Daryeelka ka hortagga haweenka

Haween ahaan, waxaad laga yabaa inaad qabto su'aalo badan oo ku saabsan caafimaadkaaga. Waan caawin karnaa.

Caymiska caafimaadka caadi ahaan waxaa daboola adeegyada daryeelka ka hortagga iyo noocyada kala fogeynta dhalmada. Baro marka la jadwalaysanayo baaritaanada baarista, sida baaritaanka rajada nasaha,baaritaanka pap, si uga caawiyo in la ogaado walacyada surtagalka ah ee caafimaadka. Waxaad sidoo kale dib u eegi kartaa soo koobida adeegyada daryeelka haweenka ee daboosho Blue Cross iyo Blue Shield ee Minnesota iyo Blue Plus plans.

Maxaa ka dhacaya booqashada daryeelka ka hortagga ee haweenka?

Inta lagu jiro daryeelka ka hortagga ama booqashada haweeneyda wanaagsan, waxaa dhici karto dhakhtarka inuu sameeyo baaritaan (oo ay ku jirto naaska iyo baaritaanada ilmo galeenka), uu fiiriyo dhiig karkaaga, ku taliyo tallaadada ama tallaalka hergabka, oo ku aqoonsado baarista baaritaanka ku saleysan da'daada iyo taariikhda qoyska.

Waa maxay adeegyada daryeelka ka hortagga ee loo daboolay haweenka?

Qorshayaasha Blue Cross iyo Blue Plus ayaa daboola adeegyadan u qalma ka hortagga ee loogu talagalay haweenka ay da'doodu tahay 12-64, ee aan laheyn kharashka wadaaga xubin marka ay helayaan heerka shabakadda*.

  • Kala talinta si xun u isticmaalada waxyaabaha maandooriya iyo kharmiga
  • Ka baarista dhiig yeri haweenka uurka leh
  • Ka baarista bakteeriyada haweenka uurka leh
  • Baarista dhiig karka
  • Baarista cufnaanta lafta si loo baaro lafo-jileeca
  • Baarista/la talinta BRCA (Fiiro gaar ah: U qalmista baarista BRCA waxaa lagu sameeynaya shuruuda xeerka caafimaadka ee Blue Cross: "Baarista hide sidaha Dhaxalka kansarka nasaaka iyo/ama cudurka kanskarka ilmo-galeenka (BRCA1 iyo BRCA2 Hidesidaha)" (VI-16))
  • Kala talinta daawada ka hortagga naaska kansarka
  • La talinta naas nuujinta iyo soo iibinta mid ka mid ah qalabka caanaha looga soo saaro naaska ee macmalka ah ama elektrooniga ah.
  • Baarista kansarka minka
  • Baarista caabuqa Chlamydia
  • Baarista kolestteroolka aan caadiga aheyn
  • Baaristka kansarka mindhiciirka
  • Qaababka dawada kala dheeraynta ilmaha iyo la talinta
  • Baarista walbahaarka
  • Baarista macaanka
  • Kaabista Folic Acid (Fiiro gaar ah: Kaabashayaasha loogu talagalay haweenka da'ada 12 - 64, marka xubin ta ay leedahay warqada dawada ee dhakhtar qoray ama gadashada farmashiye ama miiska farmashiye)
  • Baaritaanka sokorta uurka (GDM) (Fiiro gaar ah: Xiliga uurka, iyada oo aan loo eegaynin xaadirista ama maqnaanshaha arrimaha halista-sare. Baarista hordhaca ah ee sokorta; haddii lage helo, baarista lagu xaqiijinayo dulqaadka sokorta.)
  • Baarista jabtada
  • Kala talinta cuntada caafimaad qabka
  • Baarista Cagarshowga B: haweenka uurka ah
  • Baarist aHIV (Fayrska Dila Difaaca jirka ee Bani'adamka) baarista iyo la talinta (Fiiro gaar: Kooxda ama kulmada shakhasiyaadka, 30-daqiiqo ugu badanaan kulankii, hal mar sanadkii)
  • Xiriirka ka dhexeya iyo kala talinta qalalsaha qoyska
  • Baarista naaska si looga baaro kansarka naaska (da'da 40 iyo ka weyn)
  • Nafaqada, miisanka caafimaadka iyo kala talinta jimicsiga jirka
  • Baarista cayilka iyo kala talinta
  • baarista lafo-jileeca (da'da 65 iyo ka weyn)
  • Baaritaanka Pap test ee loogu talagalay kansarka ilmo-galeenka (ka bilaabto da'da 21)
  • Pap test iyo HPV (human papillomavirus) baarista kansarka ilmo-galeenka(ka bilaabaneysa da'da 30)
  • Baarista ka hortagga cudurada haweenka
  • Rh (Rhesus) baarista isqabadsiin la'aanta: booqashada uurka koowaad
  • Rh (Rhesus) baarista isqabadsiin la'aanta:24 to 28 toddobaadyadda uurka
  • Baarista cudurada galmada la isu gudbiyo
  • la talinta STI (Caabuqa la isugu gudbiyo galmada) (Fiiro gaar ah: Kooxda ama kulumada shkahsiga, 60-daqiiqo ugu badnaan kulankii, hal mar sanadkii)
  • Baarista isfiilada
  • Isticmaalka tubaakaddala talinta iyo wax ka qabashada (Fiiro gaar ah: Qaar ka mid ah OTC (daawada warqadda la 'aanta dhakhtarka la iibsado) iyo warqada dawada ee dhakhtar qoray and ee lagu joojinayo tubaakadda, marka xubin u heysto warqada dawada ee dhakhtar u qoray iyo ka gashada farmashiye iyo dukaanka farmashiye)

Adeegyada daryeelka ka hortagga ee haweenka (PDF)

Faa'iidooyinka wasiisatada ee ka hortagga (PDF)

Xakameynta dhalmada ma leedahay caymiska daboola?

Dawada ka hortagta uurka caadi ahaan waxaa daboola caymis, sida u qoran, marka lagu jiro shabakadda adeeg bixinta. Noocyada soo socda ee dawada ka hortaggta uurka ayaa lagu dabooli karaa faa'iidada dawada ka hortagta uurka (waay isbeddelayaan):

  • Qaababka carqaladeyneya, sida sawirka, isbuunyada, daboolka minka, shahwada iyo cinjirada gudaha
  • Qaababka hormoonka, sida kaniiniyada xakameya dhalmada/dawada ka hortagta ee afka la qaadato, xoojinta maqaarka, cirbadaha ama faraantiga siilka (farmashiye oo kaliya)
  • Aaladaha minka/IUD (caafimaad oo kaliya)
  • Xakameynta joogtada ah ee uurka (caafimaad oo kaliya)
  • Dawada uurka ka hortaga xaaladda degdeg ah (farmashiye oo kaliya)

Qaar ka mid ah baaritaanada waxaa dalbada adeeg bixiyaha inta lagu jiro baarista ka hortagga waxaa laga yabaa inaan daboolin.

faa'iidooyinka dawada ka hortagga uurka ee haweenka (PDF)

Lacag celinta maareynta daawada ilmaha kala fogaysa (PDF)

Maxaan sameeyn karaa si aan u caafimaad qabo?

Baaritaanada sanadlaha ah iiyo baaritaanada ka hortagga waxay muhiim u yihiin caafimaadkaaga iyo ladnaan. Inta waxaa u dheer, dhaqmada caafimaadka maalin-ka maalin ayaa saameyn ku yeelaan karaa inta aad koreyso: maareynta walaca, cunto cunista saxda ah, joogteynta saxda ah, maareynta miiska iyo joojinta sigaarka.  

Fiiri qalabyada iyo ilalaha si ay kaga caawiso caafimaad qabka. 

Haddii aad u baadan tahay in laga caawiyo helida daryeelka aasaasiga ah ama dhakhtarka ob/gyn ee baaritaanada sanadlaha ah, waxaad gali karta oo aad raadin karta adeeg bixiye. 

 

* Macluuumaadkaan ayaa isku beddeli karaa waqti ka waqti sida ku haboon go'aaminta Blue Cross iyo Blue Plus. Caymiska gaarka ah ee adeegyada ka hortagga ayaa laga yabaa inay kala duwaan taas oo lagu sharaxay dukumentigan. Ma aha in dhammaan agabyada ku jira liiska waxay daboolayaan faa'iidooyinka loogu talagalay waxyaabaha ama kooxaha Blue Cross iyo Blue Pls. Maclumaad ugu dambeyey ee ku saabsan faa'iidooyinka ayaa laga yabaa inaad hesho, fiiri faa'iidooyinka qorshaha caafimaadka ama lambarka adeegga macmiilka ee qoran qeybta dmabe ee kaarka aqoonsiga ee xubinta. Caymiska agabyada qaar iyo adeegyada waxay bixinayaan oo kaliya sanado qorshaha iyo xeerka kadib taariikhda qaar. Liiskan waxaa laga yabaa inaysan wakiil ka aheyn dhammaan baaritaanada surtagalka ah ama faa'iidooyunka, oo ay ku jirto adeega ama agabka ku jira liiska uusan caymiska damanad qaadanin. Shuruudaha dheeraad ah ayaa ku dabaqnaan karaa. Baaritaanada la dalbaday xiliga booqashada ka hortag taaas oo aan loo tixgelinin daryeelka ka hortagga ama daaweynta/baaritaanada ee loogu xaaladaha jira ama xanuunada aan loo txigelin daryeelka ka hortagga ayaa laga yaaba lagu jari karo lacagta caymiska. wadaaga lacag bixinta caymiska iyo/ama wwadaaga lacag bixinta caymiska. Adeegyada ka baxsan shabakadda waxaa laga yabaa inuu masuulka ka noqon xubin ama waxaa laga yabaa inaan la daboolin.

Waxaan muujinaa shabakadda ballaran ee adeeg-bixiyaasha daryeelka caafimaadka. Adeeg bixiye walba waa qandarasle madax-banaan mana ahan wakiilkeena.

Prime Therapeutics LLC waa shirkad madax-bannaan oo laga helaayo maaraynta adeegyada waxtarrada farmashiyaha .

Macluumaadkaan ma khuseeyo a xubnaha Medicare iyo Minnesota Health Care Programs.