5 qaabab aad ku ilaalinayso indhahaaga

Qoraxda, kombuyuuterka, Tablet-yada iyo teledoonada casriga ah. Dhamamantooda waxay dhib u geysanayaan indhahaaga. Qaado dhowr tallaaboo oo fudud si aad indhahaaga ugu dhigto caafimaad qab iyo ilaalinta aragga.

Hawlo maalmeedka sida akhrinta, daawashada TV-ga ama ku shaqeynta shaashadaha kumbuyuuterka ayaa indhahaaga ka dhigaya inay daal dareemaan. Waxay sidoo kale beddeli karaan aragaaga. Marka, xitaa haddii aad si wanaagsan hadda wax u aragto, waa muhiim inaad ka ilaaliso indhahaaga dhawaca ama dhibaato si looga hortaggo dhibaatooyinka hadhow dambe.

Ka caawi indhahaada inay caafimaad qabaan sanooyin badan oo u imow baaritaanka indhaha ee joogtada ah, muraayadaha indhaha sida dhakhtarka kugu qoray iyo daaweynta astaanta koowaad ee dhibka. Fiiri qorshaha caafimaadka ee loogu talagalay caymiska ama firii ku darista qorshaha araggaa taasoo ay ku jirto baaritaanka indhaha  

Ka Dukamayso Qorshayaasha aragga ee Blue Cross

Qaababka 5 ah ee lagu ilaaliyo caafimaadka indhahaaga

Badakeena waxaan qiimo badan gelinaa araga indhaheena. Laakiin waxaa laga yabaa inaan aqoonsanin sida dookhayada aan sameeyno maalin walba ay u saameyn karaan caafimaadka indhaheena. Okiyaalasha la'aanta qoraxda, ka saarida qudradda cuntaada ama u gambinta baaritaanka indhaha ayaa waxay halis gelin karaan indhahaaga. Waa kuwan shanta siyaabo ee ugu fudud aad ku ilaalin karto indhahaaga kuwaas oo qeyb ka h qaab nolol caafimaad qab ah.

1. Nasii indhahaaga 20 daqiiqo walba

Haddii aad tahay sida dadka badankooda, waxaad waqti wanaagsan ku qadata dawashada email-ka, fiirinta cimilada ama fariin darista aalada mobaylka. Taasi waxay u keeni kartaa indhahaaga dhibaato, il qalal ama cawirka aragga. Isticmaal20-20-20sharciga si aad indhahaaga u siiso waqti nasasho ah:

  • Nasiinyo ka qaado kumbuyuterkaaga ama aalada mobaylkaaga 20 daqiiqaba
  • Fiir wax kaa dheer 20 foot ugu yaraan 20 il biriqsi

2. Xiro okiyaalasha qoraxda

Ka ilaalinta indhahaaga qoraxda ayaa ka caawin kartaa inaad ka hortaggto dibaatooyika sida tireyga iyo inay isha beesho araga maadama aad gabobayso. Masxkadda ku hey muradayaha midabka inaysan waxbo aheyn murayadaha madowguna inay si wanaagsan u difaaci karin. Raadi murayadhaha indaha kuwaas:

  • Xanibiya100 boqolkiiba ilaysyada qoraxyada (UV)
  • Ku wareegsami dhincyada indhahaaga
  • Ha yeeshaan muraayaddo ka jaraya ilayska

3. Cun cuntooyinka indhaha u wanaagsan

Cunto ay ku yar tahay dufinta oo ay ku badan tahay qudradda ayaa ka caawin karta inaad indhahaaga ka dhigto caafimaad qab. Machadka Indhaha ee Mareykanka (The American Academy of Ophthalmology) wuxuu ku talinaya afar cunto oo caafimaad qab u ah indhahaaga.

  • Digirta iyo misirta waxaa ku jira zinc waxayna kaa caawinayaan indhaha inay ka ilaaliyan waxyeelada ilayska.
  • Oranjiga iyo miraha liinta waxaa ku jira Fitimiin C kaa caawinaya xididaha dhiiga inay caafimaad qaban.
  • Bukukeryda iyo koostada waxay bixiyaan Fitamiin A waxayna ka caawinayan ka hortagga qaleelka indhaha.
  • Salmon-ka iyo kalluunka kale waxaa ku jira ashitooyin dufin ah kuwaas oo ka caawinya unugyada isha inay caafimaad qabaan.

4. Isticmaalka muraayadaha badqabka ah ee loogu talagalay ciyaaraha

Ka ilaali indhahaaga dhawaca marka aad deelayso ciyaaraha. Waa tan sida aad u hubin doonto inaad sida ugu wanaagsan u ilaalinayso inshaada.  

  • Dooro murayadaha polycarbonate taas oo u adkeynaysa saameynta
  • Iibso muraayadaha indhaha ee buuxiya Heerarka Mareykanka ee Baarista iyo Qalabyada (ASTM) saameynta heerarka
  • Raadi ekaanshaha sax ah iyo muraayadaha indhaha ee aan simbiriirixan doonin markaad didhidid

5. Si joogto ah u hel baaritaanka indhaha

Helitaanka baadhista indhaha ee joogtada ahi waa mid ka mid ah waxyaalaha ugu fiican ee aad samayn karto si aad u ilaaliso araggaga iyo caafimaadkaaga. Baaritaanka indhaha

  • Waxay u ogolaataa dhakhtarkaagu inuu ka eego xididada dhiigga ee indhahaaga calaamadaha dhaawaca
  • Waxay ka caawin kartaa oggaanshaha sonkorowga, dhiig karka sare iyo wadne xanuunka ka hor inta ay calaamadaha soo bixin
  • Waxay keeni kartaa daaweynta hore ee qaar ka mid ah cudurada isha ka hor inta aysan sababin isbeddelada jootada ah ee aragga ishaada ama aragga beelista

Ku ilaali indhahaaga qorshayaasha Aragga ee Blue Cross

Baaritaanka indhaha ee joogtad ah waa mid ah qaaba ugu fiican ee aad ku ilaalinayso aragaaga. Qorshayaasha caafimaadka Blue Cross iyo Blue Sheild ee Minnesota ayaa caymiyaan baaritaanka indhaha labadii sano ba.

Blue Cross sidoo kale waxay bixisa qorshayaasha kala duwan ee aragga si ay u caymiyaan baahiyahaaga iyo miisaniyadaada. Dhammaan qorshayaasha ayaa bixinaya qiimo dhimista muradayaha indhaha iyo ookiyalayaasha iyo qaar ka mid joogteynta ah baaritaanka indhaha.

Maadama aad tahay xubin Blue Cross katirsan, waxaad si fudud u helaysa daryeelka aragga oo leh mashruuca ballaran ee qaranka kaas oo ay ku jiran tafariiqleyda ugu sareysa, dhakhtarka indhaha iyo dhakhaatiirta araga.

Waxaad iska diiwaangelin kartaa qorshaha aragga Blue Cross Vission waqti walba, xitaa haddii aaan laheyn caymiska caafimaadka ama Medicare. Qorshayaasha Blue Cross Vision waa la goyn karaa waana qaabka ugu fudud aad ku heli kartaan daryeelka aragga ku haboon adiga iyo qoyskaaga