Si wada jir ah uga taxadar macaankaaga iyo caafimaadka afka.

Macaanka ayaa keeni karaa cudurka ciridka, iyo caafimaadka liita ee ilkaha ayaa saameyn karaa sokorta dhiiga. Daryeelka macaanka ilkaha ee saxda ah ayaa caawin karaa.

Haddii aad qabto macaan, waxaa inta badan laga yabaa inuu kugu dhaco cudurka ciridka. Cudurka cirida ee halista ah ayaa adayg ka dhigaya inaad xakameyso macaankaaga. Lakiin daryeelka ilkaha ee macaanka saxda ayaa afkaaga ka dhigaya caafimaad qab.

Hubi inaad leedahay qorshaha ilkaha si ay kaga caawiso baaritaanadaada.

Ku dukaameyso qorshayaasha ilkaha ee Blue Cross

Sida looga hortago dhibaatooyinka caafimaadka ilkaha ee uu sababay cudurka

Macaanka iyo caafimaadka afka ay isla socdaan. Marka, waa muhiim inaad afkaaga ka dhigto caafimaad qab oo leh daryeelka ilkaha wanaagsan ee guriga iyo safarada joogtada ah dhakhtarka ilkaha.

Macaanka ayaa sokor badan ku keeni karaa candhuuftaada. Bakteeriyadda xun ayaa quudin karttaa oo ku darsami karta cuntada si ay u sameeyso waxa ku dhagaya ilkahaaga ee la dhaho huurada.

Marka ay huurada dhisanto, waxay keeni karaa cuncun iyo ciridka oo bararaya taas oo keeni kartaa dhiig bax. Kuwani waa astaamaha cudurka ciridka.

Waa tanaa sida looga dhigo ilkahaaha iyo ciridkaaga caafimaad qab:

  • Labo jeer ku cadeyso Flouride maalintii
  • Si maalinle ah u cadey ilkahaaga meelaha u dhaxeysa ilkaha oo ka dhiga ciridkaaga caafimaad qab
  • yarey macmaanka iyo nacnacyada keena suuska.
  • Cab biyo maalintii oo dhan si aad u yareyso ashitada wareerta ilkaha
  • Xakamee macaankaaga si aad u yareyso huurada
  • U sheeg dhakhtarkaaga ilkaha inaad macaan qabto oo hel nadiifintada joogtada ah iyo baaritaanada

Astaamaha dhibaatooyinka caafimaadka ilkaha

Haddii aad ogaato astaamaha dhibaatooyinka ee afkaaga, isla markiiba arag dhakhtarka ilkaha. Waa tan waxaa ay tahay inaad raadiso:

  • Barar, xanuun badan ama dhiig baxa ciridka
  • Xanuunk afkaaga ama dangaaga oo aan tagaynin
  • Iligag jilcaya
  • Xanuun marka aad calalinayso
  • Shiir aan bixin marka aad cadeysato

Daaweynta cudurka ciridka

Dhakhtarka ilkaha ayaa soo jeedin karaa daaweynta kala duwan, taas oo ku xiran heerka cudurka ciridka. Marar badan, cudurka ciridka ayaa lagu daweyn karaa heerarka hore iyada oo aan la qalin. Laakiin haddii xuubka ama lafta ku wareegsan ilga ay caafimaad qabin, qaliin ayaa loo baahanaya.

Daaweynada cudurka ciridka waxaa ka mid ah:

  • Xirfada nadiifinta si looga saaro huurada adag ee saaran ciridka korkiisa ama ka hoostiisa
  • Nadiifinta xoqida qotoda dheer ayaa ka saarta huurada adag oo ka saarta dhibcaha qallafsan si ciridku mar kale ugu dhego ilkaha.
  • Qaliinka lagu dayactirayo ama lagu beddelayo lafta ama xuubka ayaa ka caawin karaa ilkaha inay meesha ku qabsoomaan.

Qorshayaasha Ilkaha ee Blue Cross

Blue Cross iyo Blue Shield ee Minnesota waxay fudayd ka dhigeen ilaalinta caafimaadka afka. Waxaan bixinaa qorshayaasha kala duwan ee ku haboon baahidaada iyo miisaniyadda.

Dhammmaan qorshayaasha ilkaha ee Blue Cross ayaa cayminaya daryeelka ka hortagga ah, oo ay ku jirto baaritaanada joogtada ah, raajooyinka, nadiifinta. Ayadoo ku xiran caymiska aad doorato, qorshahaaga ayaa laga yaabaa sidoo kale imuu caawiyo bixinta lacagta ilko buuxinta, gelinta, iyo adeegyada kale.

Madaama aad tahay xubin Ilkaha Blue Cross, waxaad si fudud u heli doontaa daryeelka ilaha ee leh mid ka mid ah shabakadaha ugu ballaran ee ilkaha ee wadanka. Sagaal ka mid ah 10 dhakhtaariirta ilkaha ee kujira shabakadda ayaa sidoo kale bixiya qiimo dhimista adeega ee qorshahaaga uu daboolaynin oo uusan daboolaynin cayniska, oo ay ku jirto adeegyada aad hesho kadib marka aad gaarto faa'idada ugu badan.

Qof walba ayaa iska diiwaangelin karaa qorshaha Ilkaha ee Blue Cross, xitaa haddii addan laheyn caymiska caafimaadka ee Blue Cross ama Medicare aadan ku jirin. Qorshaha Ilkaha ee Blue Cross ayaa la awoodi karaa waana qaabka ugu fudud ee aad ku helaysaan daryeelka ilkaha adiga iyo qoyskaaga.

Omada

Nooca 1 ama Nooca 2Taageerada xanuunka macaanka

Waxaad heli doontaa taageero iyo qalab kaa caawiya inaad gaadho miisaan caafimaad leh, la socoshada gulukoosta dhiiga oo aad dareento inaad xakamaynayso caafimaadkaaga.

  • Baraha xanuunka macaanka oo shahaado haysta
  • Qalabka isku xiran
  • Casharro is dhexgal ah

Loo heli karo qorshayaasha qaarkood.