2024 Qorshe-yaasha Medicare Cost

2024 Qorshe-yaasha Medicare Cost

Waxaad isticmaashaa aaladdayada dukaamaysiga si aad u aragto oo isu barbar dhigto Qorsheyaasha Blue Cross iyo Blue Shield-ka Minnesota Medicare Cost ee aaggaaga.

Wacitaan  

Geli furahaaaga boostada si aad u aragto qorshayaasha aad ka helayso aagaaga

Ma qabtaa su'aal? Waan ku caawin karnaa.

Waa maxay qorshaha Medicare Cost?

Qorshaha Medicare Cost wuxuu u bixiyaa caymin dheeraad ah si uu gacan uga geysto bixinta qarashyada uusan Medicare-kii Asalka ahaa daboolayn. Qorshe-yaaha Medicare Cost wuxuu soo ban dhigayaa labo jaad oo caymin ah: daboolitaan caafimaad-kaliya iyo daboolitaan daawooyinka takhtarku qoro ah. Haddii aad doorato inaad ku darto daboolitaanka daawooyinka takhtarku qoro, wuxuu kaloo markaas caymiskaagu bixinayaa qarashka daawooyinkaaga.

Caymisyadaani waxay ku diyaarsan yihiin 21 degmooyinka Minnesota. Waxaad ku biiri kartaa Platinum BlueSM haddii aad:

  • Haysato Medicare Part A iyo Part B, ama Part B kaliya
  • Ku noolow aagga laga helaayo caymiska

Qorshayaasha Cost caafimaadka- oo kaliy ayaa dayactir tiri karaa qorshayaasha MedicareBlue Rx.

Platinum Blue & Platinum Blue leh Rx

Astaanata Medicare 6 blue

 

Blue Cross Platinum Blue iyo Platinum Blue leh Rx waxay soo ban dhigayaan seddex heer oo daboolitaana kuwaas oo kuu oggolaan doona inaad doorato daboolitaanka baahiya-haaga ugu habboon. Caymiska qumman(saxda ah) wuxuu ku xiran yahay sida aalaa aad ugu tagto takhtar ama farmashiyaha iyo inta aad doonayso inaad u bixiso si bille ah markaad daryeel hesho. 

 

Is barbardhig oo Isdiiwaangeli

 

Dulmarka Faa’iidooyinka Qorshaha:

  • Seddex heer oo daboolitaana baa kuu oggolaanaya inaad doorato daboolitaanka ugu fiican baahiyahaaga
  • Khiyaarka qorshaha caafimaad-kaliya ama qorshe uu weheliyo daboolitaanka daawada takhtarku qoro oo ku dhex samaysan
  • Haleel xayndaab ballaaran oo takhtarro ah, isbitaallo iyo rugo caafimaad
  • Qiyaas ahaan 63000 farmasiyada shabakada
  • Ku dhex socdaal Maraykan ilaa sagaal bilood oo isku xig-xiga sannadkiiba billihiisa.
  • Gunnada darka laga helaayo
  • Caymis ilkeedka kahortagga ee qaar heerarka caymiska (Khiyaar iyo Dhammayn)
  • Gunnada Indho-gashiga (Khiyaar iyo Dhammayn)
  • Gargaarka maqalka (ilaa 2 gaar sannadkii) oo leh 0d doorashooyinka lagu shubanayo
  • Caymiska aan-aheyn Medicare (jadwalka sida jogtada ah raaco) ee faa'iidooyinka durida

Dookh wanaagsan haddii aad rabto:

  • Caafimaadka isku jira iyo caymiska warqada dawada ee dhakhtar qoray
  • Shabakadda Adeeg bixiyaha ballaran
  • Caymiska caafimaadka inta lagu jiro safarka
  • SilverSneakers® faa'iidada jirdhiska

Dhakhtarkaaga ma ku jiraa shabakadda?

Adeegsiga takhtar (bixiye) ku jira xayndaabkaaga wuxuu kaa caawin karaa inaad lacag beekhaamiso. Waxaad u baahan tahay inaad takhtarkaaga xaqiijiso, isbitaalka ama rugta caafimaadka ku xayndaabka qorshahaaga ka hubiso kahor intaadan daryeel lagu siin.

Qorshahaani wuxuu adeegsadaa Xayndaabka Platinum Blue (Cost).

Raadi dhakhtarada

Raadi dhakhtarka ilkaha

Daawooyin-kaagu miyey caynsan yihiin?

 

Kaalmada Medicare

astaanta-kooxda-yar-db-810

La-taliyaasha Blue Cross Medicare

Help caawimo qof-ila-qof ah

La Taliyaha Blue Cross ayaa kuula kulmi doonaa si shakhsi ahaan ama muuqaalka foogaanta si uu kaga jawaabo su'alaahaga iyo isdiiwaangelinta qorshaha Medicare.

Ku xiran la taliyaha

astaanta-telefoonka-db-810

Iska diiwaangeli telefoonka

Na soo wac si aad ula hadasho khabiirka Medicare.

1-855-579-7658

(Wicitaanka TTY 711)

Caawimadu waxay diyaar tahay kabilaabato
8 a.m. ilaa 8 p.m. Waqtiga Bartamaha, maalin walba

astaanta-tababarka-db-810

Caawimo ka hel wakiilka

Wakiilku wuxuu kaa caawin karaa inaad doorato
caymiska kuugu fiican

Hel Wakiil

Baro sida uu wakiilku kuu caawin karo

Isu diiwan geli Hoose-Hawleedka Medicare

Wax ka baro Medicar-ka Asalka iyo qorshe-yaasha diyaarsan oo ku salaysan dalka aad ku nooshahay
Iyadoo lacag-la'aana, qasab ahayn, qof-ahaana ama hooso-hawleed muuqaal ahaana.

Hel Hooso-Hawleed