Xaaladda Codsiga Medicare

Codsiga diiwaangelinta ee qorshe kasta, waxaa jira afar tillaabood ka hor oggolaanshaha.

Talaabooyinka codsiga: codsiga la gudbiyay, codsiga la helay, codsiga ku nidaamka ku jira, codsiga la ogolaaday.

Si aad u hubiso heerka codsigaga, fadlan geli macluumaadka looga baahan yahay meelaha hoose. Xaqiiji inaad diyaarsato kaarka caymiska caafimaadka ee gaduud, cadaan, iyo buluug, marka waxaad u baahan doontaa lambarka Medicare.

Fiiro gaar ah: Waxay qaadan kartaa 7-10 maalmo oo shaqo ah in ay kooxdeena helaan codsiyada. Haddii aad ku soo gudbisay codsigaaga gudaha wakhtigaas, waxa laga yaabaa inaanay wali ku jirin nidaamkayaga.

Fiiro gaar ah: Hadda ma awoodno inaan raadiyo codsiyada qorshooyinka Medicare ee Qaybta D ama qorshooyinka Kooxda Medicare ee ay maalgaliyaan loo-shaqeeyaha.

Haddii aad hore u lahayd qorshaha Blue Cross Medicare oo aad jeclaan lahayd inaad xaqiijiso heerka isdiiwaan galintaada 2024, fadlan kala xiriir adeega macmiilka lambarka ku yaal dhabarka ee kaadhkaaga aqoonsiga xubinta Blue Cross.

Meelaha ku calamadaysan asterisk waa meelaha la rabo.

  • Codsigaagii waanu helnay waana habaynaynaa

    Codsigu nidaamka ayuu ku jira

    Hadda waxaan wadnaa socodsiinta codsigaaga. Kooxdayadu waxay ka shaqaynaysaa sidii wax walba u ansixin lahaayeen. Habayntu waxay qaadan kartaa ilaa 7 maalmo oo shaqo. Dib u hubi berri ama maalinta xigta si aad u aragto wixii ku soo kordha

  • Macluumaad dheeraad ah ayaa loo baahan yahay ka hor inta aanan ansixin codsigaaga.

    Macluumad ma u baahantahay

    Intaan dib u eegnay codsigaga, waxaanu ogaanay in codsigaagu aanu dhamaystirnayn. Waxaanu u baahan doonaa macluumaad dheeraad ah ka hor inta aanan sii wadin. Fadlan diyaar la ahow kaarkaga Medicare oo ka wac khadka adeega macaamiisha 1-800-531-6686.

  • Codsigaaga qorshaha Medicare waa la oggolaaday!

    Codsiga waa la ansixiyay

    War wanaagsan! Waanu oggolaanay codsigaagii. Wax tallaabo dheerad ah looma baahna. Waxaan kuu soo diri doonaa dhammaan macluumaadka qorshaha aad u baahan tahay waqti dhow. Waad ku mahadsan tahay doorashadaada BlueCross BlueShield ee Minnesota. Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan noqono iskaashigaaga waxaanan mar walba halkan u joognaa inaan kaa caawino inaad caafimaad qabtid kaagana jawaabno su'aalaha la xiriira caafimaadka ee laga yaabo inaad qabto.

  • Codsigaaga qorshaha Medicare waa la diiday.

    Codsiga waa la diiday

    Nasiib darro, waxay ahayd inaan diidno codsigaaga. Waxaad boostada ku heli doontaa warqad kuu sheegaysa sababta diidmada. Haddi aad aaminsantahay in tani khalad ahayd ama aad qabto su'aalo ku saabsan sababta codsigaaga loo diiday, fadlan ka wac khadka adeega macaamiisha 1-800-531-{[ #3]} .

  • Codsiga lama helin

    Ma awoodno inaan helno codsigaaga. Fadlan xaqiiji macluumaadka aad bixisay oo isku day mar kale.

    Maanka ku hay in codsiyada boostada lagu soo diro ay qaadan karaan ilaa 10 maalmo shaqo in la helo oo la galiyo nidaamka.

    Haddii aad hore u lahayd qorshaha Blue Cross Medicare oo aad jeclaan lahayd inaad xaqiijiso heerka isdiiwaan galintaada 2021, fadlan kala xiriir adeega macmiilka lambarka ku yaal dhabarka ee kaadhkaaga aqoonsiga xubinta Blue Cross.