Durdurida maqaarka waxay soo martay waddo dheer tan iyo markii ugu horeysay ee lagu soo bandhigay Maraykanka. Maanta, waa daaweyn kale oo daryeel caafimaad oo inta badan lagu dhex daray daryeel caafimaadka dhaqameed.
Xirfadlayaasha caafimaadka ayaa laga yaabaa inay qoraan durdurida maqaarka si loo daweeyo calaamadaha kala duwan. Waxay caan ku tahay dadka qaba xanuunka dhabarka, qoorta ama jilibka. Durdurida maqaarka waxay sidoo kale kaa caawin kartaa ka hortagga lallabbada la xiriirta kiimoterabiga iyo qalliinka.
Dhammaan qorshooyinka caafimaadku maahan kuwo daboolaya durdurida maqaarka. Kuwa ay ku kala duwan yihiin sida iyo goorta ay cayminayaan daaweynta.
Waa maxay durduridda maqaarka?
Durdurida maqaarka waa dhaqan caafimaad oo ka yimid Shiinaha. Waxaa jira noocyo kala duwan oo durdrida maqaarka ah. Dhammaantood waxaa ka mid ah isticmaalka cirbadaha maqaarka hoostiisa la geliyo si loo kiciyo dhibcaha jidhka oo loo fududeeyo calaamadaha.
Durdurida maqaarka ayaa isbedelay sanadihii la soo dhaafay. Maanta aad ayey uga duwan tahay qaabkii hore oo waliba aad uga badbaado badantahay. Tusaale ahaan, halkii ay dib u isticmaali lahaayeen cirbadaha qalinka iyo dahabka ah, xirfad-yaqaanadu waxay isticmaalaan irbado la tuuri karo oo badbaado leh. Xirfadlayaasha aya maanta sidoo kale laga yaabaa inay kuleyl iyo dareen koronto oo khafiif ah u adeegsadaan cirbadaha si loo hagaajiyo natiijooyinka.
Waa maxay khataraha durdurida maqaarka?
Khatarta durduridda maqaarka waa mid aad u hooseeya markaad aragto dhakhtarka shahaadada haysta. Laakiin daawaynta waxay keeni kartaa waxyeelo halis ah haddii aan si sax ah loo samayn. Dhibaatooyinka qatarta ah waxa ka mid noqon kara caabuqa, dhiig-baxa, xubnaha daloola iyo dhaawaca habdhiska dhexe ee neerfayaasha.
Waa inaad iska ilaalisaa durdurida maqaarka haddii aad:
- Qabto garaacaha wadnaha. Dareenka korantada ayaa carqaladayn kara shaqadiisa.
- Uur leedahay. Xaaladaha qaarkood, durdurida maqaarka wuxuu bilaabi karaa foosha wuxuuna sababi karaa dhalmo degdeg ah.
- Qabto cillado dhiigbax ama aad qaadato kuwa dhiiga khafiifiya. Kuwani waxay kordhin karaan fursadahaaga dhiig-baxa ama nabarka cirbadaha la isgeliyo.
Durida maqaarka ma kugu habboon yahay?
Durdurida maqaarka waxaa laga yaabaa inaysan ku habboonayn xaaladdaada. Waa kan sida lagu ogaado haddii aad ka faa'iidaysan karto daawaynta:
- Kala hadal dhakhtarkaaga. Durdurida maqaarka waa in loo isticmaalo oo kaliya in lagu kabo daryeelka dhakhtarkaaga, ee aan lagu bedelin. Takhtarkaaga ayaa kaa caawin kara inaad go'aansato haddii durdurida maqarka kugu habboon tahay.
- Raadi dhaqtarka saxda ah. Isticmaal daryeelka inta aad doonto inta aad dooran lahayd xirfadlaha daryeelka caafimaadka ee dhaqameed. Akhriso faallooyinka, hubi tusmooyinka caafimaadka, ama weydii dhakhtarkaaga inuu ku gudbiyo.
Waxa aad filanysid xiliga daawaynta
Uma baahnid inaad sameyso wax gaar ah si aad ugu diyaargarowdo kulankaaga. Xiliga daawayntaada ugu horreysa, dhakhtarku wuxuu ku weydiin doonaa su'aalo ku saabsan calaamadahaaga waxaana laga yaabaa inuu baaro qaybaha jirkaaga ee aad xanuunka ka dareento.
Daawadu waxay keentaa xanuun yar. Waa kan sida ay u shaqeyso:
- Waxaad ku seexan doontaa miis daboolan inta lagu jiro kulanka waxaadna xiran doontaa dharkaaga ama shandad ama go'aaga.
- Dhakhtarka ayaa sharixi doona halka cirbadaha la gelin doono xiliga daawaynta.
- Marka aad caadi tahay, dakhtarku wuxuu cirbadaha 5-20 khafiifka ah galinyaa maqaarkaaga hoostiisa. Waxa laga yaabaa in aad dareento jiriricyo ama xanuun.
- Marka aad nasanayso, dakhtarku wuxuu dhaqaajin karaa cirbadaha ama wuxuu isticmaali karaa kuleyliso ama garaacyo koronto oo khafiif ah.
- Kadib 10-20 daqiiqado, dakhtarka ayaa ka saari doona cirbadaha.
Waxaad u baahan karta wax ka badan hal daaweyn si aad u maareyso calaamadahaaga. Waxay qaadan kartaa ugu badnaan lix ilaa siddeed daaweyn. Inta jeer ee aad u baahan tahay daaweyn waxay kuxirantahay xaaladaada iyo calaamadahaaga.
Daawaynta ka dib
Dadka qaar ayaa sheegaya in ay dareemeen nasasho daawaynta ka dib. Qaar kale waxay sheegen inay awood badan leeyihiin. Waxay qaadan karta dhawr maalmood ka hor intaadan dareemin isbeddelka calaamadahaaga. Balse haddii ay kaso rayn waayaan dhawr toddobaad gudahood, waxaad u baahantahay inaad isku daydo daaweyn kale.
Sida ay Blue Cross u dabooshaa durdurida maqaarka
Qaar ka mid ah qorshayaasha caafimaadka ee Blue Cross ayaa caymiyaan durdurida maqaarka marka ay caafimaad ahaan lagama maarmaan tahay oo uu kuu qoro dhakhtarkaagu. Waxaa laga yaabaa in dhakhtarkaagu kuu qoro durdurida maqaarka si loo daweeyo:
- Xanuun dabadheeraad oo socday ugu yaraan lix bilood oo aan ka jawaabin qaabab badan oo daaweyn ah, sida daawoyinka ama daaweyn jireed
- Lalabo u sabab ah qalliin ama kiimoterabi
Blue Cross ayaa halkaan u joogta caafimaadkaaga
Blue Cross iyo Blue Plus waxay fududeynayaan jawaabaha su'aalahaaga caafimaadka. Haddii aad xubin ka tahay, waxaad haysata galitaanka dhakhaatiirta qaab internetka ah iyo ilo caafimaad oo kala duwan. Gal goobta xubintaada si aad u hesho dhakhtar oo aad u aragto 'fayoobaanta' agabkaaga.
Haddii aadan heysanin caymiska caafimaadka, Blue Cross iyo Blue Plus ayaa bixiya qiimaha kala duwan ee qorshayaasha caafimaadka si loo buuxiyo miisaaniyadaada iyo baahiyaahaga. Dhammaan qorshayaasha caafimaadka waxaa ku jira daryeelka ka hortagga ama caymiska oo ay la socdan qalabyada iyo ilaha si ay kaga caawiyaan inaad caafimaad qabto iyo ilaalinta caafimaadka qoyskaaga oo dhan. La hadal wakiilka ama la xiriir La taliyaha Blue Cross si aad wax badan ugu barato.
Wax badan oo ku saabsan daaweynta iyo caymiska qorshaha caafimaadka
Caymiska xaaladaha caafimaadka dhimirka
Calaamadaha niyad-jabka, daaweynta iyo faa'iidooyinka qorshaha caafimaadka
Calaamadaha walaaca, daaweynta iyo faa'iidooyinka qorshaha caafimaadka
Maxaa la iigu dallacay booqashadayda daryeelka ka hortagga?
Sida loo fahmo faa'iidooyinka daawada dhakhtar qoray
Caymiska ma caymiyaa daryeelka chiropractic?
Daawa badalkeeda, waaxa ammanka ah iyo waxaa la cayminayo?