Qof weyn iyo cunug oo si wada jir ah u calaameeynaya gabal warqadd ah.

Qorshayaasha Medical Assistance (Medicaid)

Waa muhiim inaad leedahay qorshaha caafimaadka marka adiga qoyskaaga waxaad heli kartaan daryeelka caafimaadka ee aad u baahan tihiin.

SVG

Gelitaanka xubinta

Soo qaado Kaarkaaga aqoonsiga, qorshaha macluumaadka, raadi dhakhaatiirta ku jirta shabakadda iyo wax badan.

Sahminta Qorshayaasha

Qorshayaasheena

Waxaan leenahay qorshayaal caafimaad kuwaas oo aan kula shaqeyno Medical Assistance ee Minnesota (Medicaid). Qorshayaan ayaa ka caawin karaa bixinta lacagta daryeelka caafimaadka haddii aad u qalanto. Qorshaha walba oo Medical Assistance (Medicaid) ah wuxuu leeyahay shuruudo da'da kala dywan iyo dakhliga.

Labo qof waaweyn oo gacamahooda dhexdeed ku qaadaya ilmo, fuulaya dibadda, oo ka fog kaamiirada

Blue Advantage Families And Children

Qorshaha daryeelkan caafimaadka ayaa loogu talagalay dadka u qalma Medical Assistance (Medicaid), oo ay ku jiraan qoysaska, carruurta, dadka uurka leh, dadka naafada ah, iyo dadka waaweyn ee aan carruurta laheyn.

Qof weyn oo ilmaha ku xamabaraya dhabarka oo banaanka jooga, labada waxay ku dhoola cadeynayaan kaamirada

MinnesotaCare

Qorshaha daryeelkan caafimaadka waxaa loogu talagalay dadka u baahan caawimaad si ay u bixiyaan daryeelkooda caafimaad balse aan u qalmin Medical Assistance (Medicaid). Sidoo kale waxay ku haboon tahay dadka waaweyn kuwaas oo aan laheyn qorshaha loo marayo loo shaqeyahooda.

Qof weyn iyo qof waayeel ah oo is marxabaynaya

Minnesota Senior Care Plus (MSC+)

Qorshaha daryeelkan caafimaadka waxaa loogu talagalay dadka da'doodu tahay 65 iyo dadka ka weyn kuwaas oo u qalma Medical Assistance (Medicaid). 

Laba qof oo waaweyn oo dhoola cadeyn isku mar xabaynaya.

Xulashooyinka Caafimaadka Waayeelka Minnesota (MSHO)

Qorshaha daryeelka caafimaadka, wqaxaa loogu yeera SecureBlueSM (HMO SNP) waxaa loogu talagalay dadka da'doodu tahay 65 iyo wixii ka weyn. Waxay kulminaysaa Medicare iyo Medical Assistance (Medicaid) hal qorshe.

Laba qof oo waaweyn oo isla hadlaya.

Adeegyada iyo barnaamijyada caafimaadka

Sahminta adeegyada kala duwan, barnaamijyada, iyo ilaha ee qorshayaasheena bixiyaan, kuwaas oo kaa caawinaya inaad ku noolaato noloshaada caafimaad leh.

Baro qorshayaashaheena
qof qaangaar ah iyo labo carruur ah oo ku ciyaaraya alaabta alwaaxda ah ee dhulka.

Dib cusboonaysii caymiskaaga

Haddii aad haysato Medical Assistance (Medicaid) ama MinnesotaCare, caymiska caafimaadka waa in sanad walba la cusboonaysiiyaa. Ka fogow waayista caymiska caafimaadka isku diyaari dib u cusbooneysiisa iyo hubinta ciwaanada, lambarka telefoonka iyo ciwaanka imaylka inay mar walba cusub yihiin.