Isdiiwaangelinta gaarka ah ee loogu talagalay qorshayaasha shakhsiga iyo qoyska

Isdiiwaangelinta furan way dhammaatay, laakiin waxaad u qalantaa isdiiwaangelinta gaarka ah haddii aad leedahay xaaladda nolosha u qalanta.

Dhacdooyinka nolosha ee diiwaangelinta gaarka ah

Dhacdooyinka nolosha caadiga ah ee u qalmi kara is-diiwaangelinta gaarka ah waxaa ka mid ah shaqo la'aan, hawlgab waqti hore, luminta xaaladda ku tiirsanaanta, guurka, furiinka, dhalashada ama korsashada ilmo ama guuritaanka. Waxaad u baahan doontaa inaad isku diwaangeliso gudaha wakhtiga loo baahan yahay - badanaa  gudaha 60 maalmood gudahooda ee dhacdada nolosha.

Sida khaas ah ee la isku diiwaangeliyo

Ma u baahan tahay in lagaa caawiyo go'aaminta qorshaha kugu habboon? Baro sida loo doorto qorshe caafimaad.

Qorsheyaasha caafimaadka qofka iyo qoyska ee reer Minnesota ee lagu bixiyo Blue Plus waxay ku saleysan yihiin meesha aad ku nooshahay. Qorsho walba wuxuu leeyahay shabakadd daboosha adeeg bixiyaasha daryeelka caafimaadka ee aagaaga.

Wixii faafaahin dheeraad oo ku saabsan isdiiwaangelinta gaarka ah, oo lagu daray macluumaadka dheeraadka ah iyo dukumentinyo aad u baahan doontaa inaad codsato, waxay ku jiraan foomka.

 

Foomka codsiga ee 2024

 

Dirista foomka codsiga, lacag bixinta iyo dukumentiyada

Sida loo diro macluumaadkaaga.
Iimayl ahaan ama fakis

Ku dir iimaylka, foomkaaga codsiga oo dhamaystiran, saxiixan, enrollment.forms@bluecrossmn.com ama fakis ku dir  (651) 662-6439

IYO

Ku soo dir bixinta khidmadaada caymiska ee ugu horreysa xaashida xawilaadda oo dhammaystiran (waxay ku qoran tahay foomka codsiga):

Blue Plus
P.O. Box 860448 
Minneapolis, MN 55486-0448

Boosto

Ku dir foomkaaga codsiga oo saxiian oo buuxa oo wata dhukumiinti walba oo loo baahan yahay:

Blue Plus
P.O. Box 64024
St. Paul, MN 55164

Waxaan halkaan u joognaa inaan ku caawinno

Haddii aad hayso su'aalo ama aad u baahan tahay caawimo si aad isku diiwaan geliso, waxaad haysataa dhawr ikhtiyaar:

  • Wac 1-800-262-0823 (TTY 711) si aad ula hadasho wakiilka iibisiga
  • Wac wakiilkaaga ama raadso wakiil
  • Haddii aad hadda tahay xubin Blue Cross ama Blue Plus ah, waxaad wici kartaa lambarka adeegga macaamiisha ee ku yaal dhabarka dambe ee kaarka aqoonsiga xubintaada

Is diwaangali adoo adeegsanaya MNsure

Waxaad si toos ah isaga diiwaan gelin kartaa Blue Plus adiga oo raacaya tilmaamaha kore, ama waxaad isku qori kartaa MNsure.

Waxaan halkaan u joognaa inaan ku caawinno

La hadal wakiilka Blue Cross

1-800-262-0823 (TTY 711)

Ku xiran La taliyaha Blue Cross

La xidhiidh wakiilkaaga ama hel mid kuu dhow

Hel wakiil