Jawaabaha lixda su'aalood ee ugu sarreeya ee ku saabsan tallaalka hargabka

Ma waxaad la yaabahan tahay sababta tallaalka hergabka uu muhiim u yahay? Baro sababta aad u qaadanayso tallaalka hargabka sanad walba.

Tallaal hargabka, ama durista hargabka, waa hubkeena ugu wanaagsan tallaalka. Hargabka waa caabuq faafaa oo sababa calaamado badan. Weli waa fayras dilaa ka ah Minnesota, gaar ahaan dadka halista sare ugu jiraa. hadana qof walba ma qaadato tallaalka. Waa kuwan waxa aad u baahan tahay inaad ogaato.

1. Yaa qaadanaya tallaalka hargabka?

Qof walba waa in uu qaataa tallaalka hargabka? Tallaalka hargabka waxaad u qaadanaysa inaad naftaada oo kaliya aadan ku difaacin, laakiin aad ku difaacdo ehelkaaaga sidoo kale? Qaadashada tallaalka hargabka, waxaad ka hortaggi faafida fayraska hargabka.

Baro wax ku saabsan dhammaan tallaada lagu taliyay

2. Imisa qof ayuu ku dhaca hargabka sanad walba Minnesota?

Kumanaan qof oo ree Minnesota ah ayuu ku dhaca hargab sanad walba. The Waaxda Caafimaadka ee Minnesota waxay soo wargelisay2019-2020 hargab xiliyeedka 4,022 uu sababay isbitaal seexin.

3.Ayaa ugu badan halista hargabka ?

Carruurta, dadka waaweyn, haweenka uurka leh, qof walba oo difaaca jirkiisu uu liito kuwa qaba cudur dabadheeraada ayaa halis ugu jiraa hargabka. Dadka halista sare ugu jira ayaa sidoo kale aad u dareema calaamado daran ama dhibaatooyinka hargabka. Tallaalka hargabku waxa uu caawiyaa ilaalinta dadkan nugul..

4.Maka qaadi kartaa hargabka tallaalka hargabka?

Hargab ma ka qaadi kartid tallaalka hargabka. Waxaad dareemi kartaa qandho yar. Tani waa jawaabta jirkaaga ee tallaalka iyo dhisida difaaca jirkaaga ee fayraska hargabka.

5.Tallaal hargabka qaali miya?

Tallaalka hargabka waxaa lagu caymiyaa qorshaha caafimaadka Blue Cross kharash la'aan. Waxaa loo tixgeliyaa daryeelka ka hortagga Wac lambarka ku qoran qeybta kaarkaaga caymiska haddii aad qabto wax su'aalo ah ama aad rabto inaad xaqiijiso inuu tallaalka hargabka caymisan yahay.

6. Dhakhtarka inaan aado miya si aan u qaadato tallaalka hargabka?

Waxaad tallaalka hargabka ka qaadan kartaa dhakhtarkaaga joogtada ah. ama waxaad ka qaadan kartaa tallaalka hargabka meelaha kale. Farmashiyaasha badankooda, rugaha caafimaadka, rugaha caafimaadka ee tafaariiqda, xafisyada caafimaadka dadweynaha, sidoo kale xafiiska dhakhtarkaaga, ayaa laga bixiya tallaalka hargabka. Mararka qaar tallaalada hargabka ayaa laga bixiya goobta shaqada.

Wax badan oo ku saabsan daryeelka ka hortagga

Baaritaanada jirka ee sanadlaha iyo booqashooyinka ka hortagga
Daryeelka kahortagga maadaama aad gaboobayso
Daryeelka ka hortagga ee loogu talagalay dhallanka cusub iyo ciyaalka yaryar
Daryeelka ka hortagga ee loogu talagalay da'aada ciyaalka 6-12
Ka hotaggista kansarka minka