Ilaha Muuqaalka: Erayada ayaa muhiim ah

Nolosha dadka Madow Waa Muhiim

Wada-hadallada ku saabsan sinnaanta, caddaaladda jinsiyadda iyo sarreynta caddaanku waxay noqon kartaa mid adag. Waxaa ka sii daran, marka aynaan fahmin luqadda loo baahan yahay wada-hadalladaas adag. Fiidiyowyada iyo macluumaadka halkan ayaa dhidibbada u aasaya aasaaska horumarinta wada-hadal macno leh, waxbarashada iyo milicsiga.

Muuqaal

Madow-Naceybka

 

Madow-Naceybka waxaa loola jeedaa qaab cunsuriyadeedka iyo hebsooca lagu takoor dadka Madawga ah waxaa ka mid ahaan karaa qalalasaha takoorka, siyaasadda aan bani'aadanimo aheyn, xaasinimada booliska, faqooqka, xasbi wadareedka, qiimo qaadista nolosha dadka Madow iyo waxyaabo badan.

Sareynta cadaanka

 

Sareynta cadaanka waa marka dhaqanka dadka cadaanka ah ay qiimo badan yihiin dhaqamada kale.

Ku tacadiska dhaqanka

 

Ku tacadiska dhaqanka waa marka qof si kas ah ama kas aheyn u qaato oo qeyb ka mid ah dhaqankooda kaas oo aan aheyn koowad uu ku ku xadgudubo.

Ka hortagga-cunsuriyadda

 

Si looga hortaggo marka-cunsuriyadda kowaad waxaa nagala rabaa inaan aqoonsano cunsuriyad inay dhab tahay oo ay saameyn qoto dheer ku leedahay bulshadeena taas oo saameysa waxwalba oo aan sameeyno oo aan la kulano labada xaqiiqda iyo qaababka aan la arkin.

Mudnaan cad


Mudnaanta cad waxa loola jeedaa, faa'iidooyinka xaqqa loo leeyahay iyo kuwa aan la kasban ee aan la is-weydiin ee aan la kasban ee ay dadku haystaan sababtoo ah waa caddaan.

Cunsuriyada qaab dhismeedka


Cunsuriyada qaabdhismeedku waa nidaam siinaya dadka caddaanka faa'iidooyin ka badan Madaw, Asalkii hore, iyo Dadka Midabka - sida helitaan wanaagsan oo waxbarasho, maal iyo daryeelka caafimaad.

Cunsuriyeen


Cunsiriyeenta waa wax aan nidhaahno ama samayno xitaa haddii aynaan ula jeedin kuwaas oo u dira farriimaha xun iyo waxyeellada dadka sababtoo ah jinsiyadda, jinsiga, fasalka ama arrimo kale.

Nolosha dadka Madow Waa Muhiim


Nolosha dadka Madow Waa Muhiim waa dhaqdhaqaaq lagu doonayo in caddaaladda, bogsiinta iyo xorriyadda ay ku helaan dadka Madowga ah ee adduunka oo dhan iyadoo wax laga qabanayo cunsuriyadda habaysan iyo rabshadaha ka dhanka ah dadka Madow.

Eexda dadban


Waxaan u isticmaalnaa ereyga "eex dadban" si aan u qeexno marka aan u aragno dadka, ama aan la xiriirno fikrado la aaminsan yahay iyaga, annaga oo aan aqoon u lahayn.

Jinsi iyo cunsuriyad


Jinsigu waa fikrad awood leh. Waxaa la abuuray muddo ka dib si loo taageero caqiidooyinka u arka kooxaha qaar ee dadka inay ka sarreeyaan iyo qaar ka hooseeya.

Kalaqeeybinta


Kala qeybinta waa habka jinsiyadda, jinsiga, fasalka, jinsiga iyo qaybaha kale ee cidda aynu nahay isku-dhafka iyo isdhexgalka. Dadka ka kala yimid meelo kala duwan ayaa dunida la kulma si kala duwan. Waxay kaa caawinaysaa in la sharaxo sida qaybaha aqoonsigeenu isugu yimaadaan si loo go'aamiyo cidda awoodda ku leh bulshada iyo cidda aan lahayn.

Gumeeysi


Gumaysigu waa fal ama hannaan ay kooxi u adeegsato xoog gacan-ka-hadal si ay u maamusho dhulka, dadka asaliga ah iyo kheyraadka.

Xulafada


Xulafada oo la noqdaa waxay ka dhigan tahay inaad aqoonsan tahay xuquuqda iyo mudnaanta aad leedahay ee aanay dadka kale haysan, oo aad qaado tallaabo aad wax kaga qabanayso caddaalad-darradaas.

Aan qorneyn


Soo-galootiga aan sharciyeysnayn waa qof sii degganaansho ku leh Maraykanka isagoon haysan oggolaansho socdaal oo rasmi ah.

 

Sinaanta jinsiyadeed

 

Sinaanta jinsiyadeed waa waxaa la gaarayo haddii isirka- jirka iyo isnaanta bulshada - aysan aheyn arrin lagu helo waxyaabaha sida daryeelka caafimaadka, waxbarashada iyo hantida iyo fursadaha kale.

BIPOC

 

BIPOC wxay u taagan tahay Madow, Dadka Asalka ah, dadka aan cadaanka aheyn. Waxaa laga wadaa inay ka mid yihiin dhammaan midabadda dadka ee shaqeya xoriyadda, iyada oo la qirayo dhammaan dadka midabka aysan la kulmin heerka isku mid ah cadaaladda darrada.

Liiska akhriska

Liiska buugaagta lagu taliyey ee ku saabsan jinsiyadda iyo cunsuriyadda ee laga soo qaatay khubaro kala duwan, oo ay ku jiraan Black, Indigenous, Hmong iyo Latin, iyo qorayaasha kale ee midabka leh.

liiska sinnaanta jinsiyadda iyo caafimaadka