Niyad-jabku waa mid guud lana daweyn karo haddii goor hore la ogaado. Si kastaba ha ahaatee, dad badan ma helaan caawimaada niyad-jabka sababtoo ah kama warqabaan calaamadaha digniinta ah. Waxaad booqan kartaa dhakhtarka qoyskaaga ama waxaad raadsan kartaa
dhakhtar daaweeya niyad-jabka oo ku jira Blue Cross ama Blue Plus shabakada qorshaha caafimaadka.
Waa maxay calaamadaha niyad-jabka?
Calaamadaha soo socdaa waxay noqon karaan kuwo fudud ama daran. Haddii aad isku aragto calaamadahan oo ay socdaan ugu yaraan laba toddobaad, waa inaad aragtaa talo bixiye caafimaad si loo ogaado in uu yahay niyad-jabka :
- Dareemida murugo leh sabab la'aan
- in aad nacdo hawlaha aad inta badan ku raaxaysan jirtay
- in aad ku dhibtooda hurdada
ama aad seexato hurdo ka badan ama ka yar sidii caadiga ahayd
- Tamar la aan ama dareen daal oo ka badan sidii caadiga ahayd
- in aad yeelato dareen isku-kalsooni hooseeya, qiimo-la'aan iyo/ama dambiile sabab la'aan ah
- Dhibaatooyinka oo aad xoog saartid ama go'aan qaadashada
- Cunista wax ka badan ama ka yar inta caadiga ahayd ama isbeddel xaga miisaanka ah
- ka Fikirka dhimashada ama is-dilka waxay u dhici karaan xaalado daran
Sidee loo daweeyaa niyad-jabka?
Siyaabaha ugu badan ee lagu daweeyo niyad-jabka waa dawooyin iyo/ama la-talin. Waxaad la kulmi kartaa dhakhtarkaaga qoyska ama waxaad talo ka raadsan kartaa:
- Takhtarka maskaxda - Dhakhtarka caafimaadka (MD) kaas oo ku taqaaqusay calaamadahaaga iyo welwelkaaga oo kuu qori kara dawo haddii aad u baahato.
- Xirfadlaha Caafimaadka Maskaxda oo shati u haysta- Wuxuu haystaa shahaado Doctorate ama Master degree sida cilmiga maskaxda , shaqaalaha bulshada, daaweeynta guurka iyo qoyska, iyo la-taliyayaal xirfad leh kuwaas oo daweyn doona dhibaatada niyadeed iyo maskaxda, laakiin caadi ahaan ma qori karaan dawo.
Kiisaska badankooda waxaa daweyn kara dhakhtarka qoyskaaga. dhaqtarka qooyska waxaa laga yaabaa inay sidoo kale kuu qoraan daawo. Waxyaabo dheeraad ah oo aad sameyn karto si aad u maareyso niyad-jabka waxaa ka mid ah:
- Jimicsi samee
- Cunto isku dheela tiran
- Xilinta dhibaatada
- Iska dhaaftida qamriga