Qorshayaasha araga ee shakhsiyaadka iyo qoysaska

Raadi shabakadda

Dooro shaqaalaha kala duwan ee daryeelka indhaha.

Hel bixiyaha daryeelka isha

Dulmarka qorshayaasha aragga

Qorshaha aragga, waxaad ku heli kartaa qiimo dhimis muraayadaha indhaha iyo muraayadaha garaadada leh. Hal qorshe waxa uu sidoo kale daboolayaa baadhista indhaha ee sannadlaha ah si uu kaaga caawiso ilaalinta caafimaadka indhahaaga.

Faa'iidooyinka qorshaha aragga

  • Qiimo dhimista muraayadaha indhaha iyo muraayadaha garaadada leh
  • Gal Davis Vision Network, shabakadda weyn ee qaranka waxaa ka mid ah afar ka mid ah shanta ugu sareysa ee tafaariiqlayda qaranka: Visionworks®, Costco®, Sam's Club® iyo Walmart®.
    • Xulashada bixiyeyaasha - qaar si gaar ah u shaqeeya iyo kuwo kale oo yaal meel tafaariiqda ah
    • Doorashada dhakhaatiirta indhaha ama dhakhaatiirta hagajiso murayada indhaha
  • Helitaanka goobo badan oo tafaariiqeed sida Target Optical, Pearle Vision, America's Best, and Shopko Optical, iyo sidoo kale bixiyaasha online-ka sida 1800Contacts.com, glasses.com iyo befitting.com
  • Qaar ka mid ah kharashaadka jeebka ka baxsan ee la soo celin kuwa ugu hooseeya
  • Waxaad wax badan kaydsan kartaa marka aad ka doorato muraayada indhaha Davis Collection ama aad muraayada indhahaaga ka hesho Visionwork®

Waxaad arki kartaa bixiyayaasha ka qaybqaadanaya marka aad raadiso shabakada aragga.

Dookyada qorshaha aragga

Ma ogtahay in baaritaanka indhaha ee ka hortagga ah uu kaa caawin karo in la ogaado xaaladaha daba-dheeraada sida sonkorowga iyo dhiig karka? waa run

Waxaad dooran kartaa qorshe leh ama aan lahayn caymis baadhista indhaha. Haddii qorshahaaga caafimaad uu daboolo baaritaanka indhaha ee ka hortagga ah ee dadka waaweyn, waxaa laga yaabaa inaad rabto inaad doorato qorshe aragga baaritaan la'aan. Haddii aysan taasi dhicin, waxaad dooran kartaa qorshe aragg leh oo daboolaya baaritaanka .

Dadka qaar waxay rabaan inay u galaan shabakada Davis Vision baarida indhahooda inkasta oo ay horay ugu lahaayeen caynsanaanta baaritaanka indhaha ee qorshahooda caafimaadka . Dooqa adigaa leh.

is diiwaangelinta

Waxaad iska qori kartaa qorshe-aragga wakhti kasta. Waa degdeg weeyna fududahay. Caymiska guud ahaan wuxu bilaabmaa kowda bisha kadib markii aanu helno codsigaaga iyo lacag bixintaada.

Uma baahnid inaad haysato caymiska caafimaadka Blue Cross si aad isugu diiwaan geliso mid ka mid ah qorshooyinka Aragga ee Blue cross vission. Qorshooyinka aragga waxa iibsan kara da' kasta oo gaar ah 18 ama ka weyn