Baaraha Hore Caafimaadka ee Blue Plus

Baaraha Cusub ee Caafimaadka ee Blue Plus

Baarahaan caafimaadka waxaa loogu talagalay Blue Advantage cusub SM ee Qoysaska iyo Carruurta iyo xubnaha qorshaha MinnesotaCare.

QAADO Baaraha Caafimaadka

Marka aad gasho, waxaad u baahan doontaa inaad gujiso bogga foomamka.
Haddii aanad koonto lahayn, way fududahay inaad Is-diiwaangeliso

Ujeedada baaraha caafimaadka iyo faa`iidooyinka

Ujeeda baaraha waa inuu ka caawiya Blue Plus inay isla markiiba aqoonsata ama baahiyaha daryeelka caafimaadka ee aad u baahantahay oo ay kaa caawiso inaad ku xiranto daryeelka caafimaadka iyo ilaha bulshada ee laguu heli karo adiga iyadda lagu marinayo faa'iidooyinkaaga.

Blue Plus waxay sidoo kale aqoonsan doontaa wixii ah baahiyaha caafimaadkaaga/bulshada, iyo dhimirka/jirka, ilkaha ee aad u baahan tahay iyadda lagu saleynayo jawaabahaaga iyo helida kalkaaliye ama xubin kooxda daryeelka oo ku xiraya barnaamijyada ka caawin karaa inaad maareyso daryeelkaaga.

Ka jawaabida su'aalaha ma beddeli doonto faa'iidooyinkaaga. Baaraha wuxuu naga caawinaya inaan ku barano adiga iyo qorshah adeegyada inta badan ku caawin karaa adiga.

Macluumaadka aad nala wadaagto waa Macluumaad Caafimaad oo Gaar ah mana la wadaagi doono haddii aysan bixinaynin taageero dheeraad ah iyo ilo.

Markaad ka jawaabto dhawr su'aalood, waxaad awoodaa:

  • Iska diiwaangeli barnaamijka maaraynta daryeelka si uu kaaga caawiyo maaraynta caafimaadkaaga.
  • Ku xidhmo barnaamijyada uurka iyo abaalmarinada si ay kaaga caawiso inaad yeelato uur caafimaad leh.
  • Marin u hel qalabyo bilaash ah si aad isaga joojiso sigaarka ama isticmaalka tubaakada.
  • Noo sheeg luqadda aad ku isticmaasho guriga si aan kuugu soo dirno macluumaadkaaga luqadda aad doorbidayso.
  • Hel gaadiid bilaash ah oo aad ku aado ballamahaaga caafimaad.

 

Ku codoso boostada baaraaha caafimaadka

Haddii aad qabto su'aalo ama wax walaacyo ah, fadlan wac Adeega Xubinta at 1-800-711-9862, TTY 711, Isniin ilaa Jimco, 8 a.m. ilaa 5 p.m. Central Time. Wicitaanka waa bilaash.

Waxaad sidoo kale wici kartaa Adeegyadda Xubin si aad u codsato nuqulka koobiga baaraha.