qorshayaasha ilkaha ee shakhsiyaadka iyo qoysaska

Raadi shabakadda ilkaha

Hel dhakhtar ilko

 

Guud marka qorshaha ilkaha

Blue Cross iyo Blue Shield of Minnesota waxay leeyihiin qorshayaal kala duwan oo aad u dooranayso inay buuxiyaan baahiyahaaga caafimaadka, miisanyada qoyska iyo dookhyada shakhsiga. Dhammaan qorshayaasha waxay daboolayaan daryeelka ka hortagga ilkaha oo ay ku jirto baaritaanda iyo nadiifinta 100 boqolkiiba marka aad aragto dhakhtarka ilkaha ee ku jira shabakadda.

Faa'iidooyinka qorshaha ilkaha:

  • Helitaanka dhakhaatiirta ku jirta shabakada ilkaha Minnesota oo dhan.
  • Caymiska ku jira-shabakadda kaas oo ku jira in ka bdan 94,000 dhakhaatiirta ilaha ee ka qeybgalaya iyo 336,000 xafiisyada wadanka oo dhan
  • Qiimo-dhimista: Dhakhaatiirta ilkaha ee siiya qiimo dhimis adeegyada aan lahayn caymiska waxay leeyihiin astaanta "$ave!"oo ku xigta magacooda
  • Waafaqsan kaydyada akoontiyada caafimaadka (HSAs) ama akoontiyada qarash gareynta dambacsan FSAs)

Waafaqsan kaydyada akoontiyada caafimaadka (HSAs) ama akoontiyada qarash gareynta dambacsan FSAs)

  • Fududaysa yeelashada hal gud caafimaad, ilkaha iyo caymiska araga
  • Akoontiga online-ka ah oo leh ikhtiyaarka e-billing
  • Qalabka raadinta khadka ee loogu talogalay shabakadda dhakhtarka ilkaha

Dookhyada qorshaha ilkaha

Ku ilaali ilkahaaha qorshaha caymiska ilkaha Blue Cross. Waxaad dooran kartaa ikhtiyarada kala duwan ee ku haboon baahiyahaaga iyo miisaaniyadaada.

Qorshayaasha qiimaha

Doorashadaada qiimaha kugu hooseya

Daboolida ka hortagga iyo adeegyada baarista aan laheyn mudado sugid. Waxay bixisa qiimo dhimisyada adeegyada aan la dabolin ee ku jira qorshaha marka la istimacmaalayo adeeg-bixiyaha shabakada ku jira.

Qorshaha la doorbiday

La awooddi karo, qorsho dhaqameedka

Wuxuu bixiya caymiska wanaagsan ee loogu talogalay adeegyada guud ee ilkaha marka la isticmaalayo dhakhtarka ilkaha ee ku jira shabakadda. 

Qorshayaasha freedom

Dabacsan lana fahami karo

Caymiska ballaran ee kala duwan iyo faa'iidooyinka. Hagaag haddii aad raadinayso faa'iidooyinka ugu dhammeystiran.

is diiwaangelinta

Waxaad iska diiwaangelin kartaa qorshaha ilkaha waqti walba. Waa degdeg weeyna fududahay. Caymiska guud ahaan wuxu bilaabmaa kowda bisha kadib markii aanu helno codsigaaga iyo lacag bixintaada.

Ma u baahnid inaad heysato caymiska caafimaadka Blue Cross si aad isaga diiwaangeliso mid ka mid ah qorshayaasha Ilkaha Blue Cross. Qorshayaasha ilkaha waxaa lagu iibsan karaa qof walba oo da'da jira 18 ama ka weyn.