8tallooyinka loogu talagalay daryeelka ilkaha xiliga uurka

Uurka ayaa kordhin karaa fursadahaaga cudurka ciridka. Booqashooyinka ilkaha waa badqab xiliga uurka ee loogu talagalay haween badan, marka hubi inaad aragto dhakhtarka ilkaha.

Hooyooyin badan oo uur leh ayaa la yaaban haddii ay badqab tahay in la arko dhakhtarka ilkaha marka uurka ay leeyihiin. Jadwalka nadiifinta ilkaha iyo baaritaanada ma ahan oo kaliya badqab, waxaa loogu talagalay inay ka caawiyaan ka hortaga cudurka ciridka. Haddii aan la daawaynin, cudurka ciridka ayaa saameyn karaa caafimaadka cunugaaga. Daryeelka ka hortagga saxda ah ayaa ka caawin karaa yareynta dhibaatooyinka ilkaha kuwaas oo imaan kara inta uurka la leeyahay.

Hubi inaad leedahay qorshaha ilkaha si ay kaga caawiso baaritaanada caymiska.

Qorshayaasha dukumaaysiga ilkaha

Sidee ayuu u sameeynaya uurka afkaaga

Marka aad uur leedahay, heerka dhacdhaanka qanjiraada ayaa kacaya. Tani waxay sababi kartaa inuu ciridkaagu uu soo barbaro oo uu dhiigo. Haddii aan la daaweynin, cuncunkaan ayaa keeni karaa cudurka ciridka, kaas oo la xiriiiranyo waqtiga-ka hore iyo inay dhalato carruuro miisan yar.* Taas waxaa sababta inay muhiim u tahay in ilkahaaga laga dhigo nadiif iyo caafimaad qabka ciridkaaga inta aad uurka leedahay.

Tallooyinka daaweynta ee afka caafimaadka qaba xiliga uurka.

Raac tallaabooyinka si aad afkaaga uga dhigto mid caafimaad qaba inta aasd uurka leedahay:

  • Kala hadal dhakhtarka ilkaha. Kala hadal dhakhtarka ilkaha sida ugu dhaqisyaha badan marka aad ogaato inaad uur leedahay. Dhakhtarkaaga ilkaha ayaa ka caawin doonaa qorshayaasha loogu talagalay daryeelka ilkaha uurkaaga oo dhan.
  • Iska nadiifi ilkahaaga. Ilko nadiifinta waa badqab xiliga uurka waxayna ka caawinayaan in ilkahaaga iyo ciridkaaga ay noqdaan kuwa caafimaad qaba.
  • Cadeyka iyo folos Daryeelka wanaagsan ee maalinlaha ayaa ka hortagaya cudurka ciridka iyo suuska ilkaha. Cadeyso ugu yaraan labo jeer maalintii oo ku cadeyso goomatada foloorid oo ku nadiifi inta u dhaxeysa ilkahaaga floss maalin walba.
  • Baajinta raajooyinka Raajooyinka ilakaha ayaa badqab noqon karaa xiliga uurka, lakiin kala hadal dhakhtarka ilkaha wax ku saabsan baajinta ilaa cunugaaga ka dhasho. Haddii aad u baahato raajato oo qeyb ka ah daaweynta degdeg ah, dhakhtarkaaga ilkaha ayaa qaadi doonaa tallaabooyin dheeraad ah loogu ilaalinayo adiga iyo cunugaaga.
  • Daaweynta ilkaha ayaa dib loo dhigi karaa sadexda bilood ee labaad. Jadwalka daaweynta ayaa u baahan kabaabo, sida buuxinta, ilko gelinta, ama neerfo dilista, sadexda bilood ee labad ayaa badqab u noqon doonta cunugaaga. Daaweyntan waxay sidoo kale laga yabaa inay noqdoaan kuwa raaxo laheyn sadexda bilood ee ugu dambeysa uurka marka ay adag tahay in lagu jiifto dhabarka.
  • Joojinta doorashada qaliinka. Badbaadi ilko cadeynta iyo qalliinada kale ee isqurxinta ilaa kadib uu ka dhasho cunugaaga.
  • Ilaali ilkahaaga lagu soo bilaabo walaca. Haddii aad leedahay walac, ku dhaq afkaaga malqacad baakiin soodha ah oo lagu darayo biyo si aad calooshaada ugu ilaalso aashitada ee wareeraysa ilkahaaga.
  • Macmacaanka casriga ah. Dooro cuntooyinka caafimaad qabka ah sida qudrada, caano fadhiga ama farmaajada. Isku day inaad ka hortago cuntooyinka fudud marwalba. Macmaacaanka joogtad ah ayaa halayn u keeni karaa ilkaha oo ay sababto huurada, ugu ilkaha sidii xumobo cad oo kale.

Qorshayaasha Ilkaha ee Blue Cross

Blue Cross iyo Blue Shield ee Minnesota waxay fudayd ka dhigeen ilaalinta caafimaadka afka. Waxaan bixinaa qorshayaasha kala duwan ee ku haboon baahidaada iyo miisaniyadda.

Dhammmaan qorshayaasha ilkaha ee Blue Cross ayaa cayminaya daryeelka ka hortagga ah, oo ay ku jirto baaritaanada joogtada ah, raajooyinka, nadiifinta. Ayadoo ku xiran caymiska aad doorato, qorshahaaga ayaa laga yaabaa sidoo kale imuu caawiyo bixinta lacagta ilko buuxinta, gelinta, iyo adeegyada kale.

Madaama aad tahay xubin Ilkaha Blue Cross, waxaad si fudud u heli doontaa daryeelka ilaha ee leh mid ka mid ah shabakadaha ugu ballaran ee ilkaha ee wadanka. Sagaal ka mid ah 10 dhakhtaariirta ilkaha ee kujira shabakadda ayaa sidoo kale bixiya qiimo dhimista adeega ee qorshahaaga uu daboolaynin oo uusan daboolaynin cayniska, oo ay ku jirto adeegyada aad hesho kadib marka aad gaarto faa'idada ugu badan.

Qof walba ayaa iska diiwaangelin karaa qorshaha Ilkaha ee Blue Cross, xitaa haddii addan laheyn caymiska caafimaadka ee Blue Cross ama Medicare aadan ku jirin. Qorshaha Ilkaha ee Blue Cross ayaa la awoodi karaa waana qaabka ugu fudud ee aad ku helaysaan daryeelka ilkaha adiga iyo qoyskaaga.

* United Concordia Dental, 2017