Baadhitaannada indhaha ee sannadlaha ah waxay ogaan karaan cudurka indhaha ee sonkorowga

Yeelashada baaritaanka indhaha sanad walba waxay muhiim u tahay dadka qaba dhibaatooyinka macaanka indhaha.

Macaan aan si wanaagsan loo maareynin waxay keeni kartaa dhibaatooyinka macaanka ee isha ku dhaca iyo dhibaatooyinka kale ee la xiriira-insha. Baaritaanka sanadlaha ah ee indhaha ayaa ka caawin karaa in la ogaado cudurada macaanka inshaha marka waxaa la daaweyn karaa isla markiiba.

Raadi dhakhtar

Faafaahinta macaanka

Macaanku wuxuu dadka ku sababa inay sokor badad dhiigoodo gasho. Tani waxay dhacdaa marka dadka jirkooda uusan soo saarin insulin (Nooca 1) ama marka uu jirka la dagaalamo insulin-ka (Nooca 2). Insulinku waa dheecaan hormone oo ka caawinaya inuu sokorta hoos u dhacdo (sidoo kale loo yaqaano gulucoos) oo ku jira qulqulka dhiiga. Gulukoos badan wuxuu keena arrimaha caafimaad halista ah, ee saameynaya wadnaha, kilyaha iyo indhaha.

Cudurada macaanka indhaha

Dhibaatooyinka macaaanka waa walaca darran ee dadka qaba macaanka iyo waxaa koowaad ee sabab arag beelida. Haddii qofka aan la xakameynin macaankiisa oo ay si joogto ah u kacsan tahay, xidada yaryar ee dhiig ku shuba indhaha ayaa waxyeeloobi karaa oo dhiwici karaa araga. Tani waxaa surtagal ah inay sababto indho beel.

Walaca kale waa macaanka bararka wareega insha, kaas oo dhici karo marka ay sokorta kacsan tahay ay sababto in dhacaan galo wareega madaw ee isha.

Hel baaritaanka indhaha sanadkii

Dhakhaatiirta waxay kula taliyaan dadka waaweyne macaanka qaba inay iska baaraan baaritaanka indhaha ee ballarinta isha ee sanadka si loo baaro arrimaha micro-vascular taas oo saameysa dadka qaba macaanka. Dhakhtarka indhaha ayaa ka baaraya wareeg dambe ee insha (qeybta dambe ee isha) calaamadahah dhibaatooyinka ku dhaca isha, sidoo kae wareega (bartamaha wareega insha) macaanka bararka wareega isha.

baaritaanka indhaha ee sanadka, dhakhtarka ayaa sameeyn doonaa:

  • Ballari indhahaaga si u fiiriyo wareega insha
  • Arag haddii aad u baahan tahay saxida muradayadaha
  • Ka baar ishaada cadaadiska wixii ah calaamadaha bararka isha
  • Aqoonso walacyada kale aan la xiriirin macaanka, sida qalalista insha ee isku imaatinka iyo qalalista insha

Maaree macaankaaga

Si aad u sii caafimaad qabto, waa muhiim inaad:

  • Inaad iska baarto macaanka si joogta ah
  • Qaado dawooyinka uu ku qoray dhakhtar si ay kaga caawiso inaad maareyso macaankaaga
  • Cun cunto caafimaad qab ah, joogto u jimacsato oo joogtee miisaan caafimaad qab ah
  • Si joogto ah u booqo dhakhtarkaaga
  • Yeelo baaritaanka indhaha ee sanadlaha ah
  • ka dheerow tubaakadda

Barnaamijyada Blue Cross ee loogu talagalay dadka qaba macaanka

Blue Cross waxay bixisaa maareynta kiiskat iyo fariimaha waxbarashada si looga caawiyo maareynta macaanka. Barnaamijkan maaraynta daryeelka waa u bilaash xubnaha xaqa u leh, tabarucyada iyo qarsoodi ah. Si aad wax badan ugu barto, wac lambarka adeegga macmiilka ee ku qoran kaarkaaga aqoonsiga ee xubinta.

Ilo caafimeedyo dheeri ah

Wax badan ka baro cudurka macaanka  
Baarista halista macaanka
Daryeelka kahortagga maadaama aad gaboobayso
Baaritaanada jirka iyo booqashooyinka ka hortagga
5 qaabab aad ku ilaalinayso indhahaaga
5 cudurada ugu badan ee indhaha