Gaadiidka BlueRide

Gaadiidka BlueRide

Ma u baahan tahay raacid? waan ku geyn doonaa halkaas.

Jadwalayso Raacida

ama
Wac khadka bilaashka ah 1-866-340-8648 (TTY 711) ama (651) 662-8648

Isniinta ilaa Jimcaha, 8 a.m. ilaa 5 p.m.

 

Hel raacitaan marka aad u baahan tahay iyaga

BlueRideSM oo ka socota Blue Plus waxay ku siineysa raacid lagu kalsoon yahay oo badqab ah si loo daboolo caafimaadka, ilkaha, iyo booqashooyinka farmashiye ee dhakhaatiirta aad ku jirto shabakadooda.

BlueRide waxay bixisaa raacitaanada soo soocda:

  • Ballamaha caafimaadka
  • Ballamaha Ilkaha
  • Ballamaha caafimaadka dhimirka
  • Qaadasha warqada dawada ee dhakhtar qoray
  • Soo qaadashada qalabka caafimaadka ee waara (DME) ama dayactirka
  • Booqashooyinka xarunta jimicsiga (xubnaha SecureBlue oo kaliya)

Sida ay u shaqeeyso BlueRide

Wakiilka BlueRide wuxuu hubin doonaa inaad u qalanto. Haddii aad u qalanto, waxaad heli kartaa mid ka mid ah adeegyada soo socda:

  • Kaarka baska dadweynaha haddii aad ku nooshahay aaga adeega taransiidka dadweynaha
  • Raacida jadwalaysan ee caafimaadka ama adeega kale ee raacida haddii aad ku nooshahay meel ka baxsan adeega taransiidka dadweynaha

Haddii aad leedahay naafanimada ama baahiyaha gaark ah ee kale BlueRide ayaa ku heli doontaa nooc kale oo gaari ah si ay u daboosho baahiyahaaga.

Wac si aad u jadwalayso ballamaha raacida ugu yaraan labo maalmood oo shaqo ka hor imnta taariikhda aad rabto raacida.

Haddii aad u baahan tahay inaad beddelato ama joojiso raacidaada, Wac BlueRide sida ugu dhaqsiyaha badan, oo leh ugu yaraan afar saac ka hor inta aadan jadwalaysaninin wakhtiga qaaditaanka.

Ku guuldareysiga inaad joojiso raacida aan loo baahnayn waxay keeni kartaa waayista kuu meelgaar ah ee adeegyada BlueRide.

Waqtiga qaadista waa ilaa iyo lixan daqiiqo ka hor ballantaada.

Darawalka ayaa kugu sugi doonaa shan daqiiqo goobta laga qaadayo.

Waxaa loo baahan yahay dabeecad xushmad leh xiliga qaadista.

Carruurta kaligooda safaraya

Ilmo yar oo ka yar da'da 18 oo kaligooda safaraya ayaa u baahan doonaa foomka oggolaanshaha ee waalidku uu saxiixay ama masuulka ka hor inta aan loo jadwalayn baabuur raaca.

Iimayl ku soo dir: BlueRideSTS@bluecrossmn.com
Ama fakis ku soo dir: (651) 662-2844

Foomka oggolaanshaha BlueRide

Raacista qudradda

Haddii aad ku nooshahay mid ka mid ah ismaamulada soo socdee ee Minnesora, waxaa laga yabaa inaad u qalanto dukaanka qudrada ama dukaanka cuntada ee madaniga ah.

  • Ismaamulka Benton
  • Ismaamulka Blue Earth
  • Ismaamulka Carlton
  • Ismaamulka Clay
  • Ismaamulka Kandiyohi
  • Ismaamulka Mower
  • Ismaamulka Pine
  • Ismaamulka Rice
  • Ismaamulka Sherburne
  • Ismaamulka Stearns
  • Ismaamulka Winnoa

Isticmaal Mareegta Ilaheena Bulshada haadii aad baaahantahay inaad hesho caawinta helida dukaanka quradda ama qolka cuntada.
Helida dukaanka quradda ama dukaanka cuntada

Hadii ay raacida kugu xumeyd? Wax nooga soo sheeg

Waxaad marwalba noo soo gudbin kartaa cabashada. Wac BlueRide adeegga macmiilkat 866-340-8648 si aad oo sheegto wax ku saabsan dhibka.