Sida looga hortago xanuunka bararka kala goysada

Ma jirto qaab la hubo oo looga hortagayo bararka kala goysyadda. laakiin waxaad qaadi kartaa tallaabooyinka aad ku dhimayso halista adayga iyo xanuunka bararka kala goysyadda inta aad koreyso

Bararka kala goysyadda waxaa sababta ugu badan ee keenta naafanimada Mareykanka.1 Inkastoo aadan awoodin inaad ka hortagto ama daaweynta lafo-xanuunka, waxaad maareyn kartaa qaar ka mid ah arrimaha halista ah iyo ilaalinta bararka kala goysyadaada adigoo samaynayo dhowr dhaqan oo caafimaad qab ah.

Baro wax badan oo ku saabsan daryeelka ka hortagga

Bararka kala goysyadda waa xanuun guud, maadama uu saameyo 50 malayiin Mareykan ah oo qaangaar ah ama 1  5; wuxuuna saameeyaa 300,000 dhallanka carruurta, ama 1 250; waxay ku dhici kartaa da'ada oo dhan, isirada iyo jinsiga; waa lambarka koowaad ee sababa naafanimada Mareykanka; waana la daaweyn karaa,laakiin ma bogsanayso.

Waa maxay bararka kala goysyadda?

Bararka kala goysyadda waa xaaladd taas oo sababta barar, xanuun, adayg iyo dhimista kala duwan ee dhaqdhaqaaqa kala goysayada. Astaamaha bararka kala goysyadda ayaa kala duwanaan karo laga bilaabo dhexdhexaad ilaa darnaan waxaana laga yaaaba inay sii darsato in muddo ah.

Sida loo yareeyo halista bararka kala goysyadda

Qaar ka mid ah waxyaaabaha sababa bararka kala goysyadda waxay ka baxsan yihiin xakameyntaada, sida koriimada gabowga, inaad tahay qof dhediga ama qoys leh taariikhda bararka kala goysyadda. Laakiin waxaad qaadi kartaa tallaabooyinka lagu yareeynayo halistaada bararka kala goysyadda ama dib loogu dhigayo bilowgeeda.

Waatan sida aad uga dhigayso kala goysyadaada kuwa caafimaad qaba inta aad koreyso:

  • Ku dadaal miisan caafimaad qab ah Miisanka dheeraadka ayaa cadaadis geliya kala goysada xubnaha sida miskaha iyo jilbaha. Miisaan walba oo kugu kordha ayaa ku dhawaad ku dara afar miisan ee walaca ah jilbahaaaga wuxuuna cadaadis gelinaya lix jeer miskahaaga.
  • Xakameyn sonkortaada. Sokorta oo kacsan ayaa sii adkeyn karaa xuubka taageera kala goysyadaada waxayna ka dhigayaan kuwa aad ugu nugul walaca.
  • Jimicsiga. Daqiiqdo30 jimicsi oo kaliya shan jeer toddobaadkii ayaa ka caawinaya kala goysyada inay noqdaan kuwa xoojiya murqaha taageera jilbahaaga iyo miskahaaga. Xooga saare jimicisyada saameynta-hoose sida socodka, baskiil wadista iyo dabaasha.
  • Iskala bixinta. iskala bixinta degan ayaa kor u qaadi kartaa dhaqdhaqaaqa kala duwan oo ka dhigaya kala goysyaada inay dhaqdhaqaaqan. Isku day inaad ku shaqeyso is kala bixin fudud maalin walba.
  • ka fogoow dhawaca Dhawaca xubnaha waxaa uu keeni karaa inuu ku keeno bararka kala goysadda marka loo eego qof aan weligii aan dhawacmin. Xiro qalabka difaaca marka aad ciyaareyso isboortiska marwalba kor u qaad jilbahaaga iyo miskahaaga, maya dhabarkaaga. 
  • Jooji sigaar cabista. Sigaar cabista ayaa gelinaysa walaca unugyada difaaca kala goysyaada waxayna keeni kartaa xanuunka bararka kala goysyadda. Ka baro Blue Cross siday kaakga caawin karto inaad joojiso sigaarka.
  • Cun kaluunka labo jeer toddobaadkii. Cun kaluun uu ku adan yahay Omega 3 sida, salomon jeedar, iyo yuubis. Omega-3 waxay leedahay faa'iidooyinka badan oo caafimaad waxayna yareyneysa bararka.
  • Hel jadwalka daryeelka ka hortagga. Dhakhtarkaaga ayaa laga yaaba inuu awoodo inuu soo jeediyo isbeddelada qaab nololeedka ka caawin karaa yareynta halistada ama hoos u dhigista hormarka bararka kala goysyadda.

Noocyada bararka kala goysyada

Waxaa jiro wax kabadan 100 noocyo oo ah bararka kala goysyada. Labada nooc ee ugu caansan waa lafa-jileeca iyo riixda bararka kala goysyadda.

Lafo-jilaaca

Bararka kala goysyadda "xirid iyo dilaaca" (wear and tear) waa nooca ugu caansan. Inta badan wuxuu ku yimaada da'da, laakiin waxaa sidoo kale sababa dhawaca iyo cayilka badan. Wuxuu dhaca marka unuga isku heysa xubnhagaaga kala xiranto, oo ay sababto xanuun iyo oo ay dhaqaaqi wayso xanuun la'aan. Lafo jilaaca ayaa saameyn karaa xubin walba oo jirkaaaga, laakiin waa tan ugu badan ee ku gacmaha, jilbaha, lafdhabarta.

Astaamaha lafo jilaaca

Astaamaha kala duwan, waxay ku xiran tahay xubnahaa saameysan. Muddo kadib ay ka sii daraan. La hadal dhakhtarkaaga haddii aad isku aragto astaamaha lafo-jileeca:

  • Xanuun qotoda dheer oo kudhaca xubinta
  • Dhib ku soo qabsashada waxyaabaha, korista ama fuulida jaranjarooyinka
  • Dhaqdhaqaaqa kala duwan ee xadidan
  • Qalafsanaanta subaxii ee ay kor u qaado hawlaha
  • Qalafsanaanta kadib nasashada
  • Kala goysyada bararsan

Xanuunka bararka kala goysyada

Cudurkaan lafo xanuunka ayaa sababa inay kala goysyada xubnaha noqdaan inay bararaan. Haddii aadan iska daaweynin, bararka ayaa u keeni karaa waxyeelo daraan kala goysyadda xubnaha.

Xanuunka bararka kala goysyad waxay caadi ahaan saameysaa in ka badan hal xubin kala goys waxayna ku faafi kartaa qeybaha jirka, oo ay ku jirto wadnaha, sambabada iyo indhaha. Qaar ka mid ah dadka qaba xanuunka bararka kala goysyadda waxay buro ugu dhacda meelaha kala goysyadda xubnaha, badnaa waxay ku yallaan lugaha, xusuladda, iyo cirbaha.

Dhakhaatiirta si dhab ah uma garanayaan waxaa sababa xanuunka bararka kala goysyadda. Qaar ayaa u maleeynaya inay dhacdo marka bakteeriya ama fayraska uu wareeriyo difaaca jirka waxayna sababta ay wareerto kala goysyadda xubnaha.

Astaamaha xanuunka bararka kala goysyadda

Astaamaha ayaa laga yabaa inay si degdeg ah u yimaadan ama muddo ku sameeysmaan. Waxay inta badan ka darran yihiin lafo -jileeca. Waa muhiim inaad aragto dhakhtarka haddii aad ogaato:

  • Xanuun, qallafsanaanta ama bararka xubnaha badan
  • Hanaanka joogtada ah - Haddii curaancurtaada bidix ay soo bararto, curaancurtaada midig ayaa laga yabaa inay soo bararto.
  • In badan oo ah kala goysayada xubnahaaga ayaa noqon doonaa kuwa xanuun badan iyo barara waqti badan.
  • Bararka ma tagayo wuxuuna saameyn karaa awoodda aad ku shaqeyneyso, ku soconayso ama maareynta hawlahaaga maalinlaha sida labiska ama gaari wadista.
  • Daal iyo miiska oo dhaca

Daaweynta bararka kala goysyada

Haddii aad isku aragto bararka kala goysyadda, arag dhakhtarkaaha sidaa ugu dhaqsiyaha badan marka ay astaamaha soo baxaan. Inta badan ee aad sugeyso raadinta daaweynta, waa inta ay badanayso waxyeeladda kala goysyada xubina barbarka kala goysayadda ay keeni karto. Dhakhtarkaaga ayaa soo jeedin karaa daaweynta hoos u dhigi karto hormarka bararka kala goysyada waxayna ka caawin doontaa inaad dhaqdhaqaaqdo.

Daawoyinka bararka kala goysyadda waxaa ku jira:

  • Daawooyinka yareynaya xanuunka iyo bararka. Kuwaani waxaa ka ku jiri karaa daawooyinka uu dhakhtarka qorin sida aspirin, acetaminophen iyo ibuprofen, daawooyinka ayaa laga yabaa inuu dhakhtarka qoro.
  • Dawooyinka waxay xakameynaya difaaca jirka. Kuwaan waxaa laga qaadan karaa afka ama waxaa lagu duri karaa meesha kala goyska xubinta ay waxyeelaysan.
  • kareemyo kulul iyo masajaado. Sida caadiga ah waxaa laga helaya daawoyinka aan qorin, daawooyinka waxaa la mariya maqaarka si loo yeereyo xanuunka kala goysyada xubinta iyo xanuunada.
  • Daaweynta jirka. Kiisaska qaarkood, daaweynta jirka ka caawin kartaa xoojinta murqaha iyo kor u qaadista kala duwaan ee dhaqdhaqaaqa.
  • Qaliinka. Kala goysyadda ay sida xun u saameyey bararka kala goysyadda waxaa laga yabaa inay u baahan yihiin dayactir ama beddelid. Caadi ahaan inta badan xubnaha labadalo waa miskaha iyo jilbaha.

Blue Cross ayaa halkaan u joogta caafimaadkaaga

Blue iyo Blue Plus waxay ka dhigaan fudayd jawaabaha su'alahaaga caafimaadka. Qorshahaaga ayaa ku siin karaa isticmaalista online-ja ee dhakhaatiirta amna 24-saac khadka kalkaalisada. Waaxad sidoo kale heli doontaa ilaha caafimaadka ee ku jira farahaaga fiidooda. Waxaa laga yabaa in lagugu abaalmariyo joogteynta jimicsiga, sidoo kale.2

Haddii aadan heysanin caymiska caafimaadka, Blue Cross iyo Blue Plus ayaa bixiya qiimaha kala duwan ee qorshayaasha caafimaadka si loo buuxiyo miisaaniyadaada iyo baahiyaahaga. Dhammaan qorshayaasha caafimaadka waxaa ku jira daryeelka ka hortagga ama caymiska oo ay la socdan qalabyada iyo ilaha si ay kaga caawiyaan inaad caafimaad qabto iyo ilaalinta caafimaadka qoyskaaga oo dhan.

La hadal wakiilka ama  La taliyaha Blue Cross si aad u barato wax badan.

1 Mu'asasada Arthritis, 2017. www.arthritis.org
2 Fiiri faafaahinta qorshaha caymiskaga ama soo koobida faa'iidooyinka si loo go'aamiyo u qalmista barnaamijka.