Xubin: Markaan u tagay inaan soo qaato daawooyinkii takhtarku ii qoray, farmashiya-hayga wuxuu ii sheegay inaysan caynsanayn hadda sababtoo ah waxay kamid yihiin barnaamijka baxnaaninta tillaabo. Waa maxay macnaha middaani? - Charlotte, St. Paul
Waa maxay baxnaaninta tillaabo?
Baxnaaninta tillaabo waxaa loo adeegsadaa in lagu hubiyo inaad helayso qiimaha ugu macquulsan iyo daawada ugu waxtarsan ee la heli karo. Step therapy waxay dhiirri gelisaa adeegsiga daawooyinka qiimaha hooseeya kahor "intaan kor loogu tillaabsan" daawooyinka qaaliga. Middaani waxay qof walba ka caawinaysaa in qiimaha meel hoose joogo.
In kastoo takhtarkaagu kuu qoray daawo gaara, haddana waxaa dhici karta inay jiraan xulashooyin kale oo ka jaban oo haddan si wanaagsan u shaqaynaya. Tusaale ahaan daawooyinka heerka labaad waxaa dhici karta inay aalaa sitaan isla tayadii iyo xooggii daawooyinka magacyada waaweyn sita oo haddana sida caadiga ka jaban yihiin.
"Haddii daawada heerka labaad ama baddalladeeda kale si fiican kuugu shaqeeyaan, kaas wuxuu noqonayaa war wanaagsan sababtoo ah siday u badan tahay waxaad daawadaadii ka bixinaysaa lacag ka yar intaad jeebkaaga ka bixin jirtay.
Sidee baxbaaninta tillaabo u shaqeysaa?
Dhakhtarkaaga ayaa kuu qoray daawo oo waxaad ogaatay inay uga baahan tahay tallaabada daawaynta barta farmashiye, midkiin adiga ama farmashistahaaga waa inuu sheega dakhtarkaaga. Waa suurtogal inay jirto daawo laguu qori karo oo aan u baahnayn baxnaaninta tillaabo.
Haddii aysan sidaas xulasho ahayn, wuxuu takhtarkaagu kaa la shaqayn karaa sidii loo abaabuli lahaa baxnaaninta tillaabo. "Haddii daawada heerka labaad ama baddalladeeda kale si fiican kuugu shaqeeyaan, kaas wuxuu noqonayaa war wanaagsan sababtoo ah sidya u badan tahay waxaad daawadaadii ka bixinaysaa lacag ka yar intaad jeebkaaga ka bixin jirtay. Haddii tani dookh aheyn, dhakhtarkaaga wuxuu soo gudbin karaa codsiga qorshaha caafimaadka Blue Cross wixi ah ka reebida, taas oo loogu yeero "go'aaminta caymiska". Haddii la ansixiyo, dawaynta la codsaday waxaa lagu daboolaya caymiska sii socodka.
Haddii aad su'aalo qabto, fadlan wac lambarka ku yaalla dhabarka kaarkaaga aqoonsiga.
Haddii aad jeceshahay inaad fikrad fiican ka hesho daawaada u baahan baxnaaninta tillaabo, waxaad ka ogaan kartaa buug-yaraha daawadaada ee bogga xaashiyaha qorshaha Medicaree ee ku hoos yaal magaca qorasha-haaga Medicare.
Eeg liiska daawooyinka Medicare Advantage Part B ee u baahan baxnaaninta tillaabo (PDF)
kobac, majallad
Tibaaxaha Fayoobi Ku-noolaanta ee waayeelka iyo daryeela-yaasha