Sida kaalmo loogu helo lacag-bixinta Medicare

Barnaamijyada Beekhaaminta Medicare waxaa laga bixin karaa lacagaha caymis ee Part A iyo B iyadoo ku xiran dakhligaa,hantida iyo mugga qoyska. Qaarkood waxaa laga yaabaa inay bixiyaan lacagaha la jaro, la-bixinnada iyo la-caymiska. Medicare Extra Help waxay kaa bixin kartaa sicirrada daawooyinka takhtarku qoro ee Part D.

Wax badan ka sii baro caawimada lacag-bixinta

Barnaamijyada Beekhaami-nimada Medicare

Barnaamijka Beekhaaminta Medicare wuxuu bixin karaa lacagaha caymiska qaarkood ama lacagaha qarash-wadaagga ee kuwa dakhligoodu hooseeyo. Waxaa jira afar jaad oo Barnaamijyo Beekhaaminno Medicare ah:

Dheefsadaha Medicare ee u Qalmay (QMB)

waxay Ka caawinaysa lacagaha caymiska ee Part A iyo B. Barnaamijkaani wuxuu kaloo bixinayaa lacagaha qarash-wadaagga sida lacagaha la jaraayo, la-caymiska iyo la-bixinnada.

Dheefsadaha Medicare ee Dakhli-Hooseeyaha la Magacaabay (SLM)

Wuxuu kaa caawinayaa bixinta lacagaha Part B laakiin ma bixinaayo lacagta caymiska ee Part A ama qarashyada kale.

Qofka u Qalmaaya (QI)

Wuxuu kaa caawinayaa bixinta lacagaha Part B.

Qofafka Naafada iyo Kuwa Shaqaynaaya ee u Qalmay (QDWI)

Kaliya waxay caawinaysaa bixinta lacagaha caymiska ee Part A.

Caawimada Dheeriga ee Medicare

Medicare Extra Help, marmar waxaa lagu sheegaa Kaalmo-Maaliyeedka Dakhli-Hooseeyaha (LIS); waa barnaamij uu agaasimo Maamulka Ammaan Bulsheedku si looga caawiyo kuwa dakhliga hooseeya bixinta qarashyada daawooyinka takhtarku qoro. Haddii aad u qalanto QMB, SLMB ama QI, waxaad si toosa ugu qalmaysaa Extra Help

Yaa u qalma Barnaamijka Beekhaami-nnada Medicare ama Kaalmada Dheeriga ee Medicare?

  • Barnaamijka Kaydka Medicare waxaa helaya kuwa u qalma, Part A ee leh dakhliga iyo ilaha yar iyo ilaha ka hooseya isku celcelinta qaar. Culayska dakhligu waa ku kala duwan yahay barnaamij walba waxaana dhici karta inuu sannad-ilaa-sannad is beddelo.
  • Medicare Extra Help wuxuu diyaar u yahay kuwa dakhligoodu iyo hantidoodu ka hooseeyo culaysyada u-qalmitaanka, ama kuwa dakhligooda sannadlaha uu ka sarreeyo xadka u-qalmashada laakiin caawiya xubno kaloo qoyska oo isla aqalka ku nool .

Ilaha soo socda waa lagu xisaabtama marka u-qalmashada loo go'aaminaayo Barnaamijka Beekhaami-nnada Kaalmada Dheeriga ee Medicare:

  • Xisaabaha Kaydinta iyo xisaabta hubinta
  • Saamiyo, curaarro iyo maalgelinno wadaageed
  • Xisaabaha Hawgalnimo Qofeed (IRAs)

Waxyaalaha sida gurigaaga, baabuurkaaga, agabkaaga iyo alaabooyinkaaga guriga iyo dadkaba la ma xisaabo marka la go'aaminaayo u-qalmashada.

Codsashada Barnaamijka Beekhaami-nnada Medicare

Si aad u aragto inaad u qalanto Barnaamijka Beekhaami-nnada Medicare, waxaad wici kartaa 1-800-MEDICARE (1-800-633-4227) (TTY 711) 24 saacadood maalintii, toddobo maalmood usbuucii. Ama, waxaad kari kartaa inaad wacdo barnaamijka Medicaid ee dawladdaada si aad u hubiso inaad u qalanto.

Codsanaaya Medicare Exta Help

Si aad taleefanka ugu codsato Extra Help, wac1-800-772-1213 (TTY 1-800-325-0778). Waxaad kaloo ka codsan kartaa ee xafiiska Ammaan Bulsheedka ee aaggaaga.

Dheeri ku saabsan Medicare

Baro Medicare wax ku saabsan
Sidee sheega-shooyinka Medicare loo bixiyaa?
Helista iyo lacag-bixinta daryeelka caafimaadka guriga
Wax ka baro shabakadaha Blue Cross Medicare
U-qalmashada Medicare iyo shuruudaha da'da