MinnesotaCare

Arag qorshaha caafimaadka caymiska, taageerada iyo abaalmarinta Blue Plus MinnesotaCare ee qorshaha caafimaadka.

Astaanta MegaphoneNote: All Minnesota Health Care Program members will need to create an online account for their new and improved member website starting January 2024.
Caawinta Gelida

 

MinnesotaCare oo ah Blue Plus waa qorshaha caafimaadka ee loogu talagalay dadka u baahan qorshaha daryeelka caafimaadka ee ay awoodi karaan laakiin aan u qalimin Kaalmada Caafimaadka ee barnaamijka Medicaid ee Minnesota.

ARAGA HADII AAD U QALANTO

Qorshaha caafimaadka MinnesotaCare

Isticmaal warqadda qiimnaha hoos si aad u ogaato waxaa aad u baahan tahay inaad ka ogaato qorshaha caafimaadka ee MinnesotaCare from Blue Plus Haddii aad horey isaga diiwaangelisay Blue Plus oo aad rabto inaad aragto macluumaadkaaga, diiwaangeli ama gal bogga xubin.

 

Sida la isku diiwaangeliyo

Ayaa is diiwaangelin karaa

MinnesotaCare ee Blue Plus waxaa laga helaya dhammaan ismaamulada Minnesota marka laga reebo Ramsey iyo Scott.

Wax badan oo ku saabsan u qalmista

Lacagta bilaha

Kharashka bilaha ee Blue Plus MinnesotaCare (khidmada caymiska) waxay ku xiran tahay dakhligaaga iyo tirada qoyskaaga. Waxaa laga yaabaa inaad u baahato wadaaga lacag bixinta (cadada doolarka) qaar ka mid ah adeegyada ama marka aad qaadato dawooyinka.

MinnesotaCare ayaa ka caawin kartaa inay ka bixiso lacagta:

  • Daryeelka caafimaadka - booqashooyinka dhakhtarka, dawaada, joogista isbitaalka iyo wax badan
  • Daryeelka ilkaha - baaritaannada, nadiifinta iyo buuxinta*
  • Daweynta loogu talagalay arrimaha caafimaadka maskaxda ama iyo isticmaalka xun ee daroogada iyo khamriga
  • Daryeelka ka hortaga ah - tallaalada hergabka, baaritaanada
  • Baaritaanka indhaha iyo ookilaayasha
  • Daryeelka xaalada degdega ah

Wadaaga lacag bixinta iyo caymiyada kale ayaa laga yaaba inay khuseeyaan qaar ka mid ah adeegyada. Si aad u aragto faafaahinta caymiska ee qorshaan, ka arag Buug-gacmeedka Xubinta. Buug-gacmeedka Xubinta waa dukumenti sharxaya qorshahaaga caafimaadka iyo waxaa u daboolo.

Arag 2024 Buug-gacmeedka Xubinta - Ingiriis

Arag 2024 Buug-gacmeedka Xubinta - Isbanash

Shabakada dhakhtarka

Shabakadda waa koox dhakhtiir ah iyo rug caafimaad oo ansixiyey qorshaha caafimaadka. Shabakadda Blue Plus waxay ku leedahay kumaan dhakhtar, takhasuusayaal iyo rugyo caafimaad Minessota.

Raadi dhakhtarada ku jira shabakadda

Doorashada dhakhtarka daryeelka aasaasiga ah

Haddii aad ka diiwaangashan tahay qorshahaan, waxaad ka dooranaysa dhakhtar ama rugta caafimaadka shabakada Blue Advantage/MinnesotaCare si ay noqoto dhakhtarkaaga daryeelka aasaasiga ah. Dhakhtarka aad dooratay ayaa ku baran doonaa oo ku heyn doonaa diiwaanadaada hal meel.

Takhasusayaasha

Takhasusayaasha waa dhakhaatiir kuwaas oo daaweya waxayaabo gaar ah sida xaasasiyadaha ama macaanka. Ma u baahnid soo gudbin si aad u aragto takhasusaha haddii isaga ama iyada ay ku jiraan shabakada dhakhtarka. Waxaa laga yabaa inaad bixiso lacag badan haddii aad isticmaalayso dhakhtar aan ku jirin shabakada.

Qaar ka mid ah daaweynada waa inuu ansixiyaa dhakhtarkaaga daryeelka aasaasiga iyo/ama qorshaha caafimaadka ka hor inta aadan qaadanin daawada. Tani waxaa la dhaha oggolaanshaha hore  Tani waxay caawinaysa hubinta daaweynta in uu daboolay qorshahaaga marka ma yeelanaysid biilsha aan la filanaynin.

Hel dhakhtar ilko

Qorshahaan wuxuu daboolaa adeegyada aasaasiga ah ee ilkaha, oo ay ku jirto baaritaanada, nadiifinada iyo buuxinta.

Wixii daryeelka ilkaha ah, isticmaal tusaha khadka tooska ah ee Delta Dental. Waa inaad doorataa "Minnesota Select Dental Network" si aad u aragto dhakhaatiirta ilkaha ee shabakada ku jira.

Ka raadi tusaha daryeelka ilkaha ee onlaynka ah

Ama khadka bilaashaka ah 1-800-774-9049, TTY 711
Isniin - Jimco, 8 subaxnimo ilaa 5 galabnimo Waqtiga Dhexe

Raadi farmashiye ku jira shabakadda

Shabakadda farmashiye waa liis farmashiyaal ah (dukaamda daawda) halkaas oo aad uga heli karto qiimo yar. Ka dooro farmasiyo badan oo shabakadayada ah.

Waxaa laga yabaa inaad ku bixiso lacag badan daawadaada haddii aadan isticmaalin farmashiye ku jira shabakadeena.

Ka raadi farmashiyaasha shabakadda

Ama wac khadka bilaashka ah 1-844-765-5939, TTY 711
24 saacadood maalintii, todobo maalmood todobaadkii.

Warqadda liiska daawada

Blue Plus waxay leedahay liiska daawoyinka ay daboosho. Waxaa la dhahaa habeeyaha. Waxaa laga yabaa inaad lacag badan ku bixiso daawooyinka aan kujirin habeyaha. Kala xiriir isticmaalka qorshaha wixii maclumaad dheeraad ah lambarka ku qoran qeybta dambe ee kaarka aqoonsiga ee xubinta.

Raadi habeeyaha (liiska daawada) onlayn

Eeg2024 (liiska daawada)habeeyaha

Si fiican u joog inta aad ku joogto badqab: talaaladda iyo booqashooyinka fiican

Dhawaan, ma la dareemin badqab in la aado dhakhtar haddii uu cunugaaga ama adiga dhab ahaantii jiran tihiin ma ahane. Booqoshooyinka wanaagsan ayaa ka caawinaya dhakhtariinta inay dhibaatooyinka hory u ogaadan. Ku qaadashada tallaadda (cirbadaha) waqtigood ayaa laga yaaba inay ka caawiso laga dadaalka xanuunka guud. Kala hadal dhakhtarkaaga ama dhaktarka cunugaaga wax ku saabsan qaabka ugu wanaagsan ee lagu joogteynayo jadwalka leh booqashooyinka wanaagsan iyo tallaada. Adeeg-bixiyahaaga daryeelka aasaasiga ah PCP) ayaa ku qoran kaarkaaga aqoonsiga ee xubinta boggaada online-ka ah

Gal si aad u aragto ama u badesho adeeg-bixiyaha daryeelka aasaasiga

Barnaamijka Dhiiragelinta Abaalmarinada Caafimaadka Qabka

Marka aad doorato inaad ku biirto Abaalmarinada Caafimaadka, adiga iyo qoyskaaga ayaa heli karaa abaalmarinada marka aad buuxiso baaritaanada ka hortagga qaarka iyo hawlaha caafimaad qabka ah.

Baro wax badan oo isdiiwaangeli

Fasiris

Ka hel ballan turjubaan dhakhtarkaaga haddii Ingiriisku aanu ahayn luqaddaada koowaad.

Wac 1-800-711-9862, TTY 711.
Wicitaankan waa bilaash.

Wax badan ka baro adeegyada turjubaanka

Barnaamijyada gaarka ah

  • Mareegta Ilaha Bulshada - marka aad u baahan tahay caawin yar oo dheeraad ah, waxayna noqon kartaa mid adag si loo ogaado halka aad ku socoto. Isticmaalka Mareegta Ilaha Bulshada si loo ogaado lacag la'aanta iyo adeegyada kharashka yar ee kuu dhaw adiga.
  • Baro si aad u Noolaato - Ku noolshaha walaca, hurdo la'aanta isticmaalka maandooriyaha ama walaca bulshada? Baro Barnaamijka Tooska ah ee online-ka kaas oo marwalba laga helayo si uu kaga caawiyo shaqada.
  • Barnaamijka Joojinta Tubaakadda - Wac 1-855-552-2583, TTY 711. Saacadaha: Isniinta - Khamista 8:30 a.m. - 5:30 p.m. Waqtiga Dhexe, Jimcaha 8 a.m. - 6 p.m. Waqtiga Dhexe. Wicitaankaan waa lacag la'aan.
  • Is-qiimaynta Caafimaadka Blue Plus - Buuxi qiimeynta caafimaadka ee onlaynka si aan kuugu xidhno barnaamijyadda kaa caawinaya maareynta daryeelkaaga. Waxaad heli doontaa warbixin shakhsi ah oo qeexaysa saamaynta ay khatar kasta ku leedahay caafimaadkaaga.
  • County Car iyo Booster Seat Program - Blue Plas wuxuu la shaqeeya ismaamulada iyo haya;adaha ee gobolka oo dhan si loo bixyo gaariga iyo kuurasta xoojiyaha iyo macluumaad la xiriira macluumaadka si ay u qalanto xubnaha Blue

    Carruurta ka yar da'da [#0]} sidoo kale uureyda xubnahaha ka ah Blue Plus ayaa u qalma faa'iidadan. Cunug walba wuxuu ku xadidanyahay 1 kurisga gaariga iyo hal 1 kursi xoojiyey noloshiisa oo dhan.  
     
    Xubnaha u qalma ee degan ismaamulada Anoka, Dakota, Hennepin iyo Washington ayaa booqan karaaEveryday Miracles si ay isaga diiwaangeliyaan Blue Plus car iyo kursiga xoojiyaha.
     
    Xubnaha u qalma ee degan ismaamulada kale waa inay la xiririraan xafiiska Dadweynaha caafimaadka wixii caawin dheeraad ah.

  • Taleefanka gacanta oo bilaash ah - Hel telefoon casri ah iyo 3GB data, 350 daqiiqo iyo fariimaha qoraalka oo xadidnayn bil walba iyada oo loo marayo SafeLink. Xubnaha Blue Plus ayaa helaya200 daqiiqdo dheeraad ah marka ay iska diiwaangelyaan barnaamijka iyo 100 daqiiqado gunad inta lagu jiro bishooda dhalashada sanad walba.

Caawinta caafimaadka

  • Khadka kalkaalisda - La hadal kalkaalisada 24 saacadaha maalintii, toddobo maalmnood ayaa ka caawin karta jawaabaha su'aalaha la xiriira-caafimaadkaaga. Wac khadka bilaashka ah 1-888-275-3974, TTY 711.
  • Daryeelka Online-ka -hel dhakhtartiirta online-ka ku jirta kuwaas oo ka jawaabi karaa su'aalaha, bixinta baaritaanka caadiga ah ee walacyada guud ee caafimaadka iyo u qorista dawaada (marka ay ku haboon tahay). Baro wax ku saabsan daryeelka araga
  • Maareynta kiiska - haddii aad qabto cudur daba dheeraaday, xanuun weyn ama dhawac, waxaan kugu caawin doonaa inaad fahamto dookhyada daaweyntaada iyo raacista qorshayaasha caafimaadkaaga. Maareyaha kiiska ayaa kula soo xriiri doonaa haddii aad u qalanto adeeggan.
  • Maareynta cudurka (PDF) - Maareyaasha kiiska ayaa kugula shaqeyn doonaa telefoonka si loo abuuro yoolalka caafimaadka, in lagu baro wax ku saabsan xaaladdaada caafimaadka iyo inay ka caawiyaan maamulida daryeelkaaga.
  • caafimaadka dabeecadda (caafimaadka dhimirka iyo adeegyada isticmaalka xun ee daroogada iyo khamriga) - Wac (651) 662-5545 or toll free 1-800-711-9862  (TTY 711), 8 a.m. to 5 p.m. Wakhtiga dhexe, Isniinta ilaa Jimcaha wixii ku saabsan caafimaadka dhimirka iyo la talinta isticmaalka xun ee daroogada iyo khamriga.

    Faa'iidooyinkaaga waxaa ka mid ah adeegyada dabeecada iyo xaaladaha caafimaadka dhimirka sida:
    • Bukaan socodka iyo adeegyada caafimaadka dabeecadda bukaanka jiifka
    • Isbitaal dhigida qayb ahaan
    • Daaweynta iyo adeegyada dhaqancelinta

Waxaan sidoo kale ka caawin karaa inaad hesho takhasusaha caafimaadka dhimirka ama dabeecadda kaas oo arkaya adiga iyo ehelkaaga Wac lambarka korre ama waxaad ka raadsan kartaa hal aaladaanadaraadi Dhakhtar

Ma u baahnid inuu ku soo gudbiyo adeeg-bixiyahaaga daryeelka aasaasiga ah (PCP) si aad u aragto takhasusaha caafimaadka ee dabeecadda ee ku jira qorshahaaga. Waxaa jirto xooga daawooyin iyo adeegyo ah oo takhasusaha caafimaadkaada dabeecadda ay tahay inuu weydiiyo Blue Plus si loo ansixiyo ka hor inta aadan la qaadanin. Arag Buug-gacmeedka Xubinta si aad u barato wax ku saabsan faa'iidooyinka iyo adeeyada u baahan horey u ansixinta. Baro wax badan oo ku saabsan dabeecadda iyo xaaladaha caafimaadka dhimirka

  • Hagayaasha Caafimaadka -Hel macluumaad ku saabsan faa'iidooyinkaada qorshaha caafimaadka iyo adeegyada daryeelka caafimaadka [#0]} saacadood maalintii, toddobo maalmood toddobaadkii

Wixii su'aalaha ku saabsan qorshahan:

  • Wac (651) 662-5545 ama khadka bilaashka ah 1-800-711-9862  (TTY 711), 8 a.m. to 5 p.m. Isniinta ilaa Jimcaha Wicitaankan waa bilaash.
  • Ka firii qorshaha Buug-Gacmeekda Xubinta ee faafaahin ee ku saabsan qorshahaaga.
  • Ka fiiri diwaankeena ilaha gobolka oo dhan minnesotahelp.info

Ma beddelaysa qorshayaasha caafimaadka?

Waxaan si dhaw ula shaqeynaya qorshahaaga caafimaad ee hore si aad ugu gudubto adeegyada iyo daryeelka. Waxaan aqoonsan doonaa adeeg bixiyaasha kuu dhaw, hubi inaad garaynayso waxaa ay yihiin tallaabooyinka aad qaadayso, waxayna ka caawinaysa adeeg bixiyaashaada inay u shaqeeyaan si wada jir ah si ay si wanaagsan ugu adeegaan baahidaada.

Isdiiwaangeli bogga xubinta

Qaado kaarkaaga aqoonsiga ee xubinta

Marka aad adaayso dhakhtarka, soo qaado aalabahaan:

  • kaarkaaga aqoonsiga ee xubinta ee qorshaha caafimaadka
  • Kaararka aqoonsiga caymiska kale ee aad heysato

Cusbooneysii telefoonkaada & cinwaankaada

Waa muhiim inaad akhriso fariinta aad ka hesho ismaamulka iyo anaga (Blue Plus). Waxaa laga yabaa inaan ku weydiino macluumaad loo baahan yahay si aan kugu diiwaangelino qorshahaaga.

Haddii lamabarkaaga telefoonka ama ciwaankaada badalmaan, la xiriir xafiiska ismaamulka isla markiiba. Waxay ka caawin karaan inaad cusbooneysiiyo macluumaadkaaga.

Xuquuqahaaga & masuuliyaaddaha

Wax badan ka baro kaaga qorshaha caafimaadka Buug-gacmeedka Xubinta. Qeybta 3 waxay ku saabsan tahay xuquuqaha xubintaada. Qeybta 4 waxay daboolaysaa(cayminaysaa) masuuliyadahaaga.

Racfaanada

Waaxaad xaq u leedahy inaad weydiisato racfaan haddii aadan nagu raacin go'aankeena diidmada, yareynta iyo joojinta adeega Racfaanka waa marka aad na weydiineyso inaad mar kale fiirino daryeelka aan diidnay si aan u hubino inaan sameeynay go'aanka saxda ah. Baro wax badan oo ku saabsan xuquuqahaaga racfaaanka