Sidee sheega-shooyinka Medicare loo bixiyaa?

Baro sida sheega-shooyin-kaaga ay bixiyaan lacag-bixiyaalka kowaad ee Medicare iyo labaadku.

Bixiyaalka daryeelka caafimaadka, barnaamijka Medicare iyo shirkadaha caymisku wadajir bay u shaqeeyaan si loo hubiyo in sheega-shooyin-kaaga Medicare si saxan loo bixiyay. Xaalado badan baa saameeya sida sheega-shooyin-kaaga Medicare loo bixiyo sida magdhawga shaqaalaha, waxtarrada askar-hore, COBRA, caymiska caafimaadka kooxda ama qorsheyaal kaabeedka Medicare.

Baro sida uu ugu shaqeeyo buug-yarha xukuumadda ee rasmiga.

EEG HAGAHA MEDICARE (PDF)

 

Waa kuwaan qeexitaanno fudfud oo sharraxaya sida sheega-shooyinka Medicare loo bixiyo.

  • Bixiyaha kowaad ee Medicare: Wuxuu bixinayaa qarashyada-daada daryeelka caafimaadka ilaa xudduudaha caymiskaaga.
  • Lacag-bixiyaha labaad ee Medicare: Wuxuu bixinayaa qarashaadka daryeelka caafimaadka ee soo haray ilaa xadadka daboolitaan-kaaga.

 

Lacag-bixinnada sheegashada Medicare waa ilmiriqsi.

Sida Medicare-kaaga lacagaha sheegashada loo bixinayo waxay kaloo ku xiran tahay inuu yahay Medicare-kii Asalka iyo in kale ama haddii aad ku biirtay qorshaha kaabaha Medicare. Jaantuskaan wuxuu muujinayaa dhinaca bixinaaya qarashyada Medicare Part A iyo Part B:

Qorshaha MedicareYaa bixinaya?*
ORIGINAL MEDICARE
Daboolitaanka xukuumadda federaalka
Medicare Part A: Dabooshaa gelitaanka isbitaalka
  • Medicare waa lacag-bixiyaha kowaad ee adeegyada Parta A
  • Xubnahaa ayaa bixiya inta hartay
Medicare Part B: Wuxuu daboolaa booqa-shooyinka takhtarka, daryeelka bukaanka bannaanka iyo baaritaanada
  • Medicare waa lacag-bixiyaha kowaad ee adeegyada Part B
  • Xubnahaa ayaa bixiya inta hartay
QORSHE-YAASHA LAGA HELO DABOOLITAAN MEDICARE OO DHEERI AH
Waxaad daboolitaan khiyaari ah ka soo gadan kartaa caymis gaar loo leeyahay si aad gacan ugu hesho lacag-bixinta wixii Medicare-kii uusan daboolin
Medigap ama qorshah kaabaha Medicare:
Caymiska gaarka loo leeyahay wuxuu bixiyaa qarashyada Part A iyo Part B aysan daboolin
  • Medicare waa lacag-bixiyaha kowaad ee Part A iyo Part B
  • Caynsanuhu waa lacag-bixyaha labaad ee qarashyada Part A iyo Part B oo uusan Medicare daboolin
  • Xubnaha ayaa bixiya wixii soo hara, hadday-ba jiraan
Qorshaha Medicare Cost
Caymiska gaarka loo leeyahay waxaa qandaraas siiya Medicare si uu u bixiyo waxtarrada Part B (iyo marmar Part D)
  • Medicare waa lacag-bixiyaha kowaad ee adeegyada Part A, caynsanuhuna waa lacag-bixiyaha labaad
  • Caynsanuhu waa lacag-bixiyaha kowaad adeegyada Part B iyo daawooyinka Part D hadday qeyb ka tahay waxtarrada qorshaha
  • Xubnaha ayaa bixiya wixii soo hara, hadday-ba jiraan
Qorshaha Part D ee Medicare
Caymiska gaarka loo leeyahay wuxuu la qandaraasaa Medicare si uu u daboolo waxtarrada daawada. Medicare ma daboolo daawooyinka takhtarku qoro ee Part D.
  • Caynsanuhu waa lacag-bixiyaha kowaad daawooyinka takhtarku qoro ee daboolan
  • Xubnaha ayaa bixiya wixii soo hara, hadday-ba jiraan
Qorshaha Medicare Advantage (Part C);
Caymiska gaarka loo leeyahay wuxuu la qandaraasaa Medicare si uu u bixiyo waxtarrada Part A, Part B iyo Part D
  • Caynsanuhu waa lacag-bixiyaha kowaad ee adeegyada Part A, Part B iyo Part D
  • Xubnaha ayaa bixiya wixii soo hara, hadday-ba jiraan

*Adeegyada u-qalanka ee ay Medicare dabooshay ama qorshaha caafimaadka

Haddii tahay xubin ka tirsan Blue Cross gal ama is diiwaan geli si aad u hubiso xaaladda sheega-shadaada.

 

Habka sheega-shada Medicare

Medicare iyo caynsana-yaashu waxay ka wada shaqeeyaan lacag-bixinta sheega-shooyinka. Laakiin sida ay u shaqayso waxay ku xiran tahay jaadka qorshaha aad haysato.

Qorshaha Medicare-ka Asalka:

  • Waxaad u keenaysaa kaarkaaga aqoonsiga Medicare bixiyaha daryeelka caafimaadkaaga
  • Bixiyahaaga ayaa u diraaya sheega-shadaada Medicare
  • Medicare baa marka hore bixinaysa waxayna si toosa lacagta ugu diraysaa takhtarka.
  • Medicare waxay kuu soo diraysaa qoraal sheegaya waxa lagugu leeyahay
  • Waxaad si toosa u siinaysaa baaqiga takhtarka

Kaabaha Medicare iyo qorshe-yaasha Medicare Cost:

  • Waxaad u keenaysaa kaarkaaga aqoonsiga Medicare iyo kaarka caymiska takhtarkaaga daryeelka caafimaadka
  • Takhtarkaagu wuxuu sheega-shadaada u dirayaa Medicare iyo caymiyahaaga
  • Medicare waa lacag-bixiyaha kowaad wuxuuna lacagta si toosa ugu dirayaa takhtarkaaga
  • Caymiyuhu waa lacag-bixiyaha labaad wuxuuna lacagta lagugu leeyahay toos ugu dirayaa takhtarkaaga
  • Kadib caymiyuhu wuxuu kuu soo dirayaa Sharradda Waxtarrada (EOB) oo sheegaysa waxa lagugu leeyahay, haddii wax jiraan
  • Waxaad si toosa u siinaysaa baaqiga takhtarka

Qorshe-yaasha Medicare Advantage:

  • Waxaad u keenaysaa kaarka caymiskaaga kaliya bixiyaha daryeelka caafimaadkaaga (ku hay kaarkaaga Medicare meel ammaana)
  • Takhtarkaagu wuxuu u diraa sheegashada caymiyahaaga kaliya
  • Caymiyuhu waa lacag-bixiyaha kowaad waxayna si toosa u siiyaan waxa lagu leeyahay takhtarkaaga
  • Kadib Caymiyahaagu wuxuu ku soo dirayaa SHDH sheegaysa waxa lagugu leeyahay, haddii ay wax jiraan
  • Waxaad si toosa u siinaysaa baaqiga takhtarka

Xusuusnow haddii aad isticmaasho takhtar ku jira xayndaabka qorshahaaga, takhtarka ayaa waxa laguu sheeganaayo kuu gudbinaaya. Haddii aad isticmaasho takhtar xayndaabka bannaanka ka ah, waxaad u baahan doontaa inaad wax laguu sheeganayo adigu gudbiso.

 

Dheeri ku saabsan sheega-shooyinka Medicare iyo daboolitaanka

Maxay Medicare dabooshaa?
Qorshe-yaasha jaadadka Medicare
Helista iyo lacag-bixinta daryeelka caafimaadka guriga 

 

Gingimintii u dambaysay waxay ahayd bishii Sagaalaad 1, 2016
H2461_081816_AA02waxaa ansixiyay CMS 9/29/2016