La Taliyaha Metro ee Blue Cross ee Galbeed 1

La kulan Brad

Waxaad ku ballansan kartaa telefoon, muqaal foogan ah ama ballanta shakhsi ahaaneed. Brad waa la taliyaha ismaamulada soo socda:Benton, Kandiyohi, Mille Lacs, Meeker, Morrison, Stearns & Todd.  Halkaan ka arag liiska dhammaystiran ee ismaamulka.

Su'aalaha ku saabsan qorshahaaga hadda

Haddii aad su'aalo qabto oo ku saabsan qorshaha hadda, fadlan wac lambarka ku qoran qeybta dambe ee kaarka caymiskaaga.

astaanta telefoonka

Samee ballan muuqaala ama taleefana ah.

Baro wax ku saabsan qorshayaasha iyo iska diiwaangelinta Brad ee telefoonka ama muuqaalka foogaan.

Jadwalka ballanta

astaanta-kooxda-yar-db-810

U qabso ballan si shaqsi ahaan ah.

Si toos ah ula kulan Brad si aad uga barato wax ku saabsan qorshayaasheena iyo helida caawinta iska diiwaangelinta goobta dookhaagu yahay - haddii ay tahay maqayada kuu dhaw, xarunta bulshada degaanka ama xafiiskeena.

Wac: 320-227-8445
ama
Iimayl: Bradley.McDonald@bluecrossmn.com

Brad ayaa ka caawin kara inaad barato wax ku saabsan qorshayaasheena iy kan kugu haboon adiga. Haddii aad su'aalo qabto, hagitaan u baahantahay ama diyaar u tahay inaad ku biirto qorshahayaga Blue Cross, wuu kula kulmi karaa adiga:

  • Wax ka ogow Medicare-ka Asalka ah, oo ay ku jiraan waxay samayso oo aysan daboolin iyo sida la isu diwaangeliyo
  • Ka hadal xulashooyinka ku habboon baahiyaha caafimaad-kaaga goonida iyo hab-nololeedkaada
  • Ku biir qorshaha saxda, waqtiga saxda, oo hel hagitaanka qorshaha mudda kadib

Ku saabsan Brad

Bradley waa Lataliye Sare oo Medicare oo leh in ka badan 10 sannadood oo khibrad beecin iyo adeeg ah. Bradley wuxuu dareen xoog leh u leeyahay inuu ka caawiyo dadka jiheynta adag ee nidaamyada Medicare iyo helida caymiska ku haboon baahiyadooda. Intii lagu jiray xirfadiisa wuxuu hormaray fahamka qotoada dheer ee qorshayaasha Medicare ee la helayo iyo faa'iidooyinka ay bixiyaan. Wuxuu leeyahay diiwaanka cad ee dhisida xiriirada waara ee uu la leeyahay macaamiisha iyo ka aawinta inay sameeyaan go'aamo la ogyahay oo ku saabsan caymiska daryeelkooda caafimaadka.

hanaankiisu waa inuu si taxadar leh u dhagaysta baahiyaa macaamiishiisa iyo walacyada oo siiyo xalalka gaar ah ee buuxiya xaaladooda gaarka ah. Waxaa ka go'aan inuu bixiyo adeegga macmiilka gaarka ah wuxuuna xaqiijiya inay macaamiishiisu ku qancan caymiska iyo waayo araganimada. Bradly wuxuu sidoo kale aqoon u leeyahay dhammaan aagaga caymiska caafimaadka oo ay ku jirto qorshayaasha Shakhsiga iyo Qoyska

"Haddii aad raadinayso shaqaale xirfad iyo aqoon u leh iibinta kaas oo ay ka go'an tahay inuu ka caawiyo helida saxda ah ee caymiska baahiyaha daryeelka caafimaadka, fadlan ha ka waabin inaad ila soo xiriirto. Waxaan rajaynaya fursad aan adiga kugula shaqeeyo iyo inaan ka caawiyo jiheynta nidaamka caymiska caafimaadka oo leh kalsooni."

Isku diwaan-geli tababarka Medicare

Nagu soo biir lacag la'aan, waajibaad la'aan, shakhsi ahaan ama aqoon kororsiga si aad u barato wax ku saabsan Medicare iyo qorshayaasha laga heli karo ismaamulka aad ku nooshahay.

Baro wax kusaabsan:

  • Original Medicare - Part A iyo Part B, goorta iyo sida loo sameeysto, sida looga fogaado ganaaxyadda iyo waxaa Medicare sameeyso (waxaa aysan) daboolin.
  • Qorshayaasha Medicare Blue -Fahamka ikhtiyaarada qorshayaasha la helayo goobtaada, baro wax ku saabsan Part C, Part D iyo kaabayaasha aad dooran karto ee caymiska ugu wanaagsan adiga.

Ka qeyb gal aqoon kororsi

Wixii hoyiga dadka ah ee leh baahiyaha gaarka ah wicitada kulumada:
1-877-647-4219 (TTY 711).

Blue Cross MN Medicare #1