Laba qof oo waaweyn oo dhoola cadeyn isku mar xabaynaya.

SecureBlue

Qorshaha Caafimaadka ee Minnesota Senior Care Plus.

Ka hel raaxada Medicare iyo kaalmada caafimaadka (Medicaid) oo lagu daro hal qorshaha caafimaadka.

SVG

Gelitaanka xubinta

Soo qaado Kaarkaaga aqoonsiga, qorshaha macluumaadka, raadi dhakhaatiirta ku jirta shabakadda iyo wax badan.

SVG

Codso oo isdiiwaangeli

Waxaad iska qori kartaa haddii aad tahay 65 jir ama ka weyn,ama aad haysato Medicare Part A iyo Part B, isla markaana aad xaq u leedahay Medical Assistance.

Hadda iska diwaan-geli adigoo wacaya:

Khadka-bilaashka ah 1-866-477-1584
ama (651) 662-1811, TTY 711

Dulmarka qorshaha

Maxaa ku jira SecureBlue

SecureBlueSM (HMO SNP) waa qorshaha Dookha caafimaadka waaweyn oo Minnesota ah (MSHO) kaas oo isku dhafaya Medicare iyo Medical Assistance hal qorshe. 

Barnaamijyada Medicare iyo Medical Assistance waa barnaamijyo kaa caawinaya inaad bixiso lacagta daryeelka caafimaadka.

Waa inaad u qalanta Medical Assistance, oo aad jirto 65 ama ka weyn tahay, oo laad labada Medicare Part A iyo Part B si aad u qalanto SecureBlue.

Qorshahan ma laha khidmada caymiska billaha ah.

Aitkin, Anoka, Becker, Benton, Blue Earth, Carlton, Carver, Cass, Chisago, Clay, Cook, Crow Wing, Dakota, Faribault, Fillmore, Freeborn, Hennepin, Houston, Isanti, Kanabec, Kittson, Koochiching, Lake, Lake of the Woods, Le Sueur, Mahnomen, Marshall, Martin, Mille Lacs, Morrison, Mower, Murray, Nicollet, Norman, Olmsted, Otter Tail, Pennington, Pine, Polk, Ramsey, Red Lake, Rice, Rock, Roseau, Scott, Sherburne, St. Louis, Stearns, Todd, Wadena, Washington, Watonwan, Wilkin, Winona, Wright

SVG

Caafimaadka iyo daawooyinka

Daryeelka caafimaadka aasaaska (booqashooyinka dhakhtarka, daawada, isbitaal joogida iyo wax badan) daryeelka ka-hortagga (sida tallaalka hergaba) iyo daryeelka xaalada-degdega ah

SVG

Ilkaha

Hel daryeelka daryeelka ka-hortagga sida baaritaan dhammaystiran, buuxinta, iyo nadiifinta.1

SVG

Dhagaysiga

Ku hel tijaabooyinka maqalka iyo kaalmada maqalka $0 oo ah dookha batariga la kaarikeyn karo ee qaabka doorashada.

SVG

Aragtida

Waxaa ka mid ah baaritaanada indhaha iyo wax dheeri ah sida ka hortagga iftiianka, murayadaha ookiyaalaha, murayadaha ku meel gaark ah iyo dooro fareemayada ookiyalaha.

Faa'iidooyinka

Adeegyada iyo barnaamijyada caafimaadka

SecureBlue waxa uu ka mid yahay adeegyadda caafimaadka iyo barnaamijyo loogu talagalay in ay kaa caawiyaan caafimaadkaaga ilaalinta iyo inaad noloshaada ugu wanaagsan ku noolaato.

Dhaqtar sare iyo dhakhtar oo midba midka kale uga wada hadlayo fadhiga.
  • Gunnada darka laga helaayo
    Hel gunno saddexdii biloodbamar ah 2 oo aad ku hesho alaabo gaar ah oo ka baxsan agabyada daawooyink uu dhakhtarka qorin
  • Cuntooyinka caafimaadka leh iyo taageerada reerka
    Xubnaha u qalma waxay heli karaan gunno saddexdii biloodba mar si ay uga caawiso bixinta adeegyada, kirada iyo cuntooyinka caafimaadka leh 3
  • Barnaamijka jimicsiga SilverSneakers®
    Gelitaanka shabakad ballaaran oo goobaha jimicsiga iyo fiidyowyada jimicsiga ee on-demand
  • Adeegga gaadiidka BlueRideSM
    Gaadiid lagu kalsoonaan karo oo loogu talagalay daryeelka daboolan iyo wax ka badan4
  • Maareynta Daaweynta Daawada
    Dib-u-eegisyo daawo dhammaystiran oo bilaash ah
  • Isku Xiraha Daryeelka
    Hel caawin ku saabsan qorshaha iyo daryeelkaaga caafimaadka

Hel Daryeel

Dhakhaatiirta, dhakhaatiirta ilkaha, farmashiyaasha iyo dawooyinka

SVG

Raadi dhakhtar

Marka aad leedahay qorshaha SecureBlue, waxaad dooranaysa dhakhtarka ama rugta caafimaadka ee shabakeedna inay noqoto rugta daryeelka farmashiyahaaga.

Waxaad kale heli kartaa daryeelka isha, maqalka ama dhakhatiir kale.

Raadi dhakhtar

Waxaad sidoo kale heysta dookh aad ugu xirmayso guddiga-xaqiijeysan ee dhakhatiirta iyo baxnaaniyaasha shatiga heysta ee online-ka adigoo isticmaalaya Doctor On Demand 24 saacadood maalintii, 7 maalmood toddobaadkii.

Booqo dhakhtar ama dhakhtarka baxnaaninta

SVG

Hel dhakhtar ilko

Qorshaha wuxuu daboolayaa adeegyada aasaasiga ah ee ilkaha, oo ay ku jiraan baaritaanka, nadiifinta, iyo buuxinta.

Wac khadka bilaashka ah 1-800-774-9049, TTY 711
Isniinta ilaa Jimcaha 8 subax ilaa 5 galabnimo, Central Time.

Wixii daryeelka ilkaha ah, isticmaal jiheynta onlaynka ee Delta Dental. Waa inaad doorataa shabakadda "Minnesota Select Dental Network" si aad u aragto dhakhaatiirta ilkaha ee shabakada ku jira.

Raadi tusiyaha dhakhtarka ilkaha

SVG

Raadi dhakhaatiir, farmashiyeyaal iyo daawooyin

Shabakadda farmashiye waa liiska farmashiyaal (farmashiye) kaas oo u buuxin karaa daawada qorshaheena xubnaha.

Waxaa laga yaaba inaad ku bixiso lacag badan daawada haddii aad isticaalin farmashiye ku jira shabakadaada ama daawadaada aysan ku jirin habeeyaha (liiska daawada).

Raadi farmashiye-yaal

Raadi habeeyaha (liiska daawada) onlayn

Ama khadka bilaashaka ah 1-888-877-6424, TTY 711
24 saacadood maalintii, todobo maalmood todobaadkii.

Codso oo isdiiwaangeli

Sida loo codso oo la isku diiwaangeliyo

Codso Medical Assistance ama Medicare

Waa inaad haysataa Medical Assistance iyo Medicare si aad isugu diwaangeliso SecureBlue.

Booqo Waaxda Adeegyadda Bani'aadamka si aad u codsato kaalmada caafimaadka

Wac si aad wax badan uga ogaato codsiga Medicare:
1-800-MEDICARE (1-800-633-4227)
Isticmaalayaasha TTY ayaa wici karaa 1-877-486-2048
24 saacadood maalintii, todobo maalmood todobaadkii 

Hel xirmadda diiwaangelinta

Marka aad diyaar u tahay inaad iska diiwaangeliso SecureBlue, codso qalaabkaaaga aan qasabka aheyn, oo bilaash ah. Qalabka waxaa ku jira:

  • Qodobada ugu muhiimsan qorhsha
  • Faa'iidooyinka Kooban
  • Liiska hubinta diiwaanelinta-hore
  • Foomka Diiwaangelinta
  • Qiimaynta Xiddiga CMS

2026 Xirmada Diiwaangelinta

Maanta iska diiwaangelinta SecureBlue

Waxaad iska diiwaangelin kartaa SecureBlue haddii aad jirto 65 ama ka weyn tahay, aad leedahay Medicare Part A iyo Part B, oo aad u qalnto Medical Assistance.

Hadda iska diwaan-geli adigoo wacaya:

Khadka-bilaashka ah 1-866-477-1584
ama (651) 662-1811, TTY 711

2026 Foomka Diiwaangelinta

Khubaro khibrad leh ayaa diyaar u ah inay ku caawiyaan

Khubaradeena MHSO ayaa ka caawin karaa inaad go'aamiso u qalmida, ka jawabida su'aalaha iyo caawinta iska diiwaangelinta qorshaha oo telefoon ah, iimayl ah ama boosto ah.

Takhasuslaha MSHO Angie Flores

Angie Flores

11 sano oo ah waayo aragnimada Medical Assistance

Si fiican uga hadasho Isbaanashka

Wac 1-855-417-3739, TTY 711

Iimayl: Angie.Flores@bluecrossmn.com

Takhasusaha MSHO Hibaq Mire

Hibaq Mire

12 sano oo ah waayo aragnimada Medical Assistance

Sii fiican ugu hadasha Soomaali

Fadlan wac 1-844-431-6605, TTY  711

Iimayl: Hibaq.Mire@bluecrossmn.com

Taageero iyo agabyo

Su'aalaha?Waan ku caawin karnaa

Wac adeegyada xubnaha lacag la'aanta:

1-888-740-6013, TTY 711.

8 subaxnimo ilaa 8 fiidnimo toddoba maalmood todobaadkii, Oktoobar 1 ilaa Maarso 31 iyo Isniinta ilaa Jimcada Abbriil 1 ilaa Sebtembar 30

Wicitaankan waa bilaash.

Kaalmada turjumaanka

Ka hel ballan turjubaan dhakhtarkaaga haddii Ingiriisku aanu ahayn luqaddaada koowaad.

Wac 1-888-740-6013, TTY 711.
Wicitaankan waa bilaash.

Magaabida sheegasho, raacfaan, murugo, ama codsi wakiil

Waxaad magacaabi kartaa xubin qoyska, saaxiib, dhakhtar, ama qof kale oo kugu matalaya sheegashooyinkaaga caafimaadka, cabashooyinkaaga, ama codsiyadaada. Haddii aad rabto in aad magacowdo qof aan hore loogu oggolayn sharciga gobolka, adiga iyo qofkaas waa in aad buuxisaan Foomka Magacaabista ee Medicare. 

Xuquuqaha iyo masuuliyadda marka laga diiwaanka laga saaro

Marka aad ka baxdo ama dhammayso xubinimada SecureBlue (HMO SNP) waa laga dahaa diiwaan ka bixid. Diiwaan iska bixinta iskaaaga ah waa marka aad go'aansato inaad ka baxdo qorshaha. Waxaad ka bixisa qorshaha waqti walba. Ka bixida qorshaheena ma saameyneyso u qalmida Medicare iyo Medicaid (Medical Assistance) Liiska iska saarida iskaaga ah marka ay tahay qasab inay dhammaato qorshahaaga xubinimada. Waxaa jiro xaalado xadidan marka aad doorto inaad ka bixi karin, laakiin waxaad u baahan tahay inaad dhammayso xubinimadaada. Tusaalaha tani waa haddii aad been abuur ku bixiso foomkaaga isqorista ama aad u oggolaato xadgudub kaarkaaga isdiiwaangelinta.

Haddii iska laga saaray sabab walbb, qorshaha ayaa kuu soo sheegi doonaa taariikhda xubinimaadu ay dhammaan doonto sababta loo dhammaynayo. Haddii aad qabto su'aalo ku saabsan ka noqoshada, fadlan kala xiriir Adeegyada Xubinta 1-888-740-6013, TTY 711.

H2425_082026_K01_M DHS waa la ansixiyay 9/17/26 CMS-na waa la aqbalay 9/22/26

1Adeegyada ilkaha ee lagu bixiyo Delta Dental of Minnesota,taas oo ka madax banaan Blue Cross iyo Blue Shield ee Minnesota. Delta Dental waxay bixisaa faa'iidooyin maamul, oo ay ku jiraan helitaanka shabakadda Minnesota Select Dental.

2Qaddarka faa'iidooyinka aan la isticmaalin ee saddex bilaha ma isbeddelo.

3U-qalmitaanka faa'iidada ma ahan mid lagu damaanad qaadi karo kaliya xaalad. Shuruudaha u qalmida waa in marka hore la buuxiya. Kala xiriir Adeegyada Xubin wixii faafaahin ah. Xubnaha waa inay lahaadaan mid ka mid ah xaaladaha daba-dheeraada ee soo socda: cudurka kelyaha ee joogtada ah, xanuunka wadnaha ee ciriiriga ah, COPD, cudurka halbowlaha wadnaha, sonkorowga, ama xaalado kale oo u qalma oo aan lagu xusin. Faa'iidooyinka sadex bilaha ee aan la isticmaalin ma isbeddeli doonaan sadex bil ee xigta.

Kaarka Blue Cross® iyo Blue Shield® ee Minnesota MasterCard® Prepaid Card, myFlexCard, waxaa bixiya Stride Bank, N.A., Xubin FDIC, iyada oo la raacayo liisanka MasterCard International.

4Ku daqabaqan xayiraahada iyo shuruudaha.

Doctor On Demand® ee Included Health waa shirkadd madaxbannan oo bixisa adeegyada caafimaad ee tignoolajiyada

Prime Therapeutics LLC waa shirkad madax-bannaan oo laga helaayo maaraynta adeegyada waxtarrada farmashiyaha .

SecureBlueSM (HMO SNP) waa qorshaha caafimaadka oo qandaraas la leh Medicare iyo barnaamijka kaalmada caafimaadka ee Minnesota si loo siiyo faa'iidooyinka labada barnaamij ee diiwaangashanayaasha. Diiwaan-gelinta SecureBlueSM (HMO SNP) waxay ku xirantahay cusbooneysiinta qandaraaska.

Sannad walba, Medicare waxay qiimayn ku samaysaa qorshe-yaasha oo ku salaysan 5-habka qiimaynta star.