Oggolaanshaha hore dawooyinka dhakhtar qoray

Oggolaanshaha hore waa hanaanka lagu hubinayo daawada qorista iyo isticmaalista daawada ka hor inta aan la daboolin. Caymiska ayaa la ansixin karaa kadib shuuradaha qaar markii la buuxiyo.

Liisaska daawada la caymiyay​​​​​​​ iyo oggolaanshaha hore

Haddii daawadu qeyb ka tahay barnaamijka oggolaanshaha hore iyo haddii kale waxay ku xiran tahay liiska dawooyinka la caymiyay ee qorshayasha caafimaadka kala duwan waxay leeyihiin liiska daaawada kala duwan oo la caymiyey). Liisyadeena badan ee daawada la caymiyay​​​​​​​ waxay la shaqaysa oggolaanshaha hore oo ay ku jiraan dhammaan liisyada daawada GenRx iyo KeyRX. Haddii aad leedahay liiska daawada FlexRx iyo barnaamijyadda kala duwan oggolaanshaha hore ​​​​​​​waxay ku xiran tahay qorshahaaga caafimaadka.

Go'aamada daawada waxay u dhaxeyaan adiga iyo dhakhtarkaaga. Adiga iyo dhakhtarkaaga kaliya ayaa go'aamin kara daawada kugu haboon adiga. Ka hadal wixii su'aalo ah ama walacyo ah ee aad qabto ee ku saabsan daawoyinka aad qaadanayso ama daawada uu ku qoray dhakhtarkaaga.

Ka raadi liiska daawada

Liiska daawada (habeeyaha) waa daawooyinka guud iyo kuwa sumada-magaca leh ee uu daboolay qorshaha caafimaadka. Dhammaan dawooyinka ku jira liiska lagama yaabo inay daboolaan qorshahaaga.

Gal koontadaada wixii ah maluumaadkii ugu dambyey ee qorshahaaga iyo helida tooska ah liiska dawooyinka la caymiyay.

Shakhsiga iyo qoyska iyo liiska qorshayaasha loo-shaqeeyaha

  • Waxaad u baahan doontaa inaad ogaato magaca liiskaaga dawada. Ka tixraaa macluumaadka qorshahaaga caafimaadka ama wac lambarka ku qoran kaarka aqoonsiga ee xubinta wixii caawin ah.

Liiska daawada Medicare

  • Waxaad u baahan doontaa inaad ogaato magaca qorshahaaga Medicare.

Xubnaha Blue Cross

Soo gal si aad daawooyin uga hesho liiskaaga dawooyinka la daboolay iyo farmasiyada shabakadaada.

Gal

Waxaan halkaan u joognaa inaan ku caawinno

La hadal wakiilka Blue Cross

1-800-262-0823 (TTY 711)

Ku xiran La taliyaha Blue Cross

La xidhiidh wakiilkaaga ama hel mid kuu dhow

Hel wakiil

Codso ka reebitaan si dawadaada loo daboolo

Waxaa jiro labo siyaabood ee lagu codsanayo ka reebida:

Buuxi foomka onlaynka ah

Adiga ama dhakhtarkaagu waxad buuxin kartaan foomkan ka reebida ee onliynka ah si aad u codsataan caynsanaanta daawadaada markii hore laguu qoray.

Foomak ka reebida daawada caymiska onlaynka ah

Daabac, buuxi oo fakis ama ku soo dir foom:

Dhakhtarkaaga ayaa buuxin kara foomkan oo fakis ku diri kara ama waxa uu u diri karaa macluumaadka xidhiidhka ee foomka.

Foomka Uniform MN ee Codsiga PA ee Daawada Caafimaadka Ka Reebitaanada Habeeyaha