Caymiska ma caymiyaa daryeelka chiropractic?

Daryeelka chiropractic waxaa lagu caymiyaa inta badan qorshayaasha caymiska caafimaadka. Qaar ka mid ah qorshayaasha ayaa laga yabaa inay leeyihiin booqashada, xadidka doolarka ama shuruudaha soo gudbinta.

Qorshayaasha caafimaadka ugu badan ee Cross Blue iyo Shield of Minnesota waxay daboolaan daryeelka chiropractic marka ay qeyb ka yihiin qorshaha daaweynta ee shaqeynaya. Qorshaha dawaynta ee shaqeynaya wuxuu ka dhigan yahay inaad qaadayanayso daryeelka lagu dawaynayo dhawac gaar ah ama xanuunka jira, dawayntada chiropractic-gaaga waxay soo hagajiinaysa calaamadaha. Ka hel chiropractic kujiro ama mashruuca qorshaha caafimaadka ee Blue Cross ama Blue Plus adiga oo raadinaya "chiropractor."*

Ka hel chiropractor

Waa maxay daryeelka chiropractor?

Daryeelka chiropractor waa toosinta dabarka, qoorta ama lafdhabarta Waxaa loo isticmaala in lagu yeerayo xanuunka, toosinta arrimaha kala baxyada, lagu daaweya dhawacyada iyo taageerada awooda dabiiciga ah ee si ay isku daaweyso. Inta badan waxaa loo isticmaala lagu daaweyo qoorta iyo dhabar xanuunka. Adeegyada chiropractor waaxa sidoo kale loo isticmaala in lagu daweeyo xanuunka xubnaha, murqo xanuunka joogtada ah iyo murqo xanuunka dabadheeraada.

Intii lagu jiro qiimeynta, chiropractor-rada ayaa sidoo kale laga yabaa inay ka wada haadlaan arrimaha caafimaadka guud sida cuntada isku dheelitiran, nafaqaa,jimicsiga, dhaqamada caafimaad qab iyo isbeddelada qaab nololeedka. Inta badan buukaanada ayaa yeelanaya natiijooyinka wanaagan ee ka yimaadda saxida marka ay ku noolyihiin nolol caafimad qab.

Waxbarashada iyo tababarada loogu talagalay chiropractor-rada.

Qof baranaya daryeelka chiropractor ayaa heli doonaa shahaadada heerka koowaad ee caafimaadka hordhaca ah. Waxay baran doonaa murqaha, seedaha, iyo xubnaha lafdhabarta. Kadib, waxay u gudbi doonaan kulleejo loo aqoonsan yahay oo loo yaqaano chiropractor. Waxay baran doonaan mowduucyadda sida qaab ay shaqeyaan xubnaha bani'aadamka, lafaha iyo nafaqadda inta lagu jiro barnaamijka shanto-sano.

Ugu yaraan4,200 saac oo fasal ah, shaybaarka iyo waayo-aragnimada caafimaadka ayaa loo baahan yahay. Koorsooyiinka waa inay ansixiso Waaxda Waxbarashada ee Mareykanka. Ugu dambeyntii, isaga ama iyada waa inay ku baasaan imtixaanka oo ay helan shatiga chiropractic ee gobolka halkaas oo ay rabaan inay ka shaqeeyaan. chiropractic-yaasha waa dhammeystiri doonaa waxbarasho sanadle ah si ay u cusbooneysiiyaan shatigooda oo ay sii wadaan shaqadooda.

Waa maxaa aan fili karo inta lagu jiro booqadasheyda koowaad ee chiropractic?

chiropractic-yadaada ayaa u baahan doonaa inuu ogaado astaamahaaga iyo taariikhda caafimaadka. Xiggta, isaga ama iyada ku qiimeyn doonaa waxay kala wada hadlaysaan calamaadahaaga. Waxaa laga yabaa inay amraan raajo cusub ama dib uu qiimeyaan natiijooyinka iyo/ama magnetic resonance imaging (MRI) ee aad ka heshay dhakhtarkaaga.

Haddii la go'aamiyo inaad ka faa'iidaysanayo axida, chiropractic-ga ayaa ku siin doonaa mid inta lagu jiro booqashadaada koowaad. Waxaad ku saaxan doontaa miis gaar ah oo loogu talagalay in lagu toosiyo lafdhabarta, qoorta ama kala goysyadaada. Waxaad maqli doontaa dhawaqa "Qooc" inta lagu jiro toosinta. Tani waa sii deynta gaaska xumbo ah oo dhexeya kala goysyadda. Sidoo kale dhawaq la mid ah ayuu sameeynaya marka aad kala "bixiso" jilbaha. 

Dawaynta chiropractic waa shaqo gacanta lagu qabto waxayna u baahan tahay in lagu sameeyo xafiiska kiiroobakatiga. Qaar ka mid ah bukaanada ayaa isla markiiba dareemaya inuu xanuunka daayey. Si kastaba ahaatee, bukaano badan ayaa u baahan dhowr toosin si ay u dareemaan fiicaan.

Maxaan fili karaa kadib toosinta?

Waa caadi inay ku xanuunto, ku bararto, ama aad daasho dhowrka maalmood ee kugu horeya kadib toosinta. Inta lagu jiro xiligan, jirka wuxuu la qabsanaya toosinta cusub. Waa inaad xanuun dareemin marka la toosinayo.

chiropracti-gaaga ayaa sidoo kale ku talinya daaweynt lagu kaabayo toosinadaada,sida:

  • Kululaynta ama qaboojinta aaga waxyeeloobay
  • Daliig
  • Kala bixinta
  • Kicinta korontada
  • Jimicsi samee
  • Miisan ridiista

Qaabab kale ee daaweynta marka laga soo tago toosinada waxaa lagu dabooli karo dhammaan qorshayaasha caafimaadka. Waa muhiim inaad fiiriso caymiska qorshaha caafimaadka ka hor inta aadn bilaabin daaweynada cusub.

Waxaad fiirin kartaa qorshahaaga faa'iidooyinka adiga oo wacaya lamarka adeegga macmiilka ee qoran qeybta dambe ee Kaarka aqoonsiga. Haddii qaab kale ee daaweynta aan la daboolin, waad inaad kala hadashaa xulashooyinka kale chiropractic-gaaga ama dhakhtarkaaga.

Wax badan oo ku saabsan caymiska

Daawa badalkeeda, waaxa ammanka ah iyo waxaa la cayminayo?
Duridda maqaarka ma waxaa caymiyaa caymiska caafimaadka?
Dabeecada iyo caymiska daryeelka caafimaadka ee dhimirka
Fahamka caymiska daawada dhakhtar qoray
Wax badan oo ku saabsan fahanka xirmooyinka caafimaadka

 

Tani waa macluumaad guud oo ku saabsan sida ay u shaqeyso faa'iidooyinka. Dib u eeg Faa'iidooyinka Koobaan iyo Caymiska iyo buuga faa''iidada qorshaha caafimaadka wixii macluumaad ah oo ku saabsan sida u shaqeeynayo qorshahaaga.

Adiga ayay ku xiran tahay marwalba inaad hubiso haddii aadeg bixiyahaaga ku jira shabakadda qorshaha caafimaadka ka hor inta aadan helin adeegyada. Adeeg bixiyaasha oo dhan ma ku jiraan shabakad walba. Waxaa laga yabaa inaad bixiso lacag badan ama kharashaadka daryeelkaaga caafimaadka oo dhan haddii adeeg bixiyahaaga uu ka baxsan yahay shabakadaadaama uusan qandaras la laheyn Blue Cross (tani waxaa loogu yeera adeeg bixiyaha aan aheyn-ka qeybgalista). Waad xaqiijin kartaa haddii adeeg bixiyahaaga uu ku jiro shabakadda adiga oo wacya lambarka adeegga macmiilka ee qoran qeybta dambe ee kaarka aqoonsiga ee xubinta.

Barnaamijyada Caafimaadka

Diirada saarista caafimaadkaaga ayaa ku fudud markaad haysato qalabka saxda ah iyo taageerada. Eeg sida aan u caawin karno.

Eeg dhammaan barnaamijyada caafimaadka