Lacag bixinta iyo habaynta sheegashooyinka

Macluumaadkaan ayaa ka caawin karaa inaad fahamto faafaahinta ku saabsan lacagta caymiska lagaa rabo inaad bixiso, habaynta iyo sheegashooyinka si aad u ogaato waxa dhacaya madaama aad isticmaalayso qorshaha caafimaadka.

Fahmista lacagta caymiska lagaa rabo inaad bixiso mudooyinka caymiska (qorshayaasha aad adiga iibsanayso)

Helida lacag soo celinta marka aad lacag badan bixiso

Wixii qorshayaasha shakhsiga iyo qoyska, haddii aad lacag badan bixiso khidmada caymiska, ayaa lacagta ku soo celinaysa koontaada ama waxaan kuu soo dirnaya jeega khimada. Wixii ah caawinta lacag bixinta badan,waxaad gali boggaaaga xubinta si aad u dirto fariin xafidan ama wac adeegga macmiilka ee ku qoran lambarka qeybta dambe ee kaarka aqoonsiga ee xubinta.  

Wixii ah fududayd iyo ku haboonaanta, waxaad ku bixin kartaa lacagta online-ka khidmada caymiska. Baro wax badan oo ku saabsan lacag bixinta online ee khidmada caymiska.

Mudada lagu bixinayo lacagta caymiska

Khidmadaada caymiska waxaa la iska rabaa in la bixiyo ka hor inta aysan bilaabin caymiska ama sii wadista. Waxaad lacagta caymiska ku bixin kartaa muddo. Tani waa marka uu sii soconayo caymiska xitaa haddii khdimada caymiska soo socda mudadiisa aan lagu bixin.

Mudada aad ku bixinayso lacagta caymiska way kala duwan tahay waxayna ku saleysan tahay sida aad u iibsato qorshahaaga. 

Haddii aad ka iibsatay qorshaha caafimaadka MNsure oo aad helayso bixinta lacagta hormarinta ah ee canshuur jarida: 

Waxaad yeelan doontaa muddo aad ku bixiso lacagta caymiska oo adhan sadex bilood oo isku xigta haddii aad horey u bixisay ugu yaraan hal bill oo buuxda khidmada caymiska intii lagu jiray faa'iidada sanadka. Inta lagu jiro mudada lagu bixinayo lacagta caymiska, waxaaan bixin doonaa dhammaan sheegashooyinka daryeelka aad heshay intii lagu jiray bishii koowaad. Sheegashooyinka daryeelka inta lagu jiro bilaha labaad iyo sadexaad waxaa laga yaaba inaan isla markiiba la bixinin (waa la "hakini"doonaa). Sidoo kale waxaad bixin kartaa warqadda daawooyinka u qorey dhakhtarka intii lagu jiray bilaha labaad iyo saxaaad ee mudada bixinta lacagta caymiska.

Haddii aan helin lacagta khidmada caymiska dhammaadka sadexda bilood mudada lacag bixinta, caymiska ayaa la joojinta doontaa maalinta ugu horeysa ee mudada lagu bixinayo lacagta caymiska. Waxaad intaa kadib masuul ka tahay dhammaan daryeelka bilaha labaad iyo sadexaad ee mudada lacagta caymiska. 

Haddii qorshaha caafimaadka aad toos nooga iibsato, ama aad ka iibsato MNsure oo aadan helin lacag bixinta hormaris ka ah ee canshuur jarida:

Waxaan u oggolaanayna 31-maalinta mudada lagu bixinayo lacagta caymiska, halkii aan sadex bilood ka oggolaan laheyd.

Labada kiis midkood, haddii caymiskaaga loo joojiyo inaad lacag bixin, waxaa laga yabaa inaadan awoodin caymiska caafimaadka qoyska iyo shakhsiga cusub mar kale ilaa laga gaaro mudada isdiiwaangelinta sanad xig ilaa kala kulanto inaad u qalanto.

Baro wax badan oo ku saabsan caymiska.

Waxybaaha la ogaanayo ka hor inta aadan helin daryeelka

Kharashaadka aad ayuu uga sareya marka aad daryeelka ka helayso dibadda shabakaada 

Shabakad waa koox dhakhaatiir ah, rugo caafimaad, isbitaalo, iyo adeeg bixiyaasha daryeelka caafimaadka kuwaas oo aad ku karto kharash yar. Haddii aad doorto inaad aragto adeeg bixiyaasha kuwaas oo aan ku jirin qorshaha shabakadaada, waxaa laga yaabaa inaad bixiso lacag badan - ama xita kharashaka daryeelkaas oo dhan, marka waa muhiim inaad ku jirto shabakadaada.

Waa kuwan qaar ka mid ah kharashka aad arkayso ee bixiyaha aan ka qeyb aheyn shabakada inay sareyaan.

  • Waxaad masuul ka tahay lacag walba oo lagu jari karo caymiska iyo wadaag lacag bixinta caymiska, taas oo guud ahan ka badan tan daryeelka shabakada ay ku jiraan.
  • Waxaad bixin doonaa farqiga u dhaxeya lacagta uu soo celin doono adeeg bixiyaha lacagta ay rabaan (tani marmarka qaar waxaa loogu yeera haraadiga biilka"). Farqiga u dhaxeya lacagta aad bixinayso ma ka caawinayso inaad buuxiso xadiga lacagta jeebka laga bixinayo.
  • Qaar ka mid ah qorshayaasha, waxaa ka mid ah qorshayaasha shakhsiga iyo qoyska ee laga helayo Minnesota, ma lahan xadiga lacagta jeebka laga bixinayo ee lagu talagalay daryeelka ka baxsan shabakada. Taasi waxay ka dhigan tahay qorshahaaga inuu bilaabi doonin inaad lacagta bixiso 100 boqolkiiba ee adeegyada lagu daboolay daryeelka ka baxsan shabakadda haddii kharashkaagau uu aad u sareyo. Hadii aad booqato dhakhar ama xarun aan ku jirin shabakaddaada kharashka qaliinka, waxaad ku yeelan kartaa kumaan doolar kuwaas oo uu daboolin caymiskaaga.

Fadlan hubi  inaad xaqiijiso dhakhaatiiraada iyo xarumaha ku jira shabakadaadak ka hor inta aadan booqanin.

Mararka qaar waxaa jiro ka reebanayaal, sida xaaaladdaha degdega ah. Waaa inaad ka xaqiiijisa dukunmentiyadaada qorshaha caafimaadka si aad u hubiso inaad fahamto faafaahinta ku saabsan caymiska ku jira shabakaddaada iyo kan aan ku jirin.

Baro wax badan oo ku saabsan shabakadaha

Caafimaadka daruuriga ah iyo oggolaanshaha hore

Waxaan rabaa inaad xaqiijiso macquulnimada, daryeelka ku haboon oo daruuri ah - daryeel kaas oo loo tixgeliyo "caafimaad lagama marmaan ah." Si loo sameeyo taas, waxaan u baahanay dhakhtarkaaga inuu na siiyo codisiga oggolaanshaha hore

Si loo xaqiijiyo daryeelkaaas inuu yahay caafimaad ahaan darruuri, waxaan dib u eegayna codsiga isticmaalisteena xeerka caafimaadka, taas oo ay ka mid tahay aasaasida tilmaamaha caafimaadka ee Ururka Caafimaadka Adduunka, kaas oo ay si joogto ah inay qiimeeyaan dhakhtaatiirteena iyo kalkaaliyaasheena. 

Daaweynta qaarkood ayaa u baahan karaa oggolaanshaha hore waxaana laga yaabaa in dib looggu eego caafimaadka darruuriga ah. Dhammaan adeegyada ma u baahana tani. Heshiiskaaga qorshaha caafimaadka wuxuu qoraya daawooyinka iyo qaliinada u baahan oggolaanshaha hore. 

Haddii ay surtagal tahay, hel oggolaanshaha hore ka hor inta aadan qaadanin daawada. Inta badan kiisaska, dhakhtarka jadwalayey adeega ama qaliinka ayaa heli doonaa oggolaanshaha hore. Haddi aadan heysanin oggolaanshaha hore ka hor inta aadan helin daaweynta, sheegashada loogu talagalay daaweynta ayaa la diidi karaa haddii dib looga ogaado inuusan aheyn caafimaad darruuri ah. 

Waqtiga xadidan ee go'aamada ku saabsan oggolaanshayaasha:  Guud ahaan, go'aamada ku saabsan caymiska ayaa qaadanaya qiyaas ahaan 10 maalmood oo shaqo ah. Haddii aad rumeysan tahay xaaladdaada caafimaad inay u baahan tahay go'aan degdeg ah, dhakhtarkaaga ayaa codsanaya qiimeyn degdeg ah. 

Baro wax badan oo ku saabsan oggolaanshaha hore iyo xeerka caafimaadka

Daawada ka reeban caymiska

Qorshayaasha caafimaadka waxaa ku jira shaqada caymiska daawada dhakhtar u qoray "habeeyey," liiska daawooyinka la daboolay. Daawooyinka oo dhan ma la daboolin.

Raadi liiska daawada ama hel farmashiye. (Waxaad u baahan tahay inaad ogaato habeeyaha gaaga.)

Mararka qaar, haddii uu dhakhtarkaaga uu dareemo in daawada aysan caymis nayn taas oo u baahan inay buuxiso baahidaada, isaga ama iyada ayaa codsan karaa ka reebid marka daawada ayaa waxaa dabooli karaa qorshahaaga.  

Sida loo codso ka reebanaanta: Si aad u hesho ka reebnaanta, adiga ama dhakhtarkaaga ayaa buuxin karaa online-ka foomka codsiga ka reeban daawada caymiska.

Waqtiga go'aamada ku saabsan ka reebnaanta: Guud ahaan, go'aamda ayaa qaadan karaa go'aamada caymiska qiyaas ahaan10 maalmood oo shaqo. Haddii heerka go'aanka sugida ay aad kuu dhibaateyn karto, waxaad weydinsan karta oo aan kuu siin doonaa go'aanka degdega ah. Si aad u codsato go'aanka degdeg ah, " waxaan u baahanahay go'aanka dedejinta" sanduuqa foomka online-ka ah.

Baro wax badan oo ku saabsan dawooyinka dhakhtar qorey iyo fahmistaada faa'iidooyinka uu daawada dhakhtar u qorey.

Ku saabsan sheegashooyinka iyo sharaxaadda faa'iidooyinka

Soo gudbinta sheegashooyinka

Haddii booqoto dhakhtarka shabakada, isbitaalka ama adeeg-bixiyaha daryeelka caafimaadka kale, ma u baahnid inaad noo soo gudbiso sheegasho. Adeeg bixiyahaaga ayaa soo gudbin doonaa sheegashada.  

Haddii aad booqto dhakhtarka shabakadda ku jirin , isbitaalka ama adeeg bixiyaha daryeelka caafimaadka kale, waxaad u baahan doonaa inaad noo soo gudbiso mid ka foomamkan sheegasho waqtiga lagu cadeyey heshiiskaaga. 

Qorshayaasha kala duwaan ayaa laga yaaba inay isticmaalan foomamka sheegasho kala duwan. Foom walba wuxuu muujinaya macluumaad aad u baahan tahay inaad ku sheego foomka, oo ay la socoto macluumaadka heshiiska ee adiga loogu talagalay inaad ku soo gudbiso foomka qaabka aad u doortay: boostada fakis, ama iimayl.

Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah ee ku saabsan sheegashooyinka, fadlan wac adeegga macmiilka ee ku qoran qeybta dambe ee kaarkaaga aqoonsiga ee xubinta ama gal boggaaaga xubin iyo fariinta xafidan.

Ku saabsan sheegooyinka la diiday kadib markii la bixiyey lacagtooda: waa dhif, laakiin waa surtagal in sheegasho in la diido kadib marka la bixiyo lacagta ("la dhaafay taariikhd dhaqangelida"). Haddii tani ay dhacdo, waxaad masuul ka tahay inaad bixiso lacagta dhakhrarkaaga ee loogu talagalay kharashka daryeelka aad heshay.

Sidee loo diidi karaa sheegashooyinka iyo sida aan isaga ilaalin karo?

  • Waa ay dhici kartaa haddii aadan ku bixinin waqtiga lacagtaada khidmada caymiska marka aad helayso daryeelkaaga, marka xaqiiji inaad waqtiga ku bixiso khidmada caymiska.
  • Waxay dhici kartaa haddii aan sameeyno khalad oo lacag badan la siiyo adeeg bixiyahaaga - haddii aan bixino qeyb kharashka taas oo dhabtii aan masuul ka nahay, waxaad u baahan doontaa inaad qeyb siiso lacagta adeeg bixiyahaaga.

Baro wax badan oo ku saabsan la soocdka sheegashooyinka online-ka iyo soo koobinada sheegashooyinka.

Sharaxaada Faa'iidooyinka

Kaadib markaad isticmaasho faa'iidooyinka qorshaha caafimaadkaada oo aanu ka helno sheegasho lacag bixin adeeg bixiyahaaga, waxaan kuu soo diri doonaa sharraxaadda dheefaha (SHDH). SHDH ma ahan biil, laakiin waxay ka caawinaysa inaad la socoto qaar ka mid ah macluumaadka muhiimka, oo ay ku jirto: 

  • Adeegyada daryeelka caafimaadka eed heshay
  • Imisa lacag ah aad sii adeeg bixiyaahaga qorshaha caafimaadka
  • Imisa lacag ayuu kugu leedahay adeeg bixiyahaaga ee loogu talagalay daryeelka

Baro wax badan oo ku saabsan EOBs iyo sida loo akhriyo .

Faa'iidooyinka isku xir 

Haddii adiga, lamanahaaga ama aad dabooshay ku tiirsanayaashaada lagu daboolay in ka badan hal qorshaha caafimaadka, waxaan la shaqeynaya qorshahaaga kale si aan uga wada shaqeeynbo sida loo bixinayo kharashaadka qorsho walba loo bixiyo?

Ma u baahan tahay caawin>

Baro wax badan oo ku saabsan foomamka, FAQs, qorshayaasha caafimaadka, boggaaga xubin iyo wax ka badan.