Ka hotaggista kansarka minka

Baaritaanada joogtada ah ee Pap smear iyo tallaalka HP ayaa ka caawin karaa ka hortagga kansarka minka. Ka baro wax badan oo ku saabsan kansarka Minka Blue Cross iyo Blue Shield ee Minnesota.

dumarka ku jira xagaaga ee kansarka minka

Waa maxay kansarka minka?

Kansarka minka waa kanska minka, wuxuu ka qeyb ka tahay nidaamka dhalamada ee dhediga. Caadi ahaan wuxuu ka bilowdaa inuu ku dhismo unugyada kansarka ka hor. Soo muuqashada unugyada kansarka ka hor inaysan aheyn darruuri micnaheedu ma ahan inuu kugu dhici doono kansarka minka. Waxaa loo helaya daawo unugyadan ka hor inta aysan isku beddelin kansarka.

Kansarka minka caadi ahaan ma ku muujiyo wax astaamo ah heerarka hore. Heerka dambe, dumarka ayaa laga yabaa inay ogaadan dhiig aan caadi aheyn oo ka yimaada siilka, dhacaan aan caadi aheyn ama xanuun inta lagu jiro galmada. Si kastaba ahaate, daryeelka ka hortagga joogtada, dhakhatriirta ayaan qaban kartaa oo isla markiiba daaweyn kartaa.

Waxaad sidoo kale samayn kartaa imtixaankan si loo ogaado aqoontaada arrimaha halista ah ee kansarka minka.

Qaadio kadiska pap

Maxaa sababa kansarka minka?

Dhakhaatiirta waxay rumeysan yihiin fayriska ku dhaca bani'aadamka ee papilloma (HPV) inuu yahay arrinta ugu weyn ee keenta kansarka minka, gaar ahaan noocyada halista-sare ee fayraska.

Waxaa jirto xooga arrimo halista ah ee kansarka minka, oo ay ku jirto caabuqa HPV, sigaar cabista iyo taariikhda qoyska ee kansarka miinkaa Kala hadal dhakhtarkaaga haddii aad ka walacsan tahay wax ku saabsan arrimaha halista ah ee kansarka miinka.

Sidee ayaan uga hortagi karaa kansarka miinka? 

Labo baaritaan ayaa kaa caawin kara kahortaga kansarka minka ama aad ogaato goor hore:

  1. Baarista Pap (ama Pap smear) waxay raadinaysa unugyada kansar ka kahor ee miinka kaas oo noqon karaa kansarka minka haddii aan loo daaweynin si ku haboon. 
  2. Baarista HPV waxay raadisa fayraska sababi kara inay unugyada isu beddelaan si aan caadi aheyn.

Tallaal HPV ma ka caawin karaa inuu ka hortago kansarka miinka?

Tallaal HPV wuxuu ilaalinya xooga mid ah noocyada halista sare ee cabuuqa HPV kaas oo sababi karaa kansarka minka. Tallaalkan waxaa lagu taliyey ka hor da'da 13, kaas oo bixiya difaaca ka hor intaadan qaadanin HPV iyo inta uu xoogan yahay difaaca jirkaaga. Inkastoo tallaalka uu si wagaansan u shaqeeynayo marka lagu qaato ka hor da'da 13, hadda waxaa loo ansixiyey dumarka da'da oo dhan 45.

HPV ayaa sidoo kale ku faafi karaa galmada, marka kala hadal dhakhtarkaaga wax ku saabsan hagida galmo badqab ah.

Ma u baahanahay weli baarista minka haddii aad an qabo tallaalka HPV?

Haa, haweenka qaatay tallaalka HPV waa inay weli sameeyaan baaritaanada joogtada ah ee minka. Tallaalka wuu ku difaaci inta badan, laakiin ma ahaan dhammaantooda, wasaqda HPV ee sababta kansarka minka. 

Goormee iyo intee jeer ayaan badanaa aan qaadanayaa baaritaanka Pap smear?

Haddii aad tahay 21 ilaa 29 sano jir

Haweenku waa inay ku bilaaban baarista Pap smear da'da 21 waana inay qaataan mid sadexdii sanaba hal jeer.

Haddii aad tahay 30 ilaa 65 sano jir

Kala hadal dhakhtarkaaga wax ku saabsan doorashada kugu haboon adiga:

  1. Qaado baaritaanka Pap smear. Haddii ay jawaabtaadu tahay caadi, waxaad sugi kartaa ilaa sadex sano, midkaaga xiga.
  2. Baarista HPV oo kaliya. Haddii jawaabtaada baaristaan ay caadi tahay, waxaad sugi kartaa shan sano ilaa baarista kale ee xigta.
  3. HPV iyo baarista Pap. Haddii jawaabahaaga labada baarista ay caadi yihiin, dhakhtarkaaga ayaa soo jeedin karaa inaad ku sameeyso baarista xigta shan sano.

Haddii aad ka weyn tahay 65 sano jir

Dhakhtarkaaga ayaa laga yaaba inuu kuu sheego inaad u baahnayn dib dambe laguu baaro haddii aad adiga:

  • Leedahay natiijooyinka caadiga ah dhowr sano, ama 
  • Laga saaray mininkaaga qeyb kamid ah qalintaanka wadarta ilmo-galeenka.

Iyadoo ku xiran tahay taariikhda qoyskaaga iyo ariimaha halista kale, dhakhtarkaaga ayaa laga yaabaa in uu go'aansado haddii aad u baahan tahay baaris joogto ah kadib wax lagu soo jeediyey. 

Qorshaheyga caymiska ma caymin karaa baarista Pap smear ama tallaal ka HPV?

Caymiska caafimaadka caadi ahaan wuxuu caymiyaa baaritaanada ka hortagga, baarista baaritaanka iyo tallaalada si ay uga caawiso ka hortaga ama in lagu ogaado walacyada surtagalka ah ee caafimaadka. Baarista Pap smear waxay ka qeyb ka tahay booqasho ka hortag ah ee loogu talagalay haweenka. Tallaal ka HPV waxaa caymiyey caymiska caafimaadka. Hubi inaad qorshahaaga loogu talagalay faafaahinta caymiska.