Ilaha COVID-19

 

Xaaladda Degdega ah ee Caafimaadka Dadweynaha (PHE) waxay dhammaanaysa Maajo 11

Jaanayo 2023, Waaxda caafimaadka iyo Adeegyada Bani'aadamka ee dowladda dhexe (HHS) waxay shaacisay dhammaadka taariikhada Xaaladda degdeg ah ee Caafimaadka Dadweynaha ee looga jawaabayay COVID-19. Maajo 11, 2023, inta badan COVID-19 waajibaadkii lagu fulinayay xeerka PHE ayaa dhacaya. 

Sidaa darteed, laga bilaabo Maajo 12 qorshaha caadiga ah ee faa'iidooyinka waxaa loo isticmaali doonaa daryeelka la xiriira COVID-19, oo ay ku jirto baaritaan,ada, tallaada iyo daawada. Tani waxay keeni kartaa isbeddelada kharashaadkaaga la xiriira daryeelka COVID-19. 

Isbeddeladan waxay khuseeyaan Shakhsiga iyo Qoyska, iyo qorshayaasha la siiyey shaaalaha ee si buuxada loo caymiyay.* 

Fadlan wac lambarka adeegga macmiilka ee ku yaal dhabarka dambe ee kaarkaaga aqoonsiga xubinnimada ama, haddii aad qabto su'aalo ku saabsan caymiska gaar ah. 

Baro wax badan oo ku saabsan go'aanka HSS ilaa dhammaadka PHE

Baaritaanada guriga ee dawooyinka uu dhakhtarka qorin (OTC)

Xeerka PHE, dhammaan xubnaha waxay u qalmaan inay helaan lambarka qaar ee baaritaanada guriga OTC dawooyinka uu dhakhtarka qorin bishiiba kharash la'aan. Laga bilaabo Maajo 12, 2023, xubnaha waxay masuul buuxda ka noqon doonaan bixinta qiimaha tafaariiqada ee qalabka baaritaanka. Kharashaadkan waxaa dib loogu soo celin karaa iyadda oo loo marayo akoontiga bixinta kharashka caafimaadka. Fadlan kala xiriir maamulaha koontadaada kharash bixinta caafimaadkaaga wixii macluumaad dheeraad ah.

Xubnaha Medicare, gunooyinkaaga OTC ayaa weli la isticmaali karaa. 

Adeeg bixiyaha wuxuu amray ama bixiyay baaritaanada cudurka.

Baaritaanada cudurka COVID-19 waxaa amray dhakhtarka ama adeeg bixiyaha kale ee daryeelka caafimaadka ayaa ku bixin doonaa iyada oo loo marayo faa'iidooyinka qorshayaasha caadiga ah - taas oo micnaheedu yahay xubnaha waxay masuul ka noqon karaan qeyb ka mid ah kharashaadka oo ah qaab isla bixin ah, wadaaga lacag bixinta caymiska ama cadada lacag bixinta caymiska ee lagaa rabo.  

Isbeddeladan waxay khuseeyaan labaduba baaritaanada dhiiga ee lagu bixiyo shaybaarka (baarista shaybarka fayraska) baaritaanada cudurada faafa (baarista shaybarka ee loogu talo dufinta dhiiga) marka la helayo adeeg-bixiyaha shabakada ku jira

Daryeelka caafimaadka

Kharash wadaaga ballamaha caafimaadka, baarista iyo daawaynta la xiriirta COVID-19 booqashoyinka xafiiska, daryeelka degdega ah, adeegyada caafimaad ee tignoolajiyada iyo qolka xalda degdega ah ayaa lagu bixin doonaa faa'iidooyinka qorshaha caadiga - taaso micnaheedu yahay xubnaha inay masuul ka noqon karaan qeyb ka mid ah kharashaadka oo nooca wada bixinta, wadaaga lacag bixinta caymiska iyo cadada lacag bixinta caymiska ee lagaa rabo.

Xubnaha Medicare, kharashaadka jeebka ka baxsan ee la soo celin noocyada qaar ee daawaynta COVID-19 ayaa isbeddeli karaa, waxay ku xiran tahay daawaynta gaar ah iyo helideeda.

Tallaaladda iyo xoojiyaasha 

Tallaaladda COVID-19 iyo cirbadaha xoojiyaha tallaalka ayaa loo daboolid doonaa sida faa'iidada ka hortagga, Blue Cross waxay sii wadi doontaa inay daboosho 100% kharashka marka la helo adeeg-bixiyaha shabakada ku jira

*Waxaa jiro dhowr nooc oo ah qorshayaasha ay bixiyaan loo-shaqeeyaha: 

Qorshayaasha loo shaqeeyaha si buuxada loo caymiyay, Blue Cross waxay dejisa faa'iidooyinka qorshaha. Shaqaalaha (2-50ganacsiyada yar) gabi ahaan waa si buuxada loo caymiyaym qaar ka mid ah ganacsiyadda waaweyn (oo aan ka badnayn 50 shaqaale) 

Ganacsi badan oo waa weyn iyo shirkaddo ayaa bixiyasha qorshayaasha caafimaadka is caymiska. Xaaladdhan, shaqaalaha wuxuu dejiya faa'iidooyinka, kuwaas oo ay bixiso Blue Cross. 

Shaqaalaha is caymiska waxay dooran karaan fulinta isbeddelada la xiriira COVID-19 isku mid ah sida kooxaha si buuxada loo caymiyay ee ay dabooshay Blue Cross, laakiin aan shuruud aheyn. 

 

Haddii loo-shaqeeyahaaga soo ban dhigo caymiska Medicare ama aad ka heli karto daboolitaan Barnaamijka Shaqaalaha Fedaraalka® (FEP), fadlan u arag loo-shaqeey-haaga si aad u barto wax ku saabsan doorashooyinka caymiskaaga.

Blue Cross waxay soo ban dhigaysaa kharashka, PPO, iyo qorshe-yaasha PDP oo leh qandaraasyada Medicare. Ku-biiritaanka qorsha-yaashaan waxay ku xiran tahay cusboonaysiinta qandaraaska.