Daryeelka ilkaha ee joogtyada ee afkaaga iyo jirkaaga caafimaadka qab ka dhiga

Nadaafada fiican ee ilkaha waxay ka bilaabata guriga waxaana ka mid ah baaritaanada joogtada ah ee dhakhtarka ilkaha.

Daryeelka ilkaha ee saxda ayaa in badan ka dhigi karaa ilkahaaga caafimaad qab. Daraasaddo ayaa muujinaya in cudurka ciridka la xiriiro xaalado halis ah, sida wadne xanuunka, faliig iyo nooca 2 macaanada* Oggaanshaha hore ee dhibaatooyinka ayaa fududeyn karaa, oo ka dhigi karaa mid waxtar badan leh iyo daaweyn kharas yar.

Sahmi qorshayaasha ilkaha

Sida looga dhigo ilkahaaga caafimaad qab

Wixii ah caafimaad qabka ilkaha iyo ciridka, sameey dhaqamada caafimaadka afka.

  •  Ku cadey ilkahaaga labo jeer maalinta fluoride toothpaste
  •  Si maalin ah uu nadiifi inta u dhaxeysa ilkahaaga
  •  Ka fogow nacnaca iyo cabitaanada sokorta leh kuwaas oo laga yaabo inay ilkahaaga ku keenaan suus.
  •  Cab biyo badan si aad u yareeyso ashitada soo wareerayso ilkahaaga
  •  Ka foogow tubaakada oo xadid cabitaanada khamriga
  •  Si joogto ah u arag dhakhtarkaaga ilkaha wixii ah nadiifinta iyo ka hortagga daryeelka ilkaha

Maxaa dhaca wakhtiga booqashada ka hortagga daryeelka ilkaha

Waa muhiim inaad si joogto ah u aragto dhakhtarka ilkaha wixii ah ka hortagga baaritaanada ilkaha ee joogtada ah. Waxay ka caawin karaan aqoonsiga iyo daaweynta suuska, cudurka ciridka iyo dhibaatooyinka kale ee ilkahaagu ay qabaan. Dhakhaatiirta ilkaha ayaa sidoo kale ka caawin karaa inay ogaadan kansarka afka iyo cudurada kale ee afka.

Waa kuwaan waxaa la filayo booqashadadaada xigta ee ilkaha

  •  Fiirinta ilkahaaga iyo ciridyada wixii astaamo ah ee suuska iliga iyo cudurka ciridka
  •  Baarista afkaaga iyo qortaada wixii ah walacyada kale ee caafimaadka, sida kansarka afka
  •  Qaadista rajada ilkaha si loo arago haddii ay jiraan wax dilaac ah ama godadka
  •  Ka aarida huurada iyo wasaqda ilkahaaga iyo ciridkaaga
  •  Nadiifi, tirtir oo nadiifi inta u dhaxeysa ilkahaaga
  •  Waxaa lagu talinaya baaritaanadada kale ama qaliinada, si ku saleysan da'aada iyo taariikhda caafimaadka

Qaababka loo bixiyo lacagta baaritaanada ilkaha

Daryeelka ka hortagga ilkaha ma daboolin caymiska caafimaadka. Waxaa jiro dhowr qaabo oo loogu daboolayo baaritaanada ilkaha ee ka hortagga iyo qaliinada kale ee ilkaha.

  •  Iska bixi lacagaatada ilkaha
  •  Iska diiwaangelinta qorshaha ilkaha ee shirkadda caymiska gaarka ah, ama weydii badroonigaaga haddii ay bixiyaan qorshaha ilkaha ee loogu talagalay shaqaalaha
  •  lacagta ku bixi adiga oo isticmaalaha lacagaha ku jira Koontada Keydka Caafimaadka (KKC) ama koontada kharash bixinta dabacsan (FSA) haddii aad mid leedahay
  •  Haddii aad leedahay cunug (carruur) ay daboosho qorshaha caafimaadka Medicaid, daryeelkooda ilkaha ayaa la dabooli karaa

Wax badan oo ku saabsan ilkaha

Qorshaha ilkaha ee loogu talagalay adiga iyo qoyskaaga
Qorshaha ilkaha ee loogu talagalay kooxda yar ee shaqalaha
Qorshaha ilkaha ee loogu talagalay kooxda weyn ee shaqalaha
Ku dar qorshaha ilkaha
8tallooyinka loogu talagalay daryeelka ilkaha xiliga uurka
Daryeelka ilkaha ee loogu talagalay carruurta
Si wada jir uga taxadir macaanka iyo caafimaadka afka

*Machadka Ilkaha ee Qaranka iyo Cilmi baarista Qaliinada wejiga