La Taliyaha Metro ee Blue Cross4

La kulan Revea

Waxaad ku ballansan kartaa telefoon, muqaal foogan ah ama ballanta shakhsi ahaaneed. Revea waa la taliyaha ismaamulka Ramsey. Halkaan ka arag liiska dhammaystiran ee ismaamulka.

Su'aalaha ku saabsan qorshahaaga hadda

Haddii aad su'aalo qabto oo ku saabsan qorshaha hadda, fadlan wac lambarka ku qoran qeybta dambe ee kaarka caymiskaaga.

astaanta telefoonka

Samee ballan muuqaala ama taleefana ah.

Baro wax ku saabsan qorshayaasha iyo iska diiwaangelinta Revea ee telefoonka ama muuqaalka foogaan.

Jadwalka ballanta

astaanta-kooxda-yar-db-810

U qabso ballan si shaqsi ahaan ah.

Si toos ah ula kulan Revea si aad uga barato wax ku saabsan qorshayaasheena iyo helida caawinta iska diiwaangelinta goobta dookhaagu yahay - haddii ay tahay maqayada kuu dhaw, xarunta bulshada degaanka ama xafiiskeena.

Wac: 651-662-3428
ama
Iimayl: revea.baker@bluecrossmn.com

Revea ayaa ka caawin karta inaad barato wax ku saabsan qorshayaasheena iy kan kugu haboon adiga. Haddii aad su'aalo qabto, hagitaan u baahantahay ama diyaar u tahay inaad ku biirto qorshaheena Blue Cross, way kula kulmi karaa adiga:

  • Wax ka ogow Medicare-ka Asalka ah, oo ay ku jiraan waxay samayso oo aysan daboolin iyo sida la isu diwaangeliyo
  • Ka hadal xulashooyinka ku habboon baahiyaha caafimaad-kaaga goonida iyo hab-nololeedkaada
  • Ku biir qorshaha saxda, waqtiga saxda, oo hel hagitaanka qorshaha mudda kadib

Ku saabsan Revea

Revea waa la taliyaha Blue Cross oo leh in ka badan 20 sano khibrada iibinta iyo adeega. Waxay isticmaashaa hannaan latalineed si ay u barato macaamiisheeda oo ay soo jeediso xalal ku salaysan baahiyaha iyo hab-nololeedka. 

Waxay ku la fal gashaa bulshooyinka ay u adeegto dhacdooyinka iyo is-xilqaadnimo waxayna qaddarin sare ku heshaa waxbarashadeeda, waxaana fudud in lala socdo soo-bandhig-yadeeda Medicare.

"Waxaa kaa caawin karaa inaad fahanto habka ku-biiritaanka iyo khiyaarradaada, si aad ugu kalsoonaato in go'aannada aad qaadanayso yihiin kuwo ku habboon baahiyaha caymiska caafimaad-kaaga. Waxaan halkaan u joogi doonaa tallaabada wado walba, waxaan ku noqon doonaa ilahaaga mustaqbalka sidoo kale."

Isku diwaan-geli tababarka Medicare

Nagu soo biir lacag la'aan, waajibaad la'aan, shakhsi ahaan ama aqoon kororsiga si aad u barato wax ku saabsan Medicare iyo qorshayaasha laga heli karo ismaamulka aad ku nooshahay.

Baro wax kusaabsan:

  • Original Medicare - Part A iyo Part B, goorta iyo sida loo sameeysto, sida looga fogaado ganaaxyadda iyo waxaa Medicare sameeyso (waxaa aysan) daboolin.
  • Qorshayaasha Medicare Blue -Fahamka ikhtiyaarada qorshayaasha la helayo goobtaada, baro wax ku saabsan Part C, Part D iyo kaabayaasha aad dooran karto ee caymiska ugu wanaagsan adiga.

Ka qeyb gal aqoon kororsi

Wixii hoyiga dadka ah ee leh baahiyaha gaarka ah wicitada kulumada:
1-877-647-4219 (TTY 711).

Blue Cross MN Medicare #1