinsiyada iyo caafimaadka shaqadeena
Blue Cross waxay muddo dheer u heellaneed abuurista bulshooyin caafimaad qaba oo ay ka shaqeyso sidii ay u horumarin lahayd sinnaanta jinsiyadda iyo caafimaadka iyo kor u qaadida nolosha gobolkayaga. Tani waxay cadaysay dadaalkeena u doodista ee xeerarka iyo nidaamyada simanta, maalgashigeena oo taageeraya bulshooyinka, iyo sidii aan u raadinaynay inaan bedelno sheekada guud ee caafimaadka. Laakiin waan ognahay in aan ka fog nahay kaamilnaasho. Haddaba, mid mid, waxaanu wax uga qabanaynaa goldaloolooada iyo indho-la’aanta ka dhex jirta hay’addeenna, kuwaas oo ka qayb qaatay dhismooyin iyo nidaamyo aan loo sinnayn. Waxaa naga go'an inaan ka dhigno sinnaanta jinsiyadda iyo caafimaadka shaqadheena.
Qiimaha dhabta ah ee sinnaan la'aanta caafimaadka
Blue Cross waxay dhawaan iskaashi la samaysay Jaamacadda Minnesota si loo go'aamiyo inta ay le'eg tahay sinnaan-la'aanta caafimaadka ee gobolkayaga. Jawaabta? Sannad kasta, in ka badan 700 nafaf ayaa la waayaa, oo ay weheliso $2.26 bilyan.
Horumarinta sinnaanta caafimaadka waa arrin waa muhiin sababtoo ah waxay:
- Badbaadisaa nolol
- Lacagta ayay kaydisa
- kordhisaa wax soo saarka
- hoos u dhigtaa kharashka daryeelka caafimaadka
- wanaajisaa caafimaadka dhammaan shaqaalaha
Ka go'aanteena socota ee sinaanta caafimaadka iyo isirka waa lagama marmaan.
Labo sano ayaa laga joogaa tan iyo markii lagu dilay George Floyd Minneapolis kaas oo sababay mudaaharaadyada looga soo horjeedo calaadda darrada isirka ah, waxaana lagu baaqay in la sameeyo wax beddelida degdeg ah loo baahan yahay iyo siyaasaddaha ka hortagga cunsuriyadda. Iydada oo aan ku dadaalayno amaamuusidiisa dhaxalkiisa iyo kuwa kale badan oo aan midaynayno bulhooyinka si wax looga qabto cunsuriyad iyo waxaa sababa sinaan la'aanta, waxaan maalin walba soo xusuusanaa inta ay ii noo jirto inaan dhammayno nidaamka cunuriyad oo aan noqo bulshada ka hortagga cunsuriyadda.
Blue Cross waxaa si joogta ah uga go'aan isirka iyo sinaanta caafimaadka, iyo rabitaanka cadaaladd nagu hagto safarkeena si aad u abuurno mustaqbal halkaas oo qof walba uu ka helayo waxaa ay rabaan inay ka gaaran surtagalnimadooda ugu wanaagsan caafimaadka.
Muuqaalada taxane ah ee ceebaynta dhaqanka
La kulan dadka Minnesota oo dhan iyo baro wax ku saabsan luuqadda, cuntada, cuntada, fanka iyo fayo qabka iyo wax badan oo ku saabsan Dakota, ,Anishinaabe, Hmong,iyo bulshooyinka Afrikanka Madawoga. Nagu oo biir maadama aan si wada jir ah u raadinayno si qoto dheet ah mowqifkeena ceebaynta dhaqanka.
Agabyo badan
Ilaha Muuqaalka: Erayada ayaa muhiim ah
Adeegso agabkan taxanaha ah si aad sifiican ugu fahanto ereyada aasaaska u ah wada hadalada aynu u baahanahay in aynu yeelano.
Loogu talagalay bixiyeyaasha daryeelka caafimaadka
Waxay ka turjumaysa eexadaada sinaanta: Daawo taxanaha fiidiyowga" ma waxaan ahay dhakhtar cunsuri ah"?
Hel dhibcaha CE marka aad gasho ama isku-diiwaangeliso Xarunta Waxbarshada Availity.
Sinaanta caafimaadka ayaa firfircoon
Fiidiyowyada ay dhiirigelisay bulshadu waxay sharxayaan sinnaanta vs. sinnaanta, sida zip code, jinsiyadda, dakhliga iyo sinnaanta saamaynta jinsiga, iyo waa maxay qiimaha sinnaan la'aanta caafimaadka.
Warqadddaha cadad ee mowduuc ahaanta ah
Inta waxaa u dheer toolkits, waxaan abuuray warqadaa cadcad ee soo socda si ay kaga caawiyaan inaad barto, soo xusuusato iyo isbeddelka. Mowduucyada taageera aan u dooranay inaan wax uga qabto arrimaha giid ee saameynaya labada ururka iyo shakhsiyaadka. Soo degso mowduuc walba si aad u barato wax badan.
Su'aalo ma qabtaa?
Waan ku caawin karnaa. Fadlan noogu soo dir email RHE@bluecrossmn.com.