Dhakhtarka maqaarka, dhakhtarka kaadi mareenka ama dhakhtarka haweenka: Marka aad u baahan tahay takhasusle

Blue Cross iyo Blue Shield ee Minnesota waxay ku leeyihiin dhakhaatiir takhasus leh dhammaan shabakadaha.

Waxaad ka heli kartaa dhakhtar online. Kaliya ka raadi goobtaada, magaca dhakhtarka takhasuska leh ama takhasusyada sare. Haddii aadan hubin nooca takhasuska aad u baahan tahay, la tasho dhakhtarkaaga daryeelka aasaasiga ah ama khadka kalkaalisada.

Hel Takhtar

Maxaan tixgaliyaa ka hor intaanan la hadlin khabiirka takhasuska leh?

Haddii aad u baahan tahay baaris joogto ah ama baaris ddaryeelka ka hortagga, dhakhtarka daryeelka aas-aasiga ah ayaa ah meesha kugu habboon. Laakiin waxaa laga yaabaa inaad rabto inaad la tashato takhasusle haddii aad walaac gaar ah ka qabto, haddii aad leedahay xaalad aan caadi ahayn oo ay adag tahay in la ogaado, ama haddii aad u baahan tahay daaweyn gaar ah dhibaato adag.

Miyaan u baahanahay gudbin si aan u arko khabiir?

Uma baahnid gudbin si aad u aragto takhasusle. Kaliya iska hubi inaad kula kulanto takhasusle shabakada qorshahaaga caafimaadka. Blue Cross waxay kala shaqeysay dhakhaatiirta, isbitaallada iyo rugaha caafimaadka ee shabakaddaada si loo sameeyo qiime dhimis xagga daryeelka ah. Taas macneheedu waxa weeye, inta aad isticmaalayso khabiiro ku takhasusay shabakada dhaxdeeda iyo bixiyeyaasha kale, waxaad heli doontaa dheefaha heerka ugu sarreeya oo aad ku bixin doonto qiimaha ugu yar.

Noocyada guud ee dhakhaatiirta takhasuska leh

kani waa liis qayb ah oo ah dhakhaatiirta takhasuska leh iyo noocyada dhibaatooyinka caafimaad ee ay ogaadaan oo ay daaweeyaan. 

TakhasuslahaXaaladaha caafimaad ee uu daweeyo
Dhakhtarka XasaasiyaddaXasaasiyadda iyo Neefta
Dhakhtarka WadnahaXanuunada wadnaha
Dhakhtarka MaqaarkaXanuunada Maqaarka
Dhakhtarka QanjidhaXanuunnada dheef-shiid kiimikaadka, sida sonkorta
Dhakhtarka GaaskaDhibaatooyinka dheef-shiidka
Dhakhtarka HaweenkaCaafimaadka taranka dumarka
Dhakhtarka DhiiggaXanuunada Dhiigga
Dhakhtarka XiidmahaDaawada gudaha ee dadka waaweyn
Dhakhtarka KelliyahaXanuunada kelliyaha
Dhakhtarka NeerfahaXanuunada hab-dhiska neerfaha
Dhakhtarka KansarkaDaweeynta kansarka
Dhakhtarka IndhahaXanuunada isha
Dhakhtarka LafahaXanuunada lafaha
Dhakhtarka Dhagaha/Sanka/DhuuntaDhagta,sanka, iyo dhuunka(DSD)
Taageerada Takhasuslaha FacaCaafimaadka dhimirka iyo isticmaalka maandooriyaha
Dhaqtarka LugahaXanuunada cagaha, anqowga iyo lugaha hoose
Dhakhtarka MaskaxdaXanuunada dhimirka/dareenka
Dhakhtarka SambabahaXanuunada sambabada iyo neefsiga
Dhakhtarka ShucaacaRaajooyinka iyo Iskaanka
Dhakhtarka Kaadi-mareenkaXanuunada kaadi mareenka iyo taranka ragga

Caawinaad dheeri ah oo kusaabsan helida dhakhtar

Waxaan soo bandhignaa shabakado kala duwan oo bixiyayaasha daryeelka caafimaadka ah. Adeeg bixiye walba waa qandarasle madax-banaan mana ahan wakiilkeena.

Sidee ayaan u sameeya Aniga...