Badqabka Isboortiska Ciyaalka iyo Dhalinyarada

Ciyaalka ayaa uga halis badan dadka waaweyn dhawacyada isboortiska sababtoo ah weli way koriyaan. Barista ciyaalka wax ku saabsan badqabka ciyaaraha ayaa ka caawin kara ka hortaga dhawaca.

Ilaa30 hal milyan oo carruur iyo dhalinyaro ah oo ka qeyb qaata qaar ka mid ah nooca isboortiska ee la soo qabanqaabiyey, sanad walbana in ka badan3.5 milyan ayaa ku dhawacma.1 marka la raaco dhowr ka mid ah tallooyinka aasaasiga ah ee badqabka ciyaaraha,ciyaalka waxaya ka hortagi karaan in ka badan kala bar dhawacaydan, sida laga soo xigtay Xarumaha Xakameynta Cudurka.

Baro wax ku saabsan daryeelka ka hortagga ee loogu talagalay da'aada ciyaalka

5 Dhawacyada guud ee isboortiska waxaa ka mid ah murgacashooyinka, kala baxida, jabka lafaha, dilaaca seeda, dhawaca maskaxda iyo dhawaca isticmaalista badan.
Xigasho: kidshealth.org, 2017

Carruurta waxay halis badan ugu jiraan dhawacyada isboortiska

Isboortiska ayaa ciyaalka ka dhigi karaa in ka badan jimcisi iyo caafimaad qab. Waxay ka caawini inay helaan kalsooni, sharafta-shaqsiyadeed iyo xirfadaha bulshada. Waxay baraan dhalinyarada ka hor iyo dhalinyarada sida ay uga shaqeynayaan qeyb ahaan kooxda oo ay xooga u saarayaan gaarista yoolka.

Laakiin ciyaarista isboortiska ayaa sidoo kale carruurta gelinaya halista dhawaca aad u darran. Jirkooda weli wuu koraya, marka lafaha,seedaha iyo murqqaha ayaa si fudud u waxyeeloobi karaa marka loo eego dadka waaweyn. Xaqiiqdii, dhawacyada laga yaaba inay u keenaan waxyeelo yar oo kaliya dadka waaweyn waxayna dhawacyo aad u darran u keeni karaan ama naxdinta ilmaha koraya.

Tabashada isboortiska sida ciyaarta xeegada, kubadda cagta iyo liiska gool dhalinta ugu sareysa marka ay timaado ayaa sababta dhawaca. Qeybaha jirka inta badan ku dhawacmaya isboortiska waxaa ka mid ah anqowga, madaxa, faraha, jilbaha iyo wejiga. Inkastoo murgashada iyo muruq boodista ay yihiin kuwa ugu badan, lafaha jaba, seedaha oo dilaca iyo dhawacyada maskaxda ayaa sidoo kale ugu sareya liiska.

Tallooyinka ugu sareya badqabka isboortiska

Ciyaalka, aan awooddin inay ciyaaraan ciyaaraha inta badan ugu jaceylyihiin waa qeybta inta badan ugu xun ee lagu dhacwacmo. Barista dhalinyarada wax ku saabsan badqanka isboortiska ayaa ka caawin karaa ka hortagga iyo yareynta dhawaca inta lagu jiro gudaha iyo banaanka garoonka ciyaarta.

Waa tan sida ciyaalka looga ilaalin karo inay ku dhawacmaan isboortiska.

  • Jadlwayso baarista jirka xili-ciyaareedka ka hor. Ka hor inta uusan bilaabin xili ciyaareedka, ciyaalkaagu ha isbaareen si loo hubiyo inay awooddan inay ka qeybgali karaan waxqabadka. Hubi inaad bixiso taariikhda buuxda ee caafimaadka.
  • Kala hadal tababaraha. Sharrax xaaladd walba oo caafimaad ah uu ilmahaaga qabo taas oo laga yaabo inay u baaahan tahay taxadar gaar ah.
  • Oggolow waqtiga aalamiintada. Waqti u go' ka hor tababar qaadashada iyo ciyaar walba. Ku bilow waxqabad fudud sida orodka.. Kadib dhamman kooxda murqaha waaweyn kala bixi.
  • Ka caawi ciyaartooyda inay biyo badan cabaan Hubo inay heystaan dhalo biyo ka buuxan oo ku dhiirageli inay cabaan biyaha ka hor, inta lagu jiro iyo kadib tabar qadashada iyo ciyaar walba.
  • Qaado qalabka saxda oo hubu inuu kula egyahay. Hubi qalabka inuu ku haboon yahay oo si wanaagsan ula egyahay ilmahaaga. Koofiyada madaxa, qalabka difaaca, af ilaaliyaha, silsiladaha anqawga iyo kabaha caaga ah aaa ka caawin kara ama yareyn kara dhawacyada darran.
  • Qaado waqti fasax ah. Ciyaartooyada waa inay qaataan hal ama labo maalmood oo fasax ah toddobaad walba si uga caawiso inay ka fogaadan dhawaca xad-dhaafka ah.

Garo calamadaha miyir daboolanka

Miyir daboolanka ayaa ku dhici kara dhammaan dhalinyarada isboortiska. Waxay xisaabsanyihiin in ka badan kala bar dhammaan booqasshooyinka qolka xalda degdega ah ee carruurta u dhaxeysa da'da 8 iyo 13.2 Maskxda yar ayaa gaar ahaan halis ku jirta.

Haddii ilmahaagu uu ku dhacwo dhawac madaxa, arag dhakhtarkaaga xitaa haddii aadan u baahan daryeelka xaalada degdega ah. Ha u ogolaanin ilmahaagu inuu ku laabto ciyaarta inta ay calaadamaha miir daboolanku ay taagan yihiin.

Astaamaha miir daboolanka

Astaamaha miir daloonka ayaa laga yaaba inaysan isla markiiba soo bixin. Qaar ka mid ah astaamaha ayaa qaadan karaa dhowr maalmood, toddobaad ama xitaa muddo dheer. Waa kuwaan calaamadaha ay tahay inaad fiiriso:

  • Madax xanuun
  • Jahowareer
  • Xusuus lumis
  • War wareer
  • Dhago gariir
  • Lalabo
  • Matag
  • Daal
  • Dareemista warwareer
  • Xoog saarid liidata
  • Dhib kuqabid nalka ama buuqa
  • Hurdo xumo

Qolka xalda degdega ah, daryeelka degdeg ah ama xafiiska dhakhtarka?

Marka ay dhacaan dhawacyada ciyaaraha, waa muhiim in la helo daryeelka saxda ah. Laakiin goormee ayay tahay in aad aado qolka xalda degdega ah ama rugta daryeelka degdega? Iyo marka ay micno ay sameeynayso in aad sugto oo la hadasho dhakhtarkaaga?

  • Dhawacyada madaxa: aad qolka xalda degdega ah ama rugta daryeelka degdega ah haddii cunugaaga uu miyir beelo, uu wareero, matago ama uu u dhaqmo si aan caadi aheyn.
  • Dhawacyada qoorta: Aad qolka xalda degdega ah haddii ay jirto kabuubyo, gariir, tabar darro ama haddii cunuga uusan awoodin inuu hadlo ama liqo.
  • Jugta xabadka: aad qolka xalda degdega ah haddii uu xabadka xanuunka uu daran yahay ama cunuga uu leeyahay neef yari. Daryeelka degdega ah ayaa khiyaar noqon karaa haddii ay neef yari jirin oo cunuga uu maareyn karo xanuunka.
  • Murqaha, seedaha iyo lafaha: aad qolka xalda degdega ah haddii addimada ay u muuqaadaan inay qaloocaan ama cunugaaga uun san miisaakiisa saari karin. Aaad rugta daryeelka degdega ah ama arag dhakhtaarkaaga wixii barar ah,nabarada iyo xanuunka dhaqdhaqaaqa.

Blue Cross ayaa halkaan u joogta caafimaadkaaga

Blue Cross iyo Blue Plus waxay fududeynayaan jawaabaha su'aalahaaga caafimaadka. Haddii aad tahay xubin, waxaad heli kartaa isticnaalka online-ka ee dhakhtartiirta iyo 24-saac khadka kalkaalisada. Waxa kale oo aad gacantaada ku haysaa ilo caafimaad oo kala duwan..

Haddii aadan heysanin caymiska caafimaadka, Blue Cross iyo Blue Plus ayaa bixiya qiimaha kala duwan ee qorshayaasha caafimaadka si loo buuxiyo miisaaniyadaada iyo baahiyaahaga. Dhammaan qorshayaasha caafimaadka waxaa ku jira daryeelka ka hortagga ama caymiska oo ay la socdan qalabyada iyo ilaha si ay kaga caawiyaan inaad caafimaad qabto iyo ilaalinta caafimaadka qoyskaaga oo dhan. La hadal wakiil si aad wax badan u barato.

1Dawooyinka, Johns Hopkins 2017
2 ururka Tababarayaasha ee National Athletic, 2015