Barnaamij Taya leh

Blue Cross iyo Blue Shield ee Minnesota iyo Blue Plus (Blue Cross) waxay marwalba ka shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa tayada daryeelka caafimaadka iyo adeegyada ay xubnaheenu helaan.

Waa maxay Barnaamijka Tayada ( Quality Program?)

Quality Program(Barnamijka Tayada) wuxuu dabagalaa oo uu qiimeya daryeelka iyo adeegyadda xubnaha ay helaan. Blue Cross waxay joogteysaa barnaamij eega helida tayada iyo daryeelka iyo adeegyadda la heli karo. Waxaan dib u eegnaa xogta si ay nooga caawiso meelaha aan hagaajin karno waxaana isticmaalna macluumaadkan si aan u abuurno istarajiyad aan wax uga qabano baahiyaha.

Sanad walba waxaan barnaa barnaamijka si aan u arago sida aan u sameeynay. Taani waxay na siisa furad si aan u aragno halka aan KA fiicanahay ama halka laga yaabo in laga rabo inaan isbeddelo ku sameeyno. Sii wad akhrinta si aad wax badan uga ogaato barnaamijkeena.

Guudmarka Barnaamijka tayada

Barnaamijka tayadda iyo qiimeynta

Hal qaab oo aan u shaqeyno si aan u horumarino tayada waa innagoo cabbirnana sida wanaagsan ee annaga iyo kuwa kale (sida dhakhtarkaaga ama daaweeyahaaga) aaynu u shaqeyneyno. Waxaan dib u eegis ku sameynaa barnaamijyadeena sanad walba si aan u hubinno inaan si joogto ah u horumarinayno Waxaa na hago yoolalka soo socda:

Ogeysiiska Sannadlaha ah ee Xubinta

Ogeysiiska Sannadlaha ah ee Xubintaada waxaa ku jira macluumaad muhiim ah oo ku saabsan caymiska qorshahaaga caafimaadka.

Arag Xubinta 2024 ee Ogeysiiska Sanadlaha ah

Sida aan u samayno

Waxaan darasadd ku sameeynay meelaha saameya xubnaheena iyo awooddooda si ay u helaan daryeelka dhaqankooda iyo caafimaadka iyo adeegyadda ay u baahan yihiin. Soo koobida kuwan ayaa hoos ku qoran:

Helitaanka xubinta ee bixiyayaasha mashruuca

  • Qaybinta juqraafiga
  • Waqtiyada sugitaanka ballanta
  • Daryeelka saacadaha-kadib

Sii wadida iyo isuduwidda daryeelka

  • ee u dhaxaysa bixiyayaasha
  • Ee u dhaxaysa dejinada
  • Daryeelka kala-gudbita

Kormeerka

  • Ergada iyo waratada

Jawaab celinta xubinka

  • Ashtakaoyinka iyo cabashooyinka
  • Rafcaannada iyo dib u tixgelinada
  • Xog-uruurinada
  • Weydiimaha adeegga macaamiisha
  • Kooxaha diirada / guddiyada la-talinta

Maamulka caafimaadka dadweynaha

  • Maareynta xaaladaha adag
  • Maareynta cudurada
  • Tababarka caafimaadka iyo fayoqabka

Jawaab celinta bixiyaha mashruuca

  • Khibrada u leh hababka qorshaha caafimaadka
  • Heerarka iyo hababka badbaadada bukaanka
  • Ka faa'iidaysiga adeegyada
  • Xaaladaha la helay iyo dhibaatooyinka

Casharradii laga bartay

Si loo fahmo cabaqadaha xubin2023 iyo taageerada si loo helo daryeelka ka hortagga, waxaan dhammeystirnay daryeelka ka hortagga iyo cilmi baarista bulsada Waxaan barnay waxyaabo badan, oo ay ku jiraan: 

  • Guddiyada macmiilka ayaa ku dulmaray kuwa soo scoda waxbarashada muhiimka ah ee ku saabsan wacyogelinta iyo isku xirka xubnaha:
    • Samee xiriir habaysan oo loogu talo galay wacyogelinta xubin 
    • U dhammaystir wacyogelinta qaabka la doorbidaayo ee loogu talo galay xubin
    • oggolow doorashada wada xidhiidhka
  • Caqabadaha wax loogu qabanayo daryeelka ka hortagga waxa ka mid ah:
    • Xaqiiji in isgaarsiintu ay ku jirto qiimaha iyo dhinacyada wanaagsan ee daryeelka ka hortagga​​​​​​​
    • Soo koob oo xoog saar faa'iidooyinka daryeelka ka hortagga iyo xoog saarida muhiimada isku xirida adeeg-bixiyaha daryeelka aasaasiga

2023 meelaha diirada la saarayo

Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan dhowr mashruuca gaarka ah ee aan ka shaqaynay 2023 waa hoos Mashruuc walba wuxuu leeyahay macluumaadka waxaan sameeynay iyo haddii uu mashruuca sii socon doono iyo haddii kale 2024.

Kordhinta wacyiga daryeelka ka hortagga

Waaxda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha ee Mareykanka waxay ku qeexday aqoonta caafimaadka "heerka ay shaqsiyaadku awood u leeyihiin inay helaan, ka baaraandegaan oo ay fahmaan macluumaadka caafimaadka aasaasiga ah ee loo baahan yahay si loo gaaro go'aamo caafimaad oo habboon." Daraasaduhu waxay muujiyeen in bukaannada leh xirfadaha wax-akhriska ay ku yar yihiin aqoonta caafimaadka la xiriirta, ay helaan daryeelka ka hortaga oo yar, ay liidato xakameynta cudurrada daba-dheeraada, iyo in cisbitaalka la dhigo in ka badan bukaannada kale.

Waxaa aan sameeynay

  • Si wax looga qabto akhriska caafimaadka, Blue Cross waxay xooga saaraysa inay siiso waxbarasho xubnaha iyadda loo marinayo fariin qoraal ah, iyo qormooyinka baraha bulshada (sida, Instagram), iyo boostooyinka elekrooniga ah (email) mowduucyada kale ee daryeelka ka hortagga sida tallaalka, baaristaka kansarka, iyo daryeelka macaanka.
  • Si wax looga qabto dhibaaatoyinka isirka, Blue Cross waxay ka qeybqaadatay ururka bulshada si loo yareo dhimashada kansarka naasaka ee habeenka madawga Mareykanka. Hadafka ololaha fariin dirista si loo kordhiyo heerarka baarista ayaa la sameeyay oona la baaray2023​​​​​​​.

Natiijada

Yoolka guud ee Blue Cross waa kordhinta boqolayda xubnaha ee hela baaritaanada sanadlaha daryeelka ka hortagga ee ku saleysan baahida xubin. Waxaan arkaynaa sara u kaca qaar ka mid ah tallaabooyinka baaritaanka ka hortagga laakiin waxaa jirto shaqo badan oo ah in la qabto. Markay ahayd2023​​​​​​​,Iimay habaysan ayaa la sameeyey waxaana loo diray haweenka madaw ee leh baahida furan ee baarista kansarka naaskooda. Tani waxaa loo sameeyay in wax looga qabto kala duwanaanta daryeelka caafimaadka ee xajmiga baarista haweenka Madawiga ah marka loo barbardhigo xajmiga guud. Waxtarka iimaylkan waxaa lagu qiimeyn doonaa laguna tixelin doonaa sii wadista ama wax ku darista 2024.

Mashruuca waa sii socon doonaa 2024. Boostooyinka dheeraaadka ah iyo macluumaadka mowduuca baaritaanka ka hortagga ah ayaa la diri doonaa sanadka oo dhan. Blue Cross waxay sii wadi doontaa inay la socoto istarajiyada xiriirka sanad walba iyo sameeynta isbedddelada, inta loo baahan yahay.


 

Yareynta farqiga u dhexeya daryeelka macaanka.

Sonkorowga waa cudur raagaya oo saameeya sida jidhkaagu cuntada ugu beddelo awood(tamar). Macaanka weli ma ahan cudur la daaweyn karo, laakiin waa la daawayn karaa iyo nooca 2 macaanada ayaa laga hortagi karaa. Jimicsi jir oo joogto ah, iyo cunista cunto caafimaad leh iyo tubaakadda oo aan la isticmaalin ayaa gacan weyn ka geysan karto ka hortagga iyo maareynta macaanada. Si kasta oo ay u noqon karto cabsi iyo niyad jab, dadka sonkorowga qaba waxay noolaan karaan waqti dheer, oo caafimaad iyo nolol farxad leh.

Sida laga soo xigtay Waaxda Caafimaadka ee Minnesota 1, macaanka waa cudurka lixaad ee sababta geerida Minnesota. Macaanada ayaa sidoo kale ah sababaha ugu horeeya ee indho la'aanta, kalyo fadhiisiga iyo lugo ka jarista. Minnesota markii loo eego, farqiga u dhaxeya isirka iyo qowmiyadda macaaka ayaa muujinaya joogtada ah cudurka, dhibaatooyinka iyo xajmiga geerida, xajmiyadda daryeelka ka hortagga ee dadka qaba macaanka.

Kala duwanaanshuhu waxay dhacaan marka caafimaadka koox dad ah ay si xun waxyeelo ugu gaarto arrimaha sida inta lacag ay sameeyaan, isirkooda, qowmiyaddooda ama halka ay ku noolyihiin. Farqiga isirka iyo qowmiyadda ee macaanka ayaa waxaa sii xumaynaya waxyaabaha sida helida daawooyinka macaanka, kaabayaasha iyo daryeelka ka hortagga. Tan waxaa ku jira la'aanta agab waxbarasho oo ku habboon dhaqan ahaan iyo luqad ahaanba​​​​​​​, nidaamka taagerada iyo kala duwnaanshaha, iyo aqoonta karti ee dhaqan ahaanta adeeg bixiyaasha daryeelka caafimaadka.

Dhowr hay'adood oo daryeelka la maareeyay oo jooga Minnesota ayaa sameeyay wadashaqeyn horumarinta waxqabadka ah​​​​​​​ si looga wada shaqeeyo kor u qaadista daryeelka macaanka ee dadka Minnesota iyadda oo xooga la saarayo xubbnaha leh Dookhyada Caafimaadka Waayeelada Minnesota (MSHO) iyo/ama caymiska Minnesota Senior Care Plus (MSC+). Wada shaqeyntan sidoo kale waxay sameeysaa wacyogelinta bulshada iyo macluumaadka dowladda si loo helo fursaddaha dadaalada la wadaagay.

Waxaa aan sameeynay

  • Qabashada kalfadhiyada waxbarashada ee mowduucyada waxaa ka mid ah La shaqaynta Dadka aan ku Hadlin Ingiriiska ee Qaba Macaanka, Dareensiin Eex iiyo Raadinta Sinaanta Caafimaadka, iyo Cuntada sida Daawada.
  • Aruurinta xogta si loo fahmo oo loo taageero baahiyaha xubin.
  • Si dhaw ula shaqaynta Isku Xirayaasha Daryeelka si loo xiro baahiyaha daryeelka xubnaha.
  • Bartilmaameed waxbarasho oo leh isku xirayaal daryeel, adeeg bixiyaal, iyo xubno. 
     

Natiijada

Waxaan hagajinay xajmigeena xakameynta dhiig karka iyo baarista A1C sanadle ah 2023. Si kasta ha ahaate, waxaan helnay farqiyada ku saleysan isirka iyo luuqada lagu hadlo. Blue Cross waxay sii raadineysa siyaabooyinka labadaba lagu kordhinayo xajmiga iyo yareynta baahiyaha kala duwanaanshaha. Waxaan leenahay barnaamij cusub oo xiiseynaya in la helo jawaab celinta iyadda oo loo marayo ka qeybgalka bulshada si ay xubnaheena u ogaadan, oo ay xooga u saaraanyareynta kala duwanaanshaha baahiyaha daryeelka.

Mashruucan macaanka wuxuu soo dhammaaday 2023. Blue Cross waxay diirada sii saari doontaa sii wadista tababarista iyo fursadaha waxbarasha ee xubnaha iyo adeeg bixiyaasha iyo siyaabooyinka kor loogu hagajinayo kuwaas oo wax ka qabanaya arrimaha deegaanka iyo bulshada kuwaas oo saameynaya dadka dhibanayaasha. Mashruuca cusub ee 2024-2026 wuxuu xooga saari doonaa labada macaanba iyo la nooloshaha walaaca.


Hagaajinta natiijooyinka dhalashada

Heerka qaranka, guud ahaan dhalmada iyo hooyanimada iyo xajmiyada hooyanimada ayaa korortay tobanaankii sano ee ugu dambeeyey. Haweenka madawga ah ayaa sadex ilaa far jeer ayaa dhici karto inay u dhintaan sababo la xiriira uurka markii loo eego haweenka cadaanka ah. Gudaha Minnesota, farqigan ayaa si dhab ah u haya dadka midabka leh waxaana loo arkaa muhiimada kale ee xogta natiijada dhalmada isda dhallanka dhiciska ah, miisaaanka dhalmada yar, iyo dhalmada dhallaanka.

Farqiyaddan ayaa ku sii soconaya carruurnimada waxaana lagu dabaqaa qiimaha tallaalka carruurta. Qaran ahaan,heerarka tallaalka waa ku dhaw 90 boqolkiiba tallaalo badan, laakiin farqiga ayaa weli aad ugu yar caymiska tallaalka loogu talo galay carruurta madawga ah (65%) iyo carruurta ku nolool heerka farqiga hoose ee federaalka (64.4%).

Dhowr hay'adood oo daryeelka la maareeyey ah oo ku sugan Minnesota ayaa sameeyey iskaashiga hagajinta si ay uga wada shaqayaan si ay kor ugu qaadaan "Healthy Start" ee loogu talo galay carruurta Minnesota iyo dadka uurka leh ee xooga saaraya xubnaha kuwaas oo horey u Bixiyey lacagta Barnaamijka Kaalmada Caafimaadka (PMAP)iyo caymiska MinnesotaCare (MNCare). Iskaashiga waxa uu ka shaqaynayaa kordhinta helitaanka adeegyada umulisada, dhaqan ahaan la jaaqanqayada daryeelka, kordhinta booqashooyinka dhalmada ka hor iyo kadib, tallaalka carruurnimada hore iyo qiimaha baaritaanka fayo qabka ilmaha.

Waxaa aan sameeynay

Shaqaynta 2023 ee ku salaysan dejinta masraxa loogu galay sii wadida guusha mashruucaan. Tani waxaa lagu daray dhisida iyo xoojinta xiriirada lala leeyahay iskaatashada bulshada, bixinta kulmada waxbarashada ee uurka ee la xiriira mowduuca uurka, iyo kordhinta xubin isticmaalista adeegyadda doula. 

Waa kuwan qaar ka mid ah tallaabooyinka dheeraadka ah ee la qaadayo 2023:

  • Bixinta deeqyo waxbarasho si loo taageero dhaqan ahaan la jaaanqaadaya umulisa
  • Wacyigelinta bulshada ururka iyo haya'adaha Gobolka
  • Hagajinta habaynta xogta gudaha iyo warbixinta
  • Sii deynta ololaha baraha bulshada tallaaladda dhowr luuqadood
  • Bixinta xubnaha buuxiyey booqashooyinka fayo qabka ah ee sanadlaha, tallalada ku qaata waqtiga oo hela adeegyadda maareynta ee loogu talo galay xaladdaha halista ah.

Natiijada

Blue Cross waxay aragtay hagajinta labadaba xajmiga booqoshooyinka dhalmada ka hor iyo kadib, si kastaba ahaate inta Minnesota, ama xajmiyada booqashada carruurnimada 15bilood iyo hoos u dhac xajmiga tallaalka. Waxaan sii arkaynaa kala duwnaanshaha baahiyadda waxaana xooga saari doonaa sida aan u caawin karno dhammaan xubnaha hagajinta jadwalka daryeelka uurka, booqashooyinka ladnaanta ilmaha iyo xajmiga tallaalka.

Mashruucaan wuxuu sii soconaya 2024 iyo qorshayaasha shaqayanaya ilaa 2026, iyo sahminta socota iyo hagaajinta.


Ogeysiiska Sannadlaha ah ee Xubinta

Ogeysiiska Sannadlaha ah ee Xubintaada waxaa ku jira macluumaad muhiim ah oo ku saabsan caymiska qorshahaaga caafimaadka. Mawduucyada laso koobay ayaa hoos ku taxan. 

Arag Xubinta 2024 ee Ogeysiiska Sanadlaha ah

  • Helitaanka adeegyada caafimaadka
  • Buug-yaraha faa'iidada iyo faa'iidooyinka laso koobay iyo caymiska
  • Warqada dawada ee dhakhtar qoray iyo caymiska daawada caafimaadka iyo qaababka
  • Oggolaanshaha hore iyo xaddidnaanta faa'iidada
  • Xuquuqda iyo waajibaadka xubinta
  • Codsiyada dib u eegista madaxa banaan ee racfaanka
  • Isticmaalka iyo muujinta macluumaadka caafimaadka ee la ilaaliyo
  • Barnaamijyada maaraynta daryeelka


Aqoonsiga

Waxaan si dhab ah u qaadanaa aqoonsigayada Guddiga Qaranka ee Xaqiijinta Tayada (NCQA). Waa sida aan u muujino sida ay nooga go'an tahay horumarinta tayada daryeelkaaga, helitaanka daryeelka iyo qanacsanaanta xubnaha.

Wax badan ka baro aqoonsiga NCQA

 

Xusuusin: Barnaamijyadu way kala duwan yihiin iyadoo ku xirantahay qorshahaaga caafimaad.

https://www.health.state.mn.us/communities/equity/ehdi/priority.html#diabetes