Laba qof oo waaweyn oo dhoola cadeyn isku mar xabaynaya.

SecureBlue

Qorshaha Caafimaadka ee Minnesota Senior Care Plus.

Ka hel raaxada Medicare iyo kaalmada caafimaadka (Medicaid) oo lagu daro hal qorshaha caafimaadka.

SVG

Gelitaanka xubinta

Soo qaado Kaarkaaga aqoonsiga, qorshaha macluumaadka, raadi dhakhaatiirta ku jirta shabakadda iyo wax badan.

SVG

Codso oo isdiiwaangeli

Waxaad iska qori kartaa haddii aad tahay 65 jir ama ka weyn,ama aad haysato Medicare Part A iyo Part B, isla markaana aad xaq u leedahay Medical Assistance.

Hadda iska diwaan-geli adigoo wacaya:

Khadka-bilaashka ah 1-866-477-1584
ama (651) 662-1811, TTY 711

Dulmarka qorshaha

SecureBlueSM (HMO SNP) waa qorshaha Dookha caafimaadka waaweyn oo Minnesota ah (MSHO) kaas oo isku dhafaya Medicare iyo Medical Assistance hal qorshe. 

Waa inaad u qalanta Medical Assistance, oo aad jirto 65 ama ka weyn tahay, oo laad labada Medicare Part A iyo Part B si aad u qalanto SecureBlue.

Barnaamijyada Medicare iyo Medical Assistance waa barnaamijyo kaa caawinaya inaad bixiso lacagta daryeelka caafimaadka.

SecureBlue waxaa laga heli karaa dhammaan 87 ismaamulada Minnesota.

Qorshahan ma laha khidmada caymiska billaha ah.

SecureBlue wuxuu kaa caawinayaa inaad bixiso:

SVG

Caafimaadka iyo daawooyinka

Daryeelka caafimaadka aasaasiga ah (booqashada dhakhtarka, daawada, joogitaanka isbitaalka iyo wixii ka badan), daryeelka ka-hortagga (sida tallaalka hargabka) iyo daryeelka xaalada-degdega ah.

SVG

Ilkaha

Hel daryeelka ka-hortagga sida baaritaan dhammaystiran, buuxinta, iyo nadiifinta.1

SVG

Dhagaysiga

Ku hel tijaabooyinka maqalka iyo kaalmada maqalka $0 oo ah dookha batariga la kaarikeyn karo ee qaabka doorashada.

SVG

Aragtida

Waxaa ka mid ah baaritaanada indhaha iyo wax dheeri ah sida ka hortagga iftiianka, murayadaha ookiyaalaha, murayadaha ku meel gaark ah iyo dooro fareemayada ookiyalaha.

Adeegyada iyo barnaamijyada caafimaadka

SecureBlue waxaa ka mid ah helida adeegyada caafimaadka ee soo soda iyo barnaamijyada ka caawinayo inaad ku noolaato nolol caafimaad leh

Baro qorshaha ku saabsan adeegyadda iyo barnaamiyadda oo dhan

Adeegga Gaadiidka BlueRide

BlueRideSM waxay ku siineysaa raacid lagu kalsoon yahay oo badqab ah si loo daboolo caafimaadka, ilkaha, iyo ballamaha caafimaadka dhimirka. Oo lagu daray, booqashooyinka farmashiye, jimicsiga iyo caafimaadka iyo fasalada ladnaan​​​​​​​, iyo wax badan 2

SilverSneakers

Ku jimicso mar walba fasalada jimicsiga ee loogu talo galay da'aada 50+ fiidiyowyada jimisiga ee loo baahan yahay iyo helida shabakadda ballaran ee goobaha jimicsiga.

Isku Xiraha Daryeelka

Isku duwaha daryeelka waa kalkaaliye caafimaad oo ruqsad haysta, shaqaale bulsho ama bixiye daryeel caafimaad oo aqoon leh, kuwaas oo kaa caawin kara inaad jheyso qorshaha iyo daryeelkaaga caafimaad.

Taleefanka Kalkaalka

Kalkaaliyaal khibrad leh oo diiwaan gashan ayaa la helaya 24 saac maalintii, 7 maalmood toddobaadkii marka aad u baahan tahay talo caafimaad ama hagida halkaas oo aad u aadayso daryeel.

Wac khadka bilaashka ah 1-888-275-3974, TTY 711.

Gunnada myFlexCard

MyFlexCard Mastercard ayaa laguugu soo diri doonaa si aad uga faa'iidaysato faa'iidooyinkan.

Waxaad awoodi doontaa inaad u isticmaasho isla kaarka alaabta aan la iibsan (OTC) iyo haddii aad xaq u leedahay, cuntooyin caafimaad leh iyo taageero qoyska.

Waxyaabaha Caafimaadka iyo Ladnaanta (OTC) ee la heli karo

Hel $75 saddexdii biloodba3 si aad u doorato alaabta qaarkood ee aan la iibsan karin. Alaabta waxaa lagu dalban karaa khadka tooska ah, taleefanka, ama waxaa laga iibsan karaa dukaamada tafaariiqda ee ka qaybqaadanaya.

Wax ka baro 2025 gunnada OTC.

Wax ka baro gunnada 2026 OTC [SOON IMANAYA]

Cunto caafimaad leh iyo taageerada guriga

Haddii aad qabtid xaalado caafimaad oo muddo-dheer ah, waxaa laga yaabaa inaad xaq u yeelato $ 275 dheeraad ah saddexdii biloodba mar si aad uga caawiso bixinta adeegyada, kirada, iyo cuntooyinka caafimaadka leh sida miraha, khudaarta, iyo hadhuudhka oo dhan.4

Hel Daryeel

Dhakhaatiirta, dhakhaatiirta ilkaha, farmashiyaasha iyo dawooyinka

SVG

Raadi dhakhtar

Marka aad leedahay qorshaha SecureBlue, waxaad dooranaysa dhakhtarka ama rugta caafimaadka ee shabakeedna inay noqoto rugta daryeelka farmashiyahaaga. Waxay ku baran doonaan waxayna ku heynayaan diiwaanada xogtaada caafimaadka hal meel.

Waxaad sidoo kale ka heli kartaa daryeelka indhaha, dhagaha ama dhakhaatiir kale.

Raadi dhakhtar

Waxaad sidoo kale heysta dookh aad ugu xirmayso guddiga-xaqiijeysan ee dhakhatiirta iyo baxnaaniyaasha shatiga heysta ee online-ka adigoo isticmaalaya Doctor On Demand 24 saacadood maalintii, 7 maalmood toddobaadkii.

Booqo dhakhtar ama dhakhtarka baxnaaninta

SVG

Hel dhakhtar ilko

Qorshaha wuxuu daboolayaa adeegyada aasaasiga ah ee ilkaha, oo ay ku jiraan baaritaanka, nadiifinta, iyo buuxinta.

Wac khadka bilaashka ah 1-800-774-9049, TTY 711
Isniinta ilaa Jimcaha 8 subax ilaa 5 galabnimo, Central Time.

Wixii daryeelka ilkaha ah, isticmaal jiheynta onlaynka ee Delta Dental. Waa inaad doorataa shabakadda "Minnesota Select Dental Network" si aad u aragto dhakhaatiirta ilkaha ee shabakada ku jira.

Raadi tusiyaha dhakhtarka ilkaha

SVG

Raadi dhakhaatiir, farmashiyeyaal iyo daawooyin

Shabakadda farmashiye waa liiska farmashiyaal (farmashiye) kaas oo u buuxin karaa daawada qorshaheena xubnaha.

Waxaa laga yaaba inaad ku bixiso lacag badan daawada haddii aad isticaalin farmashiye ku jira shabakadaada ama daawadaada aysan ku jirin habeeyaha (liiska daawada).

Raadi farmashiye-yaal

Raadi habeeyaha (liiska daawada) onlayn

Ama khadka bilaashaka ah 1-888-877-6424, TTY 711
24 saacadood maalintii, todobo maalmood todobaadkii.

Codso oo isdiiwaangeli

Sida loo codso oo la isku diiwaangeliyo

Hel xirmadda diiwaangelinta

Marka aad diyaar u tahay inaad iska diiwaangeliso SecureBlue, codso qalaabkaaaga aan qasabka aheyn, oo bilaash ah. Qalabka waxaa ku jira:

  • Qodobada ugu muhiimsan qorhsha
  • Faa'iidooyinka Kooban
  • Liiska hubinta diiwaanelinta-hore
  • Foomka Diiwaangelinta
  • Qiimaynta Xiddiga CMS

2025 Xirmada Diiwaangelinta

Maanta iska diiwaangelinta SecureBlue

Waxaad iska diiwaangelin kartaa SecureBlue haddii aad jirto 65 ama ka weyn tahay, aad leedahay Medicare Part A iyo Part B, oo aad u qalnto Medical Assistance.

Hadda iska diwaan-geli adigoo wacaya:

Khadka-bilaashka ah 1-866-477-1584
ama (651) 662-1811, TTY 711

2025 Foomka Diiwaangelinta

Khubaro khibrad leh ayaa diyaar u ah inay ku caawiyaan

Khubaradeena MHSO ayaa ka caawin karaa inaad go'aamiso u qalmida, ka jawabida su'aalaha iyo caawinta iska diiwaangelinta qorshaha oo telefoon ah, iimayl ah ama boosto ah.

Takhasuslaha MSHO Angie Flores

Angie Flores

10 sano oo ah waayo aragnimada Medical Assistance

Si fiican uga hadasho Isbaanashka

Wac 855-417-3739, TTY 711

Iimayl: Angie.Flores@bluecrossmn.com

Takhasusaha MSHO Hibaq Mire

Hibaq Mire

11 sano oo ah waayo aragnimada Medical Assistance

Sii fiican ugu hadasha Soomaali

Wac 844-431-6605, TTY 711

Iimayl: Hibaq.Mire@bluecrossmn.com

Taageero iyo agabyo

Su'aalaha?Waan ku caawin karnaa

Wac adeegyada xubnaha lacag la'aanta:

1-888-740-6013, TTY 711.

8 subaxnimo ilaa 8 fiidnimo toddoba maalmood todobaadkii, Oktoobar 1 ilaa Maarso 31 iyo Isniinta ilaa Jimcada Abbriil 1 ilaa Sebtembar 30

Wicitaankan waa bilaash.

Kaalmada turjumaanka

Ka hel ballan turjubaan dhakhtarkaaga haddii Ingiriisku aanu ahayn luqaddaada koowaad.

Wac 1-800-711-9862, TTY 711.
Wicitaankan waa bilaash.

Magacaabista wakiilka sheegashada, racfaanka, cabashada ama codsiga.

Waxaad magacaabi kartaa xubin qoyska, saaxiib, dhakhtar, ama qof kale oo ku matalaya sheegashooyinkaaga caafimaadka, cabashooyinkaaga, ama codsiyadaada. Haddii aad rabto in aad magacowdo qof aan hore loogu oggolayn sharciga gobolka, adiga iyo qofkaas waa in aad buuxisaan Foomka Magacaabista ee Medicare. 

Xuquuqaha iyo masuuliyadda marka laga diiwaanka laga saaro

Marka aad ka baxdo ama dhammayso xubinimada SecureBlue (HMO SNP) waa laga dahaa diiwaan ka bixid. Diiwaan iska bixinta iskaaaga ah waa marka aad go'aansato inaad ka baxdo qorshaha. Waxaad ka bixisa qorshaha waqti walba. Ka bixida qorshaheena ma saameyneyso u qalmida Medicare iyo Medicaid (Medical Assistance) Liiska iska saarida iskaaga ah marka ay tahay qasab inay dhammaato qorshahaaga xubinimada. Waxaa jiro xaalado xadidan marka aad doorto inaad ka bixi karin, laakiin waxaad u baahan tahay inaad dhammayso xubinimadaada. Tusaalaha tani waa haddii aad been abuur ku bixiso foomkaaga isqorista ama aad u oggolaato xadgudub kaarkaaga isdiiwaangelinta.

Haddii iska laga saaray sabab walbb, qorshaha ayaa kuu soo sheegi doonaa taariikhda xubinimaadu ay dhammaan doonto sababta loo dhammaynayo. Haddii aad qabto su'aalo ku saabsan ka noqoshada, fadlan kala xiriir Adeegyada Xubinta 1-888-740-6013, TTY 711.

H2425_082625_O01_M DHS La Aqbala 9/10/2025 CMS La aqbala 9/15/2025

1Adeegyada ilkaha ee lagu bixiyo Delta Dental of Minnesota,taas oo ka madax banaan Blue Cross iyo Blue Shield ee Minnesota. Delta Dental waxay bixisaa faa'iidooyin maamul, oo ay ku jiraan helitaanka shabakadda Minnesota Select Dental.

2Ku daqabaqan xayiraahada iyo shuruudaha.

3Xaddiga faa'iidooyinka aan la isticmaalin ee saddexdii bilood ma rogaan. Kaarka Blue Cross® iyo Blue Shield® ee Minnesota MasterCard® Prepaid Card, myFlexCard, waxaa soo saaray Stride Bank, N.A., xubin ka tirsan FDIC, iyadoo la raacayo liisanka MasterCard International.

3U-qalmitaanka faa'iidada ma ahan mid lagu damaanad qaadi karo kaliya xaalad. Shuruudaha u qalmida waa in marka hore la buuxiya. Kala xiriir Adeegyada Xubin wixii faafaahin ah. Xubnuhu waa inay lahaadaan mid ka mid ah xaaladaha daba-dheeraada ee soo socda: cudurka kelyaha ee joogtada ah, xanuunka wadnaha ee ciriiriga ah, COPD, cudurka halbowlaha wadnaha, sonkorowga, ama xaalado kale oo u qalma oo aan lagu xusin. Faa'iidooyinka aan la isticmaalin ee rubuc kasta ma u rogaan rubuca xiga.

Kaarka Blue Cross® iyo Blue Shield® ee Minnesota MasterCard® Prepaid Card, myFlexCard, waxaa soo saaray Stride Bank, N.A., xubin ka tirsan FDIC, iyadoo la raacayo liisanka MasterCard International.

Doctor On Demand® ee Included Health waa shirkadd madaxbannan oo bixisa adeegyada caafimaad ee tignoolajiyada

Barnaamijka Omada waxa uu ka socdaa Omada Health, Inc., oo ah shirkad madax-bannaan oo bixisa barnaamij la-talin dabeecadeed oo degdeg ah.Barnaamijka Omada waxa uu ka socdaa Omada Health, Inc., oo ah shirkad madax-bannaan oo bixisa barnaamij daryeelka casriga ah.

Prime Therapeutics LLC waa shirkad madax-bannaan oo laga helaayo maaraynta adeegyada waxtarrada farmashiyaha .

SecureBlueSM (HMO SNP) waa qorshaha caafimaadka oo qandaraas la leh Medicare iyo barnaamijka kaalmada caafimaadka ee Minnesota si loo siiyo faa'iidooyinka labada barnaamij ee diiwaangashanayaasha. Diiwaan-gelinta SecureBlueSM (HMO SNP) waxay ku xirantahay cusbooneysiinta qandaraaska.

Sannad walba, Medicare waxay qiimayn ku samaysaa qorshe-yaasha oo ku salaysan 5-habka qiimaynta star.