Barnaamijka jirdhiska SilverSneakers ee Waayeellada

Ku hagaaji guud ahaan caafimaad-kaaga iyo fayoobidaada dhaqdhaqaaq joogta 

Waa maxay SilverSneakers®?

SilverSneakers waa barnaamijka jimicsiga iyo caafimaadka loogu talo galay dadka waaweyn 65+ kaas oo leh u qalmista qorshayaasha caafimaadka Medicare (Blue Cross Medicare Advantage, Platinum Blue, Senior Gold iyo kaabayaasha kale Medicare iyo qorshayaasha SecureBlue).

Waxay bixisaa marin u helitaanka kumanaan meelaha jirdhiska1 ee dalka gees-ka-gees. Laga bilaabo miisaanno iyo mashiinno ilaa casharro kooxeed2 oo ay hoggaaminayaan barayaal tababaran, waxaa halkaas ka jira xulashooyin lagu kala dooranaayo dhammaan heerarka jirdhisidda. Intaa waxaa u dheer, SilverSneakers wuxuu bixiya fursaadaha kobcinta maskaxda halkaas oo xubnaha ka baran karaan xirfado cusub iyo sii wadista nolosha cimriga dheer.

Barnaamijkaani wuxuu ka caawinayaa xubnaheena hagaajinta caafimaad-kooda, inay kuwo madax-bannaan noqdaan, iyo inay sii wataan waxayaalihii ay jeclaayeen inay sameeyaan. 

Immisay ku kacaysaa?

Haddii aad heysato SilverSneakers o ku jiro qorshaha caafimaadka Medicare, waxaad heli doontaa goobaha oo dhan, fasalada , fiidiyowyada on-demand-ka ah iyo xubinada perks oo aan aheyn kharash dheeraad ah.  

Jiimamkee baa ka qeyb qaata SilverSneakers?

Waxaa jira kumannaan meelood oo ka qeyb qaata1 oo goonyaha Maraykanka, oo lagu daray casharro laga bixiyo goobo dadweyne oo dheeri ah, sida beeraha tamashleynta iyo xarumaha bulshada. Dhammaan xubnuhu waxay aadi karaan dhammaan meelahaan kumana koobna aadista meel qura 

Meelaha tamashlaynta iyo caharrada meeluhu waa ku kala duwan yihiin1. Jiimkaaga xaafada, xarunta dadka waa weyn iyo goobaha kale ayaa laga yaaba inay leeyihiin waasko, wadada gudaha ee lagu socdo, miisaan la'aan, qalabka wadnaha, garoomada kubadda pickel iyo wax badan. 

Hel Meel jirdhisa oo ka qeyb qaadanaysa SilverSneakes

Hel casharro jirdhiseed ku salaysan-bulshada  

Waxaa lagugu soo daraya kharash la'aan

Waxay kaloo SilverSneakers haysaa waxtarro dheeri ah oo hannaanka nolosha gacan ka geysanaaya. Hel xeerarka caafimaadka guud ee ku saabsan jimicsiga, caafimaadka, dheefinta, samo-kunoolaanta iyo dheeri laga helaayo SilverSneakers.com

Waxaad guriga jimicsi ku la samayn kartaa SilverSneakers oo Fiidiyowda la doonaya™ iyo inaad hesho SilverSneakers GO™ app si aad u hesho qorsha-yaasha jirdhiska, jimicsi la hagaayo iyo gooreeye si uu u habeeyo xusuusinnada iyo inaad higsiyadaada dhaqdhaqaaq.

SilverSneakers waxay kaashanaysa BurnAlon si ay kuu siiyo gelida kumaan jimcisiyada onlaynka ah, taageerada bulshada onlaynka, iyo hagida gaarka ah si ay kaga caawiso inaad la jaqaanqaado safarka ladnaan.

SilverSneakers waxay sidoo kale kaashanaysa GetSetUp3 si ay kaga taageero fursadaha kobicinta dhimirka ee lagu bixiyo barashada onlaynka toosa ah halkaas oo aad kula kulmi karto qaabka xoojinaya danahaaga iyo hibaaada ama si loo ogaado kuwa cusub.

GetSetUp waxay fudud ka dhigtay inaad barato adiga oo sameeynaya. Iyada oo leh boqolaal oo si fudud u raacayso, fasalada hogaanka-faca si aad uga doorato, waxaad heli doontaa kuwo ka dhiga safarkaaga waxbarashada madaalo iyo raaxo. Tusaale ahaan, waxaad baran kartaa sida smartphone uu noloshaada u fududeyn karo.

Access BurnAlong iyo GetSetUp iyada loo marayo xubinimadaada galida SilverSneakers.

Sidee baan u Bilaabayaa?

  1. BooqoSilversneakers.com/StartHere ama wac 1-833-226-1271 si aad hesho SilverSneakers Lambarka aqoonsigaaga oo maanta isdiiwaangeli. Waxaad ka helaysaa xibinnimada jirdhiska meelaha ka qeyb qaadanaya xaydaabka SilverSneakers iyadoon adiga qarash kuugu fadhiyin.
  2. Isu qor casharrada onlaynka adoo guriga jooga ama hel meel ku habboon oo meelaha jirdhiska ka qeyb qaadanaya oo kuu dhow.
  3. Ka gal GetSetUp SilverSneakers.com/Account/Login iyo dooro boqol madaalo, fasalada hogaanka-faca ee loo abuuray dadka waaweyn.

Haddii aad hadda tahay xubin ka tirsan Blue Cross oo aadan hubin inaad u qalanto SilverSneakers, fadlan waxaad hubisaa tafatirrada caymiskaaga ama wac lambarka adeegga macmiilka ee ku qoran dhabarka kaarkaaga aqoonsiga.

Ilo caafimeedyo dheeri ah

Daryeelka kahortagga maadaama aad gaboobayso
Barnaamijyada caafimaadka Blue Cross
Ilaha Daryeel-bixiyaha