Cuntooyinka Ka bixida Isbitaalka Kadib

Cunnooyinka dheefta leh waxay door u yihiin soo-bogsashada waxayna qodob weyn ka noqon karaan inaadan isbitaalka dib ugu noqon.

Maadaama aad tahay xubin kamida Blue Cross iyo Blue Shield-ka Minnesota Medicare Advantage, waxaad u qalmaysaa inaad hesho labo cunno (2) maalintii ilaa 14 maalmood, gurigaaga laguugu keenaayo iyadoon wax qarasha kuugu fadhiyin haddii markaas ay jirto baahi caafimaad oo isbitaal lala jiifo ama la joogo meel xannaanayn xirfadley ah. Waxtarkaani wuxuu kaa caawinayaa baahi-yahaaga markaad isbitaalka ka baxdo kadib ah iyadoo lagu siinaayo cuntooyin isu dheellitaran si markaas ay wax uga tarto inaad ku guulaysato bogsashada.

Sida ay u shaqeyso

  1. Kadib marka lagaa saaro ansixinta bukaan socodka isbitaaka ama xarunta kalkaalisada xirfadeysan waxaa ku soo wici doontaa Mom's Meals si ay dib ugu eegaan faa'iidada cuntada oo ay kala hadlaan waqtiyada la keenayo.
  2. Cuntooyinka waxaa lagu keenaya gurigaaga.

Xog dheeri ah awgeed


Ilaha qorsheynta dheefta leh & adeegyada bulsho bulsheedka

BlueCross Thrive. - tibaaxo nafaqeedka iyo cunnooyinka jirkaaga iyo maskaxdaada.

Barnaamijka Kaalmaynta Dheef Kaabeedka (SNAP) - Barnaamijka Kaalamaynta Dheef kaabeedku wuxuu kaa caawin karaa inaad hesho cunnadaad u baahan tahay dheefayn iyo cuntooyin aad u dheelli tiran awgood.

Badeecada Barnaamijka Cunnada Kaabtada (CSFP) - Badeecada Barnaamijka Cunnada Kaabtada ahi wuxuu u hawl galaa sidii uu u hagaajin laha caafimaadka dadka dakhligoodu hooseeyo ugu yaraan 60 sannadood oo xagga da'da iyadoo lagu kaabaayo cuntooyin-kooda Cunnada USDA.

findhelp - xayndaabka findhelp wixii isku xiraa dadka caawimada raadinaaya iyo daryeel-bixiyaal bulsheed la hubiyay inay iyaga u adeegayaan. Waxaad ka war doontaa kala-duwanaanta waxyaalaha xayndaab bulsheedku bixiyo oo ay ku jiraan waxtarrada xagga cunnada.

MyPlate.gov - MyPlate waa il aad ka helayso qaab cunitaan oo caafimaad leh oo aad dhisayso inta aad nooshahay..