Medicare iyo shaqadii hore 65

Baro waxaa ay yihiin dookhyada isdiiwaangelinta Medicare haddii aad qorsheyneyso inaad dhaafa 65y da'da shaqada

Hadii aad qorsheyneyso inaad shaqayso dhaafida da'da 65

Haddii adiga iyo lamanaahaga qorsheyneyo inuu sii wado da'da dhaafida shaqada 65, ma u baahnid inaad iska diiwaangeliso Medicare marka aad jirsato 65.

Haddii aad badroonigaaga inuu leeyahay in ka badan 20 shaqaale

Haddii badroonigaaga inuu leehay in ka badan 20 shaqaale waxaa ku caymiyay caymiska caafimaadka badroonigaaga, waxaa laga ybaa inaad awoodo inaad dib u dhigto iska diiwaangelinta Medicare Part A iyo Part B.

  • Badroonigaaga qorshahiisa waa inuu daboola booqashooyinka dhakhtarka iyo adeegyada bukaan socodka oo aad yeelato barnaamijka daawada dhakhtar qoray taas Medicare u tixgeliso inay ku kalsoon tahay
  • Marka aad hawlgab noqoto oo aad shaqada ka tagto, waxaad xaq u yeelanayso ilaa sideed-bilood mudada isdiiwaangelinta gaarka ah si aad isaga diiwaangeliso Part B ganaax la'aan

Haddii aad badroonigaaga uu leeyahay shaaqaale 20 yar

Waxaad iska diiwaangelin kataa Medicare Part A iyo Part B marka aad gaarto 65, xitaa haddii aad qorshaynayso inaad sii wado shaqada. Medicare waxay noqon doontaa caymiskaaga koowaad iyo qorshaha badroonigaaga ayaa bixin doonta lacagta labaad ee Medicare.

 

Sidee baan ugu qalmayaa ku-biiritaanka gaar ahaaneed ee Medicare?

Waxaa suurtogal ah inaad u qalanto muddada ku-biiritaanka gaar ahaaneed hadii:

  • Waxaad dib u dhigtay Part B sababtoo ah adiga iyo lamanaahaaga ayaa leh caymiska caafimadka ee badroonigaaga ama ururka
  • Waxaad joojisay caymiskaagii Part B sababtoo ah waxaad ku noqotay shaqadii oo waxaa lagaa caymiyay qorshaha caafimaad kooxeedka

Muddadda kuu-biiritaanka gaar ahaaneed waxay soconaysaa siddeed bilood. Waxay bilaabmaysaa marka caymiska loo-shaqee-yahaagu dhammaado ama marka shaqadaadu dhammaato - hadba kii soo hormara.

Ka codso foom loo-shaqee-yahaaga si aad u bilawdo muddada ku-biiritaanka gaar ahaaneed, kadib la dir foomka, foomka ku-biiritaanka Medicar-kaaga Part B una dir Ammaan Bulsheedka. Haddii caymiska loo-shaqee-yahaagu kaaga sii socdo COBRA, waa inaad ku biirtaa Medicare Part B inta lagu jiro seddexda bilood oo ugu horreysa ee caymiska COBRA si aad uga fogaato ganaaxa ah ku-biiritaanka daahay.

Baro wax badan oo ku saabsan u qalmida & isdiiwaangelinta Medicare

Kala hadal maamulaha faa'iidada ee badrooniaaga si aad wax badan ugu ogaato, ama la xiriir mid ka mid ah La taliyaasheena Blue Cross si aad ugala hadasho xaaladaada oo aad uga fogaato ganaaxyada.

Medicare ma ahan inay adag tahay

La taliyaha Blue Cross Katie Giziewski

La taliyaasheena Blue Cross waa kuwaan:

  • Waxay ka caawineysa inaad barato wax ku saabsan aasaasida Medicare iyo qorshayaasheena
  • Ka caawinaysa helida qorshaha buuxiya baahiyahaaga
  • Ka caawinaya inaad iska diiwaangeliso qorshaha

Kula kulan lacag la'aan la taliyaha Blue Cross

Ku hel bilaasha Hagida Medicare Tallaabo-talaabo

Hagida Medicare Tallaabo-talaabo

Baro waxyaabaha aasaasiga ah ee Medicare

Isticmaal hagaan si aad uga dhigto fahmida Medicare fudud Waxay daboosha muhiimada aad u baahan tahay inaad ogaato, sida afarta qeyb ee Medicare, halka aad iska diiwaangelineyso sida looga fogaado ganaxyada.

Soo degso Hagaha Tallaabo-tallaabada ah - Ingiriis

Soo degso Hagaha Tallaabo-tallaabada ah​​​​​​​ - Isbaanash

Geli furahaaaga boostada si aad u aragto qorshayaasha aad ka helayso aagaaga