
Daryeelka Ka Hortagga
Waa muhiim inaad aragto dhakhtarka daryeelka aasaasiga wixii ah booqashooyinka daryeelka ka hortagga sanad walba. Gaar ahaan haddii aad caafimaad qabta waxaadna rabta inaad dhato qaabkaas.
Waa muhiim inaad aragto dhakhtarka daryeelka aasaasiga wixii ah booqashooyinka daryeelka ka hortagga sanad walba. Gaar ahaan haddii aad caafimaad qabta waxaadna rabta inaad dhato qaabkaas.
Daryeelka ka hortagga waxaa ka mid ah waxyaabaha sida baaris joogtada, baarista iyo tallaalada. Waxaa caymin karaa iyada oo aan la wadaagin-kharashka marka aad booqto dhakhtarka ku jira shabakadda qorshaha caafimaadka. Noocaan daryeelka ayaa sidoo kale ka caawin karaa dhibaatooyinka caafimaad ee kugu dhaca ka hor inta aysan noqonin halis. Kala hadal dhakhtarkaaga wax ku saabsan daryeelka kugu haboon.*
Booqasho ka hortag ah ayaa u oggolaanaysa dhakhtarkaaga inuu qiimeyo caafimaadka oo hubiyo inaad hesho baaritaanada saxda ah ee ku haboon da'dadaada, jinsigaaga, iyo taariikha qoyskaaga. Booqashadaan ayaa ka caawinaysa inaad ahaato caafimaad qab waxana laga yabaa inaad aqoonsato walacyada caafimaadka ka hor inta aysan noqon xaalaad muddo dheeraada.
Booqashooyinka ka hortagga, mararka qaar waxaa loogu yeera baaris joogto ah, waana ka duwan yihiin booqashada xafiiska jadwalaysan ee looga hadlayo dhibaatada caafimaad oo gaar ah
Waxaad arki laheyd dhakhtarkaaga, xirfadle kalkaaliye ama caawiye dhakhtar oo loogu talagalay booqasho ka hortag ah marka dareento caafimaad. Daryeelka wuxuu ku jiri karaa sida imtixaan oo kale, baarista dhiig karkaaga, ama qaadashada tallaada lagu taliyey. Booqashooyinkaan ayaa lagu caymin karaa iyada aan kharashka-la wadaagin marka aad isticmaalayso adeeg-bixiyaha shabakada ku jira (dhakhtarka, xirfadle kalkaaliye, caawiye dhakhtar).
Guud ahaan booqashooyinka xafiiska waxa ku jira baarista astamaaha si loo daaweyo xaalad caafimaad oo ah gaar ama dhibaato.
Waa maxay sababta la iga qaaday lacag booqasho ka hortag ah?
Qorshayaal badan oo ah Blue Cross ayaa caymiya adeegyada daryeelka ka hortaga ah iyada oo aan la wadaagin-kharashka marka aad aragto dhakhtar ku jira shabakadaada qorshaha caafimaadka. Iska hubi inaad fiiriso faafaahinta qorshahaaga ka hor intaad ballan la sameeysanin dhakhtarka.
Mararka qaar, dhakhtaarka ayaa armi doonaa baaritaano inta lagu jirto booqashada daryeelka ka hortagga taas oo aan la tixgelinaynin daryeelka ka hortagga. Baaritaanadan ayaa laga yabaa in laga jaro lacagta laga rabo inuu caymiska bixiyo, isla bixinta iyo/ama wadaaga lacag bixinta caymiska.
Dhakhtarkaaga ayaa sidoo kale laga yabaa inuu daweeyo xaalad jirta (ama waxaa laga yabaa inaad leedahay astaamo xanuun marka aad ku jirto waqtiga booqashada). Daaweynta ama baaritaanada loogu talagalay xaaladdaha horey u jiray ma ahan daryeelka ka hortagga iyo waxaana jaraya lacagaha lagu rabo inuu bixiyo caymiska, isla bixinta iyo/ama wadaaga lacag bixinta caymiska.
Waa muhiim in la fahmo waxaa caafimaad ahaan lagu taliyey iyo waxaa gaar ahaan u daboolayo qorshahaaga. U isticmaalan ilmaha si aad u baarto. Ka hel faafahinta dheeraadka ah buugga faa'iidada
Booqashadada ka hortag aha, dhakhtarka daryeelka aasaasiga ayaa ku weydin karaa wax ku saabsan caafimaadkaaga hadda, taariikhda qoyskaaga, xanuunadii hore iyo qaliinada iyo xaaladda dabadheeraadaha si loo qiimeyo halista caafimaadkaaga. Waxay kaloo u badan tahay in ay sameyn doonaan baaritaan jireed, sida in ay hubiyaan calaamadahaaga muhiimka ah, dhageysiga wadnahaaga iyo sambabadaada iyagoo isticmaalaya stethoscope, iyo iyagoo hubinayo dhegahaaga, indhahaaga, hunguriga, maqaarka, caloosha iwm.
Dhakhtarkaaga waxaa laga yaabaa inuu sameeyo baaritaanno gaar ah oo ku saleysan da'daada iyo jinsigaaga:
Waxaad rabi doontaa inaad diyaariso baarista jirka adiga oo horey u buuxinaya foom walba, adiga oo sameeynaya liiska daawooyinka aad sida joogtada ah u qaadato iyo aqoonsiga wixii su'aalo dheeraad ah iyo walacyada.
Dhakhtarka daryeelka aasaasiga ah waa shaqaalaha daryeelka caafimaadka aad u aragto baarista jirka ama booqasho ka hortag ah iyo dhakhtarka aad si joogto ah ugu tagto wixii ah daryeelka caafimaadka.
Dooro dhakhtar aad ku kalsoon tahay ka dibna u tag isla dhakhtarkaas muddo ka dib si daryeelkaaga caafimaad uu u noqdo mid joogto ah oo la xiriiriyay.
Ma ka walacsan tahay astaamaha ku saabsan ama wareersan tahay wax ku saabsan isbeddelada caafimaadkaaga? Weydii su'aalaahan oo kale?