Isticmaal dhakhtarka onlaynka ah goorta iyo meesha aad u baahan tahay

U tag takhtar si aad u heshid daryeelka caafimaadka ama caafimaadka dhimirka marka ay kugu habboon tahay

Sawirka naag ku xanuunsanaysa sariirta

Qufacaagu ma tagi doono. Waxaa laga yaabaa in cunahaagu aad ka dareemto dhaawac iyo xanuun. Waad ogtahay inaad u baahan tahay inaad daryeel raadsato. Hase yeeshee, iyada oo leh jadwal aan dhammaanayn oo ah wax la qabanayo iyo mudnaanta, way adkaan karta inaad ku riixdo ballan dhakhtarkaaga daryeelka aasaasiga ah ama aad booqato daryeel degdeg ah.

Blue Cross iyo Blue Shield ee Minnesota waxay ku siinaysaa Dhakhtarka Loo Baahan Yahay®, daryeel kugu habboon oo aad awoodi karto si uu kaaga caawiyo inaad bogsato. Marka xigta ee aad u baahan tahay inaad aragto dhakhtar, tixgeli inaad booqato dhakhtarka onlaynka.

Booqo Dhakhtarka Loo Baahan Yahay

Sida adeegyada dhakhtarka onlaynka ahi u shaqeeyaan

Dhakhtarka Loo Baahan Yahay waxa uu fursad siinayaa dhakhaatiirta shahaado ka haysta guddiga, dhakhaatiirta dhimirka ama dhakhaatiirta cilmi-nafsiga ee shatiga leh iyada oo loo sii marayo shir muuqaal ah oo lacag yar ah ama kharash la'aan ah qorshayaasha qaar. * Waxaad ku xiriiri kartaa muuqaal ahaan meel kasta - gurigaaga, shaqadaada ama xitaa fasaxa.

Adeegso abka Dhakhtarka Loo Baahan Yahay ama website-ka si aad ula hadasho dhakhtarka marka ay kugu habboon tahay. Waxa kale oo aad ballansan kartaa booqasho muuqaal ah. Booqashooyinka daryeelka caafimaadka aya la heli karaa 24/7 iyo booqashooyinka daryeelka caafimaadka dhimirka aya lagu heli karaa ballan laga bilaabo 7 subaxnimo ilaa 11 galabnimo waqtiga maxaliga ah, todoba maalmood usbuucii.

Marka aad diyaar u tahay inaad la kulanto, si toos ah ula xiriir dhakhtarka adigo isticmaalahayo taleefoon casri ah, tablet-ka ama kumbuyuutar oo leh kamarad hore u soo jeedda. Sithaas ayay u fududahay.

Muxuu daawayn karaa dhakhtarka onlaynka?

Dhakhtarka onlaynka ah waxaad ka heli kartaa qiimeyn, ogaanshaha iyo daaweynta - xitaa wuxuu qori karaa dawooyin wuxuuna kuu dalbi karaa baaritaannada shaybaarka marka loo baahdo - inta lagu jiro booqasho muuqaal ah. Xaaladaha Qaar ee dhakhtarka Loo Baahanyahay uu daweyn karo waxaa ka mid ah:

  • qanda/hargab
  • cune xanuun
  • jeermiska kaadi mareenka
  • dibaatoyinka maqaarka/cuncuka
  • shuban
  • matagid
  • dibaatoyinka indaha
  • dhaawacyada isboortiga
  • xanuunka safarka
  • xasaasiyad

Waxa kale oo aad booqan kartaa takhsuslaha cilmi-nafsiga sharciyeysan ama dhakhtarka maskaxda ee guddiga shahaado ka haysta ballan ahaan si aad caawinaad ugu heshoniyad-jabka, walwalka bulsheed, balwadaha, arrimaha xidhiidhka, dhaawaca iyo khasaaraha, ama walbahaarka goobta shaqada.

Immisa ayuu ku kacayaa Dhakhtarka loo bahanyahay?

Isticmaalka Dhakhtarka loo baahanyahay waxay ku kacaysaa wax aad uga yar markaad aado rugta daryeelka degdega ah ama qolka xaaladaha degdegga ah.

Qiimaha saxda ah wuxuu ku xiran yahay faahfaahinta qorshahaaga iyo xaaladaha qaarkood (Cilmi-nafsiga), qadarka booqashadaada. Gal abka ama website-ka si aad u aragto lacagta kugu kacayso ka hor inta aanad wicitaan samaynin. Qaar ka mid ah ama dhammaan kharashka ayaa lagaa yaabaa in laga caymiyo, taas oo ku xiran caymiska qorshahaaga caafimaad.*

Is diwaangeli si aad u aragto dhakhtarka onlaynka

Dakhtarka Loo Baahanyahay wuxuu diyaar u yahay daryeelka caafimaadka 24 saacadood maalintii, todoba maalmood usbuucii.

Ballamaha caafimaadka dhimirka ayaa la heli karaa laga bilaabo 7 subaxnimo ilaa 11 galabnimo waqtiga maxaliga ah, todoba maalmood usbuucii.

Isdiiwaangeli maanta. Waxay qaadataa dhowr daqiiqo oo kaliya.

Ama soo dejiso abb-ka si aad u hagaajisato akoonkaaga Dhakhtarka Loo Baahanyahay:

 iPhone      Android

Khayraadka dheeriga ah

Rugta caafimaadka ee bukan socodka ama dhakhtarka onlaynka?
Marka aad u baahan tahay takhasusle
Waxa la sameeyo marka shil uu dhaco
Talooyinka ku saabsan doorashada daryeelka
7 siyaabaha lagu badbaadiyo caymiska caafimaadka

*Fiiro gaar ah: Iyada oo ay ku xirantahay qorshahaaga caafimaad, qayb ama dhammaan kharashka ayaa laga yaabaa in la caymiyo. Ka hubi Blue Cross si aad u hesho macluumaad gaar ah oo ku saabsan qorshahaaga. Qiimaha ayaa isbedeli kara

Dakhtarka Loo Baahanyahay® waa shirkad madax-banaan oo bixisa adeegyada caafimaad ee tignoolajiyada.

Dakhtarka Loo Baahanyahay®waxay ku shaqeeysaa ayadoo raacayso sharciga gobolka. Laga bilaabo Ogosto 2017, Dakhtarka Loo Baahanyahay wuxuu ka bixinayaa daryeelka caafimaadka ee habdhaqanka dhammaan gobolada ay adeegyada caafimaadka dhimirka diyaar u yihiin guud ahaan bukaanada Dhakhtarka Loo Baahanyahay, iyo daryeelka caafimaadka dhammaan 50 gobolada iyo Degmada Columbia. Dakhtarka Loo Baahanyahay looguma talo galin inuu ku bedelo sanadle, booqasho shaqsi ahaaned oo lala yeesho dhakhtarka daryeelka aasaasiga ah.** dhakhaatiirta Dakhtarka Loo Baahanyahay ma qoraa walxo la kantaroolo, waxayna dooran karaan inaanay dawayn ama ay qorin dawooyin kale iyadoo lagu salaynayo waxa caafimaad ahaan ku haboon.