Neefsashada fudud: Ka hortagga wareerada neefta

Baro wax sababa neefta, jimicsiyada neefashada ee loogu talagalay neefta, tallooyinka ka hortaga neeftada, iyo waxyaabo badan oo ka yimaada Blue Shield of Minnesota.

Neefta waa cudur sambabka ku dhaca taas ooo neefsashada adayg ka dhigaysa. Waad ka hortaggi kartaa wareerada neefta adiga si taxadr leh u beddelaya deegaanka oona ka foganaya dhibaatooyinka. Dhakhtarkaaga ayaa sidoo kale ku qori karaa dawo ku caawin kartaa.

Raadi dhakhtar

Maxaa sababa neefta?

Neefta waa dhaxal, marka hadii mid ama labadaada waalidiinta ah aya qabeen neefta, waxaa laga yabaa inaad qabto neef sidoo kale. Intaa waxaa dheer hidayaasha, xasaasiyadaha, xanuunka, sigaar cabista, xawayaanka la dhaqdo, hawada qabow, walaaca, ama xitaa jimicsiga ayaa keeni karaa neefta.

Waa maxay astamaaha neefta?

Astaamaha waxaa ka mid ah neef yari, hindhiso, qufac, ama dareemida inuu xabadka xiran yahay.

Sambabada ayaa la siyaabood u filceliya:

  • Isku imaanshaha murqaha ayaa keena in neefsashada kugu adkaato
  • Hawo mareenada ayaa dhuubanaya sababtoo ah jidadka sambabada ayaa barbarsan

Sidee loo foogan karaa waxyaabaha kiciya neefta

Kicista neefta ayaa laga yaaba inay kala duwan tahay qof walba. Barashada sida looga fogaado ayaa ka hortagi kartaa wareerada neefta.

Waa kuwaan qaar ka mid ah waxyaaaha aad sameeyn karto si aad ugu fogaado waxa ugu badan ee kiciya neefta:

  • Joojinta siJooji sigaarka oo iska ilaali in sigaar lagugu dul cabo
  • Xiro Af xir marka ay riinjiyeynayso, sameeynta shaqada dhismada iyo shaqada beerta
  • Qaado tallaalka hargabka
  • Isticmaal shandheeyaasha HEPA ee ku jira vacuum-kaaga, foornada iyo qaboojiyaha
  • Isticmaal ilaalinta sariirta iyo fooradaha barkinta si aad u yareeyso xasaasiyadaha
  • Ka ilaali xawayaanada gurigaaga
  • Maaree heerarka walaca si aad uga fogaado naxdinta
  • Arag khabiir si aad u aqoonsato xasaasiyadaha iyo sida looga fogaato
  • Joogtee dawooyinkaaga uu dhakhtarka kuu qoray

Waa maxay dawooyinka caanka ah ama daweynta loogu talagalay neefta?

Daaweynta iyo daawooyinka waxay ku xiran tahay sida ay neeftaada u darran tahay iyo sida neeftaada joogto u tahay.

  • Haddii aad qabto neef yar ama neef qabad ka yar labo jeer toddobaadkii, dawada uu ku qoray dhakhtarkaaga ayaa laga yabaa inay ku badbaadiso ama naqas qaadashada degdeg ah (bronchodilator) si loo isticmaalo inta loo baahan yahay gargaarka degdeg ah.
  • Haddii aad yeelato in ka badan labo jeer toddobaadkii wareerka neefta, dhakhtarkaaga ayaa laga yaaba inuu ka baaro neefta joogtada ah. Waxaa laga yabaa in si maalinle ah lagu qoro daawada sida joogteynta inhaler-ka ama ka hortagga bararka. Kuwani waxay ka hortaggan astaamaha neefta, laakiin waxay qaadan kartaa dhowr maalmood inay shaqo bilaaban. Waa muhiim sidoo kale in aad joogteyso qaadashada dawadaada xitaa haddii aad fiicaan dareemeyso.  

Kala hadal dhakhtarkaaga hadii aad qaadanayso dawadaada sida lagu faray oo ka fogow dhibaatooyinka laakiin weli leh wareerada neefta.

Jimicsiga neefta ma caawin kartaa neefta?

Gaar ahaan neefta walaca uu keeno ama astaamaha neefta inta lagu jiro xiliga naxdinta, jimcicsiga neefta ayaa ka caawin karaa. Waxay ku siinayaan qalab si aad u degsato inta aad xooga saareyso neeftashadaada. Isku day inaad u neefsato gudaha iyo banaanka adiga oo si tirtiib ah u tirinaya ilaa toban.

Waa maxay baaritaanada neefta ama daweynta ay daboosho Blue Cross?

Baaritaanka ugu caasan waxaa loo isticmaalay baaritaanka neefta waa baarista shaqada sambabka. Baarista xasaasiyadaha ayaa go'aamin karta surtagalnimada waxaa sabab neefta sidoo kale. Wac lamarka adeegga macmiilka ee qoran kaarkaaga aqoonsiga ee xubinta si aad u ogaato haddii baaritaanada la daboolo.

Blue Cross waxay sidoo kale bixisa maamulayaasha kiiska iyo fiirmaha waxbarashada ee loogu talagalay dadka waaweyn iyo carruurta si loo maareyo neefta. Barnaamijkan maaraynta daryeelka waa u bilaash xubnaha xaqa u leh, waa iskaa iyo qarsoodi ah. Si aad wax badan uga barato barnaamijka, wac lambarka adeegga macmiilka ee kaarka aqoonsiga ee xubinta.