Blue Plus Minnesota Senior Care Plus (MSC+)

Eeg caymiska, barnaamijyada caafimaadka, qiimo dhimista iyo wax badan oo ku saabsan qorshaha caafimaadka ee Senior Care Plus ee Minnesota.

Blue AdvantageSM Minnesota Senior Care Plus (MSC+) ee Blue Plus waa barnaamij daryeel caafimaad oo loogu talagalay dadka da'da 65 iyo ka weyn ee u qalma Gargaarka Caafimaadka ee (Medicaid). Si aad isku diiwangaliso qorshahan, waa inaad marka hore eegtaa inaad u qalanto.

ARAGA HADII AAD U QALANTO

Macluumaadka qorshaha ee Minnesota Senior Care Plus

Isticmaal liiska hoose si aad u heshid waxaad u baahan tahay inaad ka ogaato Minnesota Senior Care Plus ee Blue Plus. Haddii aad horeba uga diiwaangashanayd qorshahan oo aad rabto inaad aragto macluumaadkaaga, is diwaangeli ama gal goobta xubinta.

 

Sida la isku diiwaangeliyo

Minnesota Senior Care Plus ee Blue Plus waxaa laga helaya dhammaan ismaamulada Minnesota.

Wax badan oo ku saabsan u qalmista

Ma jiro Kharash bil kasta ah

Uma baahnid inaad ka bixiso qorshahan khidmad bil kasta ah (khidmada caymiska).

MSC+ waxay kaa caawinaysaa inaad bixiso:

  • Daryeelka caafimaadka - booqashooyinka dhakhtarka, dawaada, joogista isbitaalka iyo wax badan
  • Daryeelka ilkaha - baaritaannada, nadiifinta iyo buuxinta*
  • Daweynta loogu talagalay arrimaha caafimaadka maskaxda ama iyo isticmaalka xun ee daroogada iyo khamriga
  • Daryeelka ka hortaga ah - tallaalada hergabka, baaritaanada
  • Baaritaanka indhaha iyo ookilaayasha
  • Baaritaanka maqalka
  • Daryeelka xaalada degdega ah

Wadaaga lacag bixinta iyo caymiyada kale ayaa laga yaaba inay khuseeyaan qaar ka mid ah adeegyada. Si aad u aragto faafaahinta caymiska ee qorshaan, ka arag Buug-gacmeedka Xubinta. Buug-gacmeedka Xubinta waa dukumenti sharxaya qorshahaaga caafimaadka iyo waxaa u daboolo.

Shabakada dhakhtarka

Shabakadda waa koox dhakhtiir ah iyo rug caafimaad oo ansixiyey qorshaha caafimaadka. Mashruucayada Qorshaha Minnesota Senior Care Plus waxay ku leedahay kumanaan dhakhaatiir, takhasusleyaal iyo rugaha caafimaadka Minnesota oo dhan.

Doorashada dhakhtarka daryeelka aasaasiga ah

Haddii aad ku jirto qorshahan, waxaad ka dooranaysaa dhakhtarka ama rugta caafimaad qorshaha mashruuca si uu u noqdo dhakhtarkaaga daryeelka aasaasiga ah. Dhakhtarka aad dooratay ayaa ku baran doonaa oo ku heyn doonaa diiwaanadaada hal meel.

Takhasusayaasha

Takhasusayaasha waa dhakhaatiir kuwaas oo daaweya waxayaabo gaar ah sida xaasasiyadaha ama macaanka. Uma baahnid gudbin si aad u aragto takhasuslaha haddii isaga ama iyada ay ku jiraan mashruuca. Waxaa laga yabaa inaad bixiso lacag badan haddii aad isticmaalayso dhakhtar aan ku jirin shabakada.

Qaar ka mid ah daaweynada waa inuu ansixiyaa dhakhtarkaaga daryeelka aasaasiga iyo/ama qorshaha caafimaadka ka hor inta aadan qaadanin daawada. Tani waxay caawinaysa hubinta daaweynta in uu daboolay qorshahaaga marka ma yeelanaysid biilsha aan la filanaynin.

Rugaha Adeegyada Caafimaadka Qabiilada iyo Hindida

Hindida Maraykanku way sii wadan karaan ama bilaabi karaan isticmaalka rugaha caafimaadada qabiilka iyo Hindida (IHS). Uma baahnnin ogolaansho hore ama kuma soo rogi doono wax shuruudha ah si aad rugahaan adeegyada uga hesho. Is-diiwaangeliya yaasha jira 65 sano iyo wixii ka weyn tan waxaa ku jira adeegyada dhaafitaanka Waayeelada (EW) ee laga helo qabiilka. Haddii takhtar ama bixiye kale oo ku jiro qabiilada ama rugaha caafimaadka ee IHS uu kuu gudbiyo bixiye ku jiro mashruucayaga, kagama baahnin inaad aragto bixiyaha daryeelka aasaasiga ah ee qorshahaaga caafimaadka ka hor inta aan lagu gudbin.

Hel dhakhtar ilko

Qorshahaan wuxuu daboolaa adeegyada aasaasiga ah ee ilkaha, oo ay ku jirto baaritaanada, nadiifinada iyo buuxinta.

Wixii daryeelka ilkaha ah, isticmaal tusaha khadka tooska ah ee Delta Dental. Waa inaad doorataa "Minnesota Select Dental Network" si aad u aragto dhakhaatiirta ilkaha ee shabakada ku jira.

Ka raadi tusaha daryeelka ilkaha ee onlaynka ah

Ama wac khadka bilaashka 1-800-774-9049  (TTY 711) Isniinta - Jimcaha 8 a.m. to 5 p.m. Waqtiga Dhexe

Raadi farmashiye ku jira shabakadda

Shabakadda farmashiye waa liis farmashiyaal ah (dukaamda daawda) halkaas oo aad uga heli karto qiimo yar. Ka dooro farmasiyo badan oo shabakadayada ah.

Waxaa laga yabaa inaad ku bixiso lacag badan daawadaada haddii aadan isticmaalin farmashiye ku jira shabakadeena.

Ka raadi farmashiyaasha shabakadda

Ama wac khadka bilaashka 1-844-765-5939, TTY 711, 24 saacadaha maalintii, toddo maalmood toddobaadkii.

Dawooyinka dhakhtar qoray

Qorshahan caafimaad waxa uu leeyahay liiska dawooyinka uu qorshuhu caymiyo. Waxaa la dhahaa habeeyaha. Waxaa laga yaabaa inaad wax badan ka bixiso daawooyinka aan ku jirin liiska daawooyinka.

Raadi habeeyaha (liiska daawada) onlayn

Eeg2024 (liiska daawada)habeeyaha

Si fiican u joog inta aad ku joogto badqab: talaaladda iyo booqashooyinka fiican

Dhawaan, ma la dareemin badqab in la aado dhakhtar haddii uu cunugaaga ama adiga dhab ahaantii jiran tihiin ma ahane. Booqoshooyinka wanaagsan ayaa ka caawinaya dhakhtariinta inay dhibaatooyinka hory u ogaadan. Ku qaadashada tallaadda (cirbadaha) waqtigood ayaa laga yaaba inay ka caawiso laga dadaalka xanuunka guud. Kala hadal dhakhtarkaaga ama dhaktarka cunugaaga wax ku saabsan qaabka ugu wanaagsan ee lagu joogteynayo jadwalka leh booqashooyinka wanaagsan iyo tallaada. Adeeg-bixiyahaaga daryeelka aasaasiga ah PCP) ayaa ku qoran kaarkaaga aqoonsiga ee xubinta boggaada online-ka ah

Gal si aad u aragto ama u badesho adeeg-bixiyaha daryeelka aasaasiga

Adeegga Gaadiidka BlueRide

BlueRideSM waxay ku siineysa raacid lagu kalsoon yahay oo badqab ah si loo daboolo caafimaadka, ilkaha, iyo booqashooyinka farmashiye ee dhakhaatiirta aad ku jirto shabakadooda.

Wax badan ka baro gaadiidka BlueRide

Fasiris

Ka hel ballan turjubaan dhakhtarkaaga haddii Ingiriisku aanu ahayn luqaddaada koowaad.

Wac 1-800-711-9862, TTY 711.
Wicitaankan waa bilaash.

Wax badan ka baro adeegyada turjubaanka

Barnaamijyada gaarka ah

  • Mareegta Ilaha Bulshada - marka aad u baahan tahay caawin yar oo dheeraad ah, waxayna noqon kartaa mid adag si loo ogaado halka aad ku socoto. Isticmaalka Mareegta Ilaha Bulshada si loo ogaado lacag la'aanta iyo adeegyada kharashka yar ee kuu dhaw adiga.
  • Barnaamijka Joojinta Tubaakadda - Wac 1-855-552-2583, TTY 711. Saacadaha: Isniinta - Khamista 8:30 a.m. - 5:30 p.m. Waqtiga Dhexe, Jimcaha 8 a.m. - 6 p.m. Waqtiga Dhexe. Wicitaankaan waa lacag la'aan.
  • Is-qiimaynta Caafimaadka Blue Plus - Buuxi qiimeynta caafimaadka ee onlaynka si aan kuugu xidhno barnaamijyadda kaa caawinaya maareynta daryeelkaaga. Waxaad heli doontaa warbixin shakhsi ah oo qeexaysa saamaynta ay khatar kasta ku leedahay caafimaadkaaga.

Caawinta caafimaadka

  • Daryeelka Online-ka -hel dhakhtartiirta online-ka ku jirta kuwaas oo ka jawaabi karaa su'aalaha, bixinta baaritaanka caadiga ah ee walacyada guud ee caafimaadka iyo u qorista dawaada (marka ay ku haboon tahay). Baro wax ku saabsan daryeelka araga
  • Khadka kalkaalisda - La hadal kalkaalisada 24 saacadaha maalintii, toddobo maalmnood ayaa ka caawin karta jawaabaha su'aalaha la xiriira-caafimaadkaaga. Wac khadka bilaashka ah 1-888-275-3974  (TTY 711)
  • Maareeyaha Kiiska - Haddii aad qabto cudur hada ku hayo, jirro weyn ama dhaawac, waxaanu kaa caawin doonaa inaad fahanto doorashooyinka daawayntaada oo waa daba gali doona qorshaha daawayntaada. Maamulaha kiis ayaa kula soo xiriiri doona haddii aad u qalanto adeegan
  • Disease management - Maamulayaasha kiiska ayaa adiga kugula shaqaynaya telefoonka si loo abuuro yoolalka caafimaadka, inay ku baraan adiga wax ku saabsan xaaladaada iyo inay ka caawiyaan inay maamusho daryeelkaaga.
  • caafimaadka dabeecadda (caafimaadka dhimirka iyo adeegyada isticmaalka xun ee daroogada iyo khamriga) - Wac (651) 662-5545 or toll free 1-800-711-9862  (TTY 711), 8 a.m. to 5 p.m. Wakhtiga dhexe, Isniinta ilaa Jimcaha wixii ku saabsan caafimaadka dhimirka iyo la talinta isticmaalka xun ee daroogada iyo khamriga.

    Faa'iidooyinkaaga waxaa ka mid ah adeegyada dabeecada iyo xaaladaha caafimaadka dhimirka sida:
    • Bukaan socodka iyo adeegyada caafimaadka dabeecadda bukaanka jiifka
    • Isbitaal dhigida qayb ahaan
    • Daaweynta iyo adeegyada dhaqancelinta

Waxaan sidoo kale ka caawin karaa inaad hesho takhasusaha caafimaadka dhimirka ama dabeecadda kaas oo arkaya adiga iyo ehelkaaga Wac lambarka korre ama waxaad ka raadsan kartaa hal aaladaanadaraadi Dhakhtar

Ma u baahnid inuu ku soo gudbiyo adeeg-bixiyahaaga daryeelka aasaasiga ah (PCP) si aad u aragto takhasusaha caafimaadka ee dabeecadda ee ku jira qorshahaaga. Waxaa jirto xooga daawooyin iyo adeegyo ah oo takhasusaha caafimaadkaada dabeecadda ay tahay inuu weydiiyo Blue Plus si loo ansixiyo ka hor inta aadan la qaadanin. Arag Buug-gacmeedka Xubinta si aad u barato wax ku saabsan faa'iidooyinka iyo adeeyada u baahan horey u ansixinta. Baro wax badan oo ku saabsan dabeecadda iyo xaaladaha caafimaadka dhimirka

  • Hagaha caafimaadka - Hel macluumaadka ku saabsan faa'iidooyinka qorshahaaga caafimaad iyo adeegyada daryeelka caafimaadka 24 saacadaha maalintii, todobada maalmood ee usbuuca

Wixii su'aalaha ku saabsan qorshahan:

  • Wac (651) 662-5545 ama khadka bilaashka ah 1-800-711-9862  (TTY 711), 8 a.m. to 5 p.m. Isniinta ilaa Jimcaha Wicitaankan waa bilaash.
  • Ka firii qorshaha Buug-gacmeedka XubintaXubinta ee faafaahin ee ku saabsan qorshahaaga.
  • Akhri "Ku Hagaha Qorshahaaga Caafimaadka" ee ku jira xirmada soo dhaweynta ee boostada laguu soo diray ka dib markaad isdiiwaangelisay
  • Ka fiiri diwaankeena ilaha gobolka oo dhan  minnesotahelp.info 
  • Wac khadka Senior LinkAge ® toll free 1-800-333-2433, TTY 711
  • Wac Khadka Naafanimada LinkAge LineTM toll free 1-866-333-2466, TTY 711

Iska diwaangeli mareega xubinta

Qaado kaarkaaga aqoonsiga ee xubinta

Marka aad adaayso dhakhtarka, soo qaado aalabahaan:

  • Kaarka aqoonsiga xubinta qorshaha caafimaadka ee Blue Plus
  • Kaarkaada Medicare (haddii aad mid leedahay)
  • Kaararka aqoonsiga caymiska kale ee aad heysato

Cusboonaysiiso Taleefankaga iyo ciwaankaaga

Waa muhiim inaad akhrido dhammaan boostada aad ka hesho gobolkaaga iyo annaga (qorshahaaga caafimaadka). Waxaa laga yaabaa inaan ku waydiino macluumaadka loo baahan yahay si aad uga sii diiwaan gashanaato qorshahaaga. Haddii lambarka taleefankaaga ama ciwaankaagu isbeddelay, la xiriir xafiiska gobolkaaga isla markaaba.

Xuquuqahaaga & masuuliyaaddaha

Wax badan ka baro qorshahaaga caafimaad ee Caddaynta caymiskaaaga. Qeybta 3 waxay ku saabsan tahay xuquuqaha xubintaada. Qeybta 4 waxay daboolaysaa(cayminaysaa) masuuliyadahaaga.

Racfaanada

Waaxaad xaq u leedahy inaad weydiisato racfaan haddii aadan nagu raacin go'aankeena diidmada, yareynta iyo joojinta adeega Racfaanka waa marka aad na weydiineyso inaad mar kale fiirino daryeelka aan diidnay si aan u hubino inaan sameeynay go'aanka saxda ah. Baro wax badan oo ku saabsan xuquuqahaaga racfaaanka