Waa maxay khidmada caymiska caafimaadka?

khidmada caymiska waa lacag bixintaada bishii ee caymiska caafimaadka.

Wax badan ka baro khidmadaha caymiska caafimaadka iyo sida loo bixiyo hoos. Si aad u fahamto sida khidmada caymiska ugu habboon tahay kharashyada kale ee daryeelka caafimaadka, akhri wax ku saabsan bixinta daryeelka caafimaadka.

Bixinta kharashka daryeelka caafimaadka

Sidee ayay khidmadadayda caymiska ula xiriirtaa qorshahayga daryeelka caafimaadka?

Qadarka khidmada caymiska ayaa la xidhiidha faa'iidooyinka qorshahaaga caafimaadka. Caadi ahaan, marka uu sareeyo lacag bixinta caymiska ee lagaa rabo, waxaa yaraanta khidmada caymiska, iyo lidkeeda. Waa muhiim in si wada jir ah loo tixgeliyo khidmada caymiska iyo lacag bixinta caymiska ee lagaa rabo marka aad dooranayso qorshe. Tusaale ahaan:

Janet way caafimaad qabtaa aad bayna dhif ugu tahay aadida dhakhtarka. Waxay go'aansatay qorshe leh lacag bixinta caymiska ee lagaa rabo uu sareeyo in uu si fiican ugu shaqayn doonta iyada. Khidmada caymiska bishiiba wuu yaraan doonaa, laakiin wali waxay haysataa ilaalin haddii ay u baahan tahay inay hesho daryeel caafimaad oo arin weyn.

David waxa uu leeyahay xaalad caafimaad oo socota taas oo u baahan in uu si joogto ah u arko dhakhtarkiisa. Wuxuu doortay qorshaho lacag bixinta caymiska ee lagaa rabo ay yartahay. Wuu ogyahay inuu bixin doono lacag sare oo bille ah, laakiin qorshihiisa caafimaad wuxuu bilaabi doonaa inuu bixiyo biilasha caafimaadka si ka dhakhso badan haddii uu la kulmi lahaa lacag badan oo laga jari karo.

Sideen u bixiyaa khidmada caymiska caafimaadka?

Waxaad ku bixinaysaa khidmada caymiska iyadoo ku saleysan sida aad u hesho qorshahaaga. Haddii aad caymiska caafimaadka ku leedahay shaqada, loo-shaqeeyahaagu wuxuu si toos ah khidmadahaada caymiska ka qaadan doonaa jeegaaga. Haddii aad leedahay qorshahaaga caafimaadka oo adiga kuu gaar ah, waxaad si toos ah lacag ugu bixin doontaa shirkadda caymiska.

Qorshahaagu waxa uu shaqeeynayaa oo kaliya marka aad bixiso khidmada caymiska, markaa waa muhiim inaad ku bixiso wakhtiga. Haddii aad si toos ah u bixiso, Blue Cross iyo Blue Shield ee Minnesota iyo Blue Plus waxay leeyihiin doorashooyinka lacag-bixinta si ay ugu bixiyaan khadka ama u dejiyaan la bixitaan toos ah.

Tani waa macluumaad guud oo ku saabsan sida ay u shaqeyso faa'iidooyinka. Dib u eeg Faa'iidooyinka Koobaan iyo Caymiska iyo buuga faa''iidada qorshaha caafimaadka wixii macluumaad ah oo ku saabsan sida u shaqeeynayo qorshahaaga.

Adiga ayay ku xiran tahay marwalba inaad hubiso haddii aadeg bixiyahaaga ku jira shabakadda qorshaha caafimaadka ka hor inta aadan helin adeegyada. Adeeg bixiyaasha oo dhan ma ku jiraan shabakad walba. Waxaa laga yabaa inaad bixiso lacag badan ama kharashaadka daryeelkaaga caafimaadka oo dhan haddii adeeg bixiyahaaga uu ka baxsan yahay shabakadaadaama uusan qandaras la laheyn Blue Cross (tani waxaa loogu yeera adeeg bixiyaha aan aheyn-ka qeybgalista). Waad xaqiijin kartaa haddii adeeg bixiyahaaga uu ku jiro shabakadda adiga oo wacya lambarka adeegga macmiilka ee qoran qeybta dambe ee kaarka aqoonsiga ee xubinta.