Barnaamijka jirdhiska SilverSneakers ee Waayeellada

Ku hagaaji guud ahaan caafimaad-kaaga iyo fayoobidaada dhaqdhaqaaq joogta 

Waa maxay SilverSneakers®?

SilverSneakers waa barnaamij caafimaad oo jimicsi oo loogu talo galay dadka waa weyn 65+ kuwaas oo lagu talo galay u qalmida qorshayaasha caafimaadka Medicare (Blue Cross Medicare Advantage, Platinum BlueSM, Senior GoldSM, Senior GoldSM iyo other Medicare Supplement and qorshayaasha SecureBlueSM).

Waxay bixisaa marin u helitaanka kumanaan meelaha jirdhiska1 ee dalka gees-ka-gees. Laga bilaabo miisaanno iyo mashiinno ilaa casharro kooxeed2 oo ay hoggaaminayaan barayaal tababaran, waxaa halkaas ka jira xulashooyin lagu kala dooranaayo dhammaan heerarka jirdhisidda. Intaa waxaa u dheer, SilverSneakers wuxuu bixiya fursaadaha kobcinta maskaxda halkaas oo xubnaha ka baran karaan xirfado cusub iyo sii wadista nolosha cimriga dheer.

Barnaamijkaani wuxuu ka caawinayaa xubnaheena hagaajinta caafimaad-kooda, inay kuwo madax-bannaan noqdaan, iyo inay sii wataan waxayaalihii ay jeclaayeen inay sameeyaan. 

Immisay ku kacaysaa?

Haddii aad heysato SilverSneakers o ku jiro qorshaha caafimaadka Medicare, waxaad heli doontaa goobaha oo dhan, fasalada , fiidiyowyada on-demand-ka ah iyo xubinada perks oo aan aheyn kharash dheeraad ah.  

Jiimamkee baa ka qeyb qaata SilverSneakers?

Waxaa jira kumannaan meelood oo ka qeyb qaata1 oo goonyaha Maraykanka, oo lagu daray casharro laga bixiyo goobo dadweyne oo dheeri ah, sida beeraha tamashleynta iyo xarumaha bulshada. Dhammaan xubnuhu waxay aadi karaan dhammaan meelahaan kumana koobna aadista meel qura 

Meelaha tamashlaynta iyo caharrada meeluhu waa ku kala duwan yihiin1. Jiimkaaga xaafada, xarunta dadka waa weyn iyo goobaha kale ayaa laga yaaba inay leeyihiin waasko, wadada gudaha ee lagu socdo, miisaan la'aan, qalabka wadnaha, garoomada kubadda pickel iyo wax badan. 

Hel Meel jirdhisa oo ka qeyb qaadanaysa SilverSneakes

Hel casharro jirdhiseed ku salaysan-bulshada  

Waxaa lagugu soo daraya kharash la'aan

SilverSneakers waxay bixisa ilaha waxbarashada si looga taageero hanaanka nolosha oo caafimaad qab ah. Hel xeerarka caafimaadka guud ee ku saabsan jimicsiga, caafimaadka, dheefinta, samo-kunoolaanta iyo dheeri laga helaayo SilverSneakers.com.

Waxaad sidoo kale ku jimacsan kartaa guriga ama markaad mashquulka tahay:

  • Fasalka onlaynka ah ee TEBINTA TOOSKA AH ee SilverSneakers iyo aqoon kororsiga uu hogaamiyo macalin u tababaran oo gaar ah, oo leh boqolaal fasal toddobaad walba oo loogu talo galay dhammaan heerarka iyo awoodaha
  • Maktabbada onalynka ah ee gaarka ah ee fasalada boqolaalka ah ee jimicsiga, fiidiyowyada fayo qabka iyo barnaamijyada jimicsiga ee dhammaan dadka xiiseynaya iyo awooddaha. Daawo marka aad rabto, inta aad jaceshahay.
  • SilverSneakers GO mobile app oo leh ilahaha barnaamij gaar ah, loogu darsan karo qorshayaasha jimicsiga iyo wax badan
  • Burnalong®3 oo leh helitaanka taageerada bulshada foogan iyo fasalada kumaanka ah ee dadka oo dhan ay xiiseynayaan iyo awoodaha
  • GetSetUp4 helitaanka boqolaal si fudud loola socon karo, fasalada ay hogaamiyaan-faca si looga doorto oo ay ku jirto cunto karinta, safarka, farasmada iyo wax badan

Sidee baan u Bilaabayaa?

  1. BooqoSilversneakers.com/StartHere ama wac 1-833-226-1271 si aad hesho SilverSneakers Lambarka aqoonsigaaga oo maanta isdiiwaangeli. Waxaad ka helaysaa xibinnimada jirdhiska meelaha ka qeyb qaadanaya xaydaabka SilverSneakers iyadoon adiga qarash kuugu fadhiyin.
  2. Isu qor casharrada onlaynka adoo guriga jooga ama hel meel ku habboon oo meelaha jirdhiska ka qeyb qaadanaya oo kuu dhow.

Haddii aad hadda tahay xubin ka tirsan Blue Cross oo aadan hubin inaad u qalanto SilverSneakers, fadlan waxaad hubisaa tafatirrada caymiskaaga ama wac lambarka adeegga macmiilka ee ku qoran dhabarka kaarkaaga aqoonsiga.

Ilo caafimeedyo dheeri ah

Daryeelka kahortagga maadaama aad gaboobayso
Barnaamijyada caafimaadka Blue Cross
Ilaha Daryeel-bixiyaha